WAXBARASHO

Tuesday, December 13, 2016

Maxay Abwaanadii Hore Ee Dhulka Somalidu Ka yidhaahdeen Guurka iyo Guursashada. Q.28aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Qaybta dambe ee Cutubkan 4aad Ee Ka warmaayey Guurka iyo Guursiga wanaagsan ee Dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaynu ku baran doonaa Gabayo ku saabsan guurka, iyagoo isagu jira qaar ka hadlaya dhiilrigalintiisa, qaar dardaaran u ah dhalin guurdoon ah iyo waliba qaarkale oo ka hadlaaya xaalada ka danbaysa aqalgalka, waxaynu soo qaadan qaar ka mid ah gabayda ugu caansan gayiga soomaalida misana ay tiriyeen kuwa ka mid ah foolaadkii suugaanyahankii hore ee somalida.

Wednesday, December 7, 2016

Q25aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta

Guurka kadib Maxaa laga Rabaa Ninka   Q.25aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Wax-kabaro Taariikh nololeedka Sheekh Cabdiraxmaan Al-Sudaysi

Waxaynu qaybta barmaamujkeenan Daraasaadka dunida kusoo qaadan doonaa qayb kamid ah taariikhda sheekh cabdiraxmaan binu-cabdicasiis alsudays, sheekh cabdiraxmaan binu-cabdicasiis

Sunday, December 4, 2016

Isku-shaandheynta kadib, Hal baan tabanayaa muddan madaxweyn !!! W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer yare)

Sida caqliga fayow iyo Quluubta saalixa ahi tilmaamayaan waxaan dareemi karnaa in mar kasta oo isbedelka iyo isku dhalan gediska Mas’uuliyiintu uu badto waxqabadka iyo Hanaan socodka Horumarineed ee Dalka iyo shacabku u baahanyihiina uu dib dhacaayo, Bal malla awaal Marka mas’uul xil hayey isga oo Hawl maalmeedkiisii ku jira isla markaana, qorshaystay in uu qabto hawlahau yaala, samaystay shax sida uu shaqadiisa ugu kala muddan yihiin, Laga soo dul tuuro warqad Habeenimadkii Uu Maddaxweynuhu farsameeyey

Thursday, December 1, 2016

Adigu Maxaad Weli Keli U Tahay? Q.23aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Wixii aan la hureyn horaa loo-yeelaaye, gayaanka guurdoonka ah iyo gashaatimaha maanta joogaa waxay inbadan ka gaabiyeen dhaqankii suubanaa ee guurka iyo guursashada, taas oo ay sababo badan u daliishadaan dib u dhaca iyo yaraanshaha ku dhaca qoysaskii soomaaliyeed ee la yagleeli lahaa. Dhinacyo badan markii laga eegay, cilmi baadhayaal mudo badan bulshada ku dhex jiray  waxa ay aaminsan yihiin sababaha dhalinyaro badan oo maanta joogta ku keena guur la’aanta in ay ka mid tahay...............................................................Sii Akhri

Friday, November 25, 2016

Jacaylkii Timo-dheer Haween Iyo Xurguftii Colaada Sokeeye Q.2aad W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Markiiba maskaxdayda waxaa kusoo deg degtay maanso macalinkaygii cabdilaahi si fiican uu iiga dhegaysan jiray muddo 8 sano kahor, markii aan ku jiray dugsiga dhexe anigoo xiligaas ahaa fasalka lixaad ee waxbarashada dhexe, waxaanan si fiican u sawirtay luuqdii farshaxanimada lahayd ee Maansadda uu ku tiriyey Abwaan Maxamed warsame HadraawiHablaha geeska afrika”.

Geedi isaga laftiisu dab yar ma shidaynin ee markiiba macnaha iyo xikmadda ayuu maskaxadiisa ku tuujiyey, suu isla markiiba ka qabsadday sangaabta gaaban oo uu ku celceliyey “Haddaan gabadhi boodayn, haddaan gabadhi boodayn, ileen gegi ciyaareed, ileen gegi ciyaareed, wax ma dhaanto giriyaad

Jacaylkii Timo-dheer Haween Iyo Xurguftii Colaada Sokeeye Q.1aad Muhiimada buugani waa dabar jarka colaadaha sokeeye ee waxyeelada u geystay guurdoonkii iyo geyaankii isjecelaa W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Laakiin Ogow  oo wali maan gaadhin u jeedadii aan u socoday mid kamid ah oo sitay toosh ayaa idhaha igag ifiyey, Si uu wajigayga u garto laakin, Aniga oo ah nin ku cusub geyigan misna Baqashada...........................................Sii Akhri

Tuesday, November 22, 2016

Siduu ahaa hasaawihii dhalinyartii hore Q.14aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Hadaynu milicsano Mala awaal dhex maraya laba dhalinyaro ah oo Muuqaal ahaan wakhtigaa jooga, markan waxaa loo badnaa Reer guuraa iyo xolo dhaqato,

Tuesday, November 15, 2016

AQOONSIGA MIYAA LA RAADIYAA MISE WAA LA KASBADAA?

In kasta oo aqoonsi yahaya garasho ama garwaaqsasho, khuseeyana xaalad , iyo in dadku sida ay u kala maskax badanyihiin, indheer garadsanyihiin, xogogaalsanyihiin wax uga sheegaan  Macnaha iyo Muhiimada uu leeyahay Kalmaddan “Aqoonsi”, waxaan qoraal yar oo kooban ku faaqid doonaa aqoonsiga ay jamhuuriyada Somaliland dal ahaan iyo umadd ahaanba raadiyaan.
................................................Sii Akhri

Maxamed Ibrahim Qabo Hogaamiyihii Midnimada iyo Horumarka Togdheer Q1aad W/q: Mr.Hamse Bashe Wiyeer

Dhalinyaradii soodhaweynta ka qayb qaatay oo ku asteeyey in Maxamed ibraahim yahay haldoor da’a ahaan dhalinyaro ah oo xambaarsan hamigii dhalinyarada reer togdheer.
.....................................................................Sii Akhri

Haasawaha (Shukaansigga) iyo Guurka Dhalinyaradda Q.13aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Hadaba hadii aynu hoos ugu daadagno hasaawihii dhalinyaradii hore ee somalidu siduu ahaa habkani wuxuu maraa dhawr marxaladood. Goobaha isbarashada iyo kala warqaadashada waxaa kow ka ahaa goobaha ciyaar gudka, ciyaar gudku waa goob rag iyo dumar iskugu yimadaan oo isku weydaarsadaan heeso isbarasho iyo hasaawe iskugu jira, badanaana waxaa ciyaaraha noocan ah raga guurdoonka ahi ka dul qabsadaan reer ........................................................... ....................Sii Akhri

Saturday, November 12, 2016

Doorka Waalidka Iyo Dugsiga Ee Ku wajahan Dhalinta yar-yar Q.12aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Hadaba aqoonta uu ubaahan yahay ilmuhu inta uu kujiro barbaarinta oo laga rabo waalidka iyo iskuulkaba in uu xoogga saaro waa maxay ?  Barbaarinta garaadka Ilmaha waxaa loo qaybiyaa labo qaybood  1.Dhanka aqoonta tooska ah : Aqoonta tooska ah Waxaan ula jeedaa midda leh meel ay kabi laabato iyo meel ay ku dhamaato taaso ah mid diiniya sida barashada quraanka iyo axaadiista ama mid maadiya oo kabilaabata fasalka 1aad ama xadaanada .............................................

Friday, November 4, 2016

Siddeed yoolkaaga uga dhigi kartaa mid rumooba???! Q.11aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Imakana aan tusaale u soo qaato odhaah ama halku-dhig laga dhaxlay mid kamid ah madaxdii ugu madaxa adkayd ee soo maray dalalka yurub waa Hidlar(Adof Hitler), hogaamiyihii Jarmalka, sidoo kale ahaa hogaamiyihii xisbigii Naasiga muddadii u dhaxaysay 1934-1945, maalin maalmaha ka mid ah isaga oo khudbad u jeedinaaya dhalinyaradii dalkiisa ayuu yidhi Nin labaatan jir ah (20 sano) oo Jarmal ah oo wax rumaysan oo wuxuu rumaysan yahay inuu gaadho aan doonaynin,

Wednesday, November 2, 2016

Doorka Maxamed Ibrahim (Qabyo-tire) Uu Ka Qaatay Taageerida Dadka Danyarta ah Ee G/togdheer Q11aad, W/q: Mr.Hamse Bashe Wiyeer-yare


Qormadeenan Maanta waxaan kusoo qaadan doonaa laba kamid ah waxqabadyadii todobaadkii tegay taariikhda u galay Gudoomiye Maxamed Ibraahim Qabyo-tire. Iyaga oo inta badan bulshada wanaaga iyo horumarka jecel ee Somaliland gaar ahaan muwadiniinta gobolka Togdheer ay amaan iyo mahadnaq joogto ah u jeedinayaan gudoomiye Maxamed Qabyo-tire ayaa inta badan labadii todobaad.

Qeex Yoolkaaga Oo Noqo Mid Nolosha Ujeedo Ka Leh Q.10aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

3.3.1  Sidaad Aqoon ku heli lahayd:
Igu horayn inta aanan gudo gelin mawduucan aynu isla qaadano wax ay tahay Cibaaddo, “Cibaado waa wax kasta oo allah jecelyahay oo raali kayahay ayaa cibaado layidhaahdaa In aynu kasoo baxno ayaa waajib ah”.

Saturday, October 29, 2016

ISBARBAR DHIGA URURADA JIHAADKA EE ALQACIDA IYO WALALAHA MUSLIMIINTA(IKHWAANUL-MUSLIMIN) W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare


Kooxo Ciidan diimeed islam ah ayaa isku soo urursaday Peshawar oo ku mid ah Pakistan 1988, waxayna cagaha u taageen Alqacida, sababta ugu weyna waxay ahayd in ay ka horyimadaan fikraadaha sucuudiga qaniga ah,

Qorshaynta Wakhtiga, Fahmka Iyo Barashadda Diinta Q.9aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

3.2.3 Tariikhayn/qorshayn (planning):- midda kale ee muhiimka u ah in qofka noloshiisu ujeeddo yeelato waxa weeye in nolosha mid nidaamsan laga dhigo oo wax walba qorshe loo yeelo; maxaa yeelay, marka la doonayo in hawl la qabto haddii marka hore intaan la guda gelin hawsha la sii dejiyo qorshihii lagu qaban lahaa hawshaas ka dib qabashadiisu way sahlanaanaysaa.

Wednesday, October 26, 2016

Faalada Siyaasiga: Masuul Hawl-gab ah baa Geyiga Daashadday W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer yare)

Dalku lacag ma haystee
Shilimada ka soo baxa
Qof haddaan la wada siin
Qiyaash maashka ugu weyn
Miyey qaybsamaysaa?
Haddii laysku wada dilo
Hadhow yaa mas'uul ka ah?

Monday, October 24, 2016

FAALADDA SIYAASIGA : KHILAAFKA UCID WUXUU QARANKA KA DHIGAYAA QABIIL. W/Q: HAMSE WIYEER-YARE

Aan Nabdaadsho Akhristayaasha sharfta iyo qadarinta iga muddan ee ku xidhan xarunta warfidiyaha  ah, Aan idinku soo wareejiyo mid kamid ah Qoraaladii koobnaa ee Sixida iyo Tilmaamid ku dheehnayd ee la xidhiidha siyasad.

Saturday, October 22, 2016

JACAYLKII TIMO-DHEER HAWEEN IYO XUR-GUFTII COLAADA SOKEEYE QAYBTA 2-AAD W/Q: WIYEER YARE

In Muddo aha oo geyigu Barwaaqo iyo Nolol nabdoon soo Maraya kadib, Xaladdu Waxay bilihii xigayba isku bedeshay Kuwo biyaha iyo baadku soo gabaabsi noqodo, Misna Dadka intii isku Xigaal iyo xigto ilmadeerayaal ahiba isku guuraan oo meel isku urursaddaan, Dadkuna waxay noqodeen Nolosha sii adkaanaysa darted kuwo uu soo yaraado dhaq dhaqaaqa socodkoodu, reer(beel) kasta oo degaan deganina waxay isku dayayeen sidii ay ugu faro adaygi lahayeen biyaha sii yaraanaya Iyo baadka gabaabsiga ku jira.

OGAYSIIS: Akhristayaasha Iyo Dhalinyartii Somaliyeed Ee Soo codsatay Buuga Dhalinyaradda Maanta Ee Uu Qoray Wiyeer-yare

Idil ahaantiinba nabadi korkiina ha ahaato, Akhristayaasha sharafta leh ee ku xidhan Shabakadan aan ku leeyahay Internetka, runtii waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa dhalinyarto aad u faro badan oo ku kala nool guud ahaan gobolada Somaliya iyo dalka dibadiisaba oo fariimo codsi ah iigusoo gudbinaayey ciwaankayga gaarka ah iyo barta aan ku leeyahay Facebookga oo iga dalbanaayey sidii ay ku heli lahaayeen buugan dhalinyarada maanta.

Wakhtiga iyo Dhalinyaronimadda (Dal iyo Dibadd) Q.8aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Muhiimada Mawduucan aan idinla wadaagi doonaa wuxuu noqon doonaa in aan in badan idiinka sheekeeyo wakhtiga iyo muhiimadda uu u leeyahay umadda Muslimka ah gaar ahaan dhalinyaradda Somaliyeed, waxaan taaban doonaa xaaladda dhabta ah ee dhalinta qaar ku noolyihiin kuwa gudaha iyo kuwa dibadda labadaba, qaybta dambe ee qormadan waxaan kaga hadli doonaa  sidoo kale qorshaynta wakhtiga  iyo sidda ay dhalinyarta iyo qof kasta oo guul doone ah wax ugu tarayso ayaan idiinku soo bandhigi

Diinta iyo Dhalinyaronimadda Q.7aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Markaan leeyahay Diinta iyo dhalinyaronimada, maaha in aan is barbardhig kusameynaayo Diinta Islaamka iyo dhalinyarta somaliyeed, iyo sidda ay ugu dhaqmaan, laakiin waxaan lafo guri doonaa su’aasha ah “Doorka dhalinyardu wuxuu yahay

Dhalinyarada Maantu siday yihiin iyo sidii laga rabay Q.6aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

2.4.1 Dhalinyarada Maanta iyo ka faaidaysiga wakhtiga
dhalinyarada maantow is weydiiya, see u isticmaashaan waqtigiina? Ma waxaad rabtaa inaad u isticmaashid:
1.     Laacib khatara oo Kubada ciyaara ama daawada, laaciibiinta adduunkana mid mid u yaqaanna, iyaga iyo xitaa qaraabadooda iyo meeshay maalin shaah ka cabbeen. Markii laga sheekaynayana afkiisa la wada fiirsado.

Hab-dhaqanka Dhalinyarda Maanta (Wakhtigan) Q.5aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Habdhaqanka Dhalinyarta Maantu waa mid seeskiisu yahay waxa hadda loo yaqaano Tiknoolajiyada (Technology), yaanan isku darin guud ahaan dhalinyaradda laakiin inta badan dhalinyaradan oo aan ka mid ahay waa kuwo maskax ahaan iyo jidh ahaanba ugu xidhan isbedelka guud ahaan ka dhacaya aduun weynaha, oo dhalinyarta somaliyeedna ka midyihiin. Hab-dhaqanka dhalinyarta maanta waxaan u kala qaadi doonaa qaybo kala duwan waxaana ka mid ah sidan soo socota:-

Hab-dhaqanka Dhalinyartii Hore iyo Macnaha Magacyadoodii (Ragga) Q.4aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Habdhaqan Marka aan ka hadlaayo, waxaan ka hadlayaa marxaladaha kala duwan ee noloshu marto, sidoo kale habdhaqanka dhalinyartii hore kuma sheegayo wakhti xadidan ama la isla garanaayo oo aan kaga hadlaayo dhalinyar jirtay.

Thursday, October 20, 2016

JACAYLKII TIMO-DHEER HAWEEN IYO XUR-GUFTII COLAADA SOKEEYE (QAYBTA 1-AAD)

W
akhtigu waa goor gaaban oo fiid roobabow jiraan ah, dhulku wuxuu u sii dhawaanayaa inuu noqodo maddow iyo guddcur,goobtu waa kaymo jiq ah misna jabaqda raadkayga iyo dhibcaha roobka oo aan markaas badnayn baan maqlaayey, laakiin wax intaas igag cabsi baddan goobta oo la ii sheegay in bahalo hoose iyo dhul jiifku ku baddanyahay, ma sito wax faro la’aab ah misana ma sito wax iftiin sida toosh oo kale,...............................................

Saatirow Allow Naga Samata-bixi Siyaasiga iyo Suldaanka Suudhka U gashaday Saadaalinta Colaad Sokeeye !!!

“Uf qabiilka anaa leh
wuxuunbaa ku adeegta
nin iskii kartidiisa
isagoon cid ku tiirsan
isku taagi kareynin
una haysta ateero
ayaantuu dambi geystana
laga hoos galo eeda........................................

QISAASTA HALA-JOOGTEEYO, RIBADDANA HALAGA DHEERAADO WAXAA KU XIDHAN AQOONSIGA SOMALILAND IYO HORUMARKEEDA !!!

Anigoon Marnaba Ku Hadli karin shacabka tirada iyo tayada leh ee ku dhexnool Somaliland iyo waliba kuwa ku abtirsada Somaliland ee daafaha dunida jooga; Haddana waxaa jira dareen mid ah oo dhamaan aanu ka wadda midaysanahay, iskadaa somalilanders-ka oo xitaa dhamaan umadda islamka oo dhan ayaa dareen farxadeed ay u tahay, marka ay maqlaan Xukun ay fulisay Xukumada Somaliland oo la waafajiyey Shareecada Islaamka ee aynu ku abtirsano, Xukunkaas oo ahaa Qisaas ama Dil lugu fuliyey dad gacan ku dhiiglayaal ah oo hore igaygu u geystay dilal iyo falal xun xun oo si kas ah ay ugu dheceen jariimad dil ku sababtay iyagana.

Jidka Toosan ee Dhalinyaronimada Q.3aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Marka aan ka hadlaayo jidka-toosan ee dhalinyaronimadda, Maaha mid aan si malo-awaal ah maskaxdayda aan uga abuurayo, mana aha mid aan qoraalo iyo meelo kale kasoo maan-guurinaayo, ogow akhriste jidka toosan ee aan tilmaamayaa maaha wax cusub oo aan kugu soo kordhinaayo, laakiin waa mid maskaxda caafimaadka qabta ee ku jirta jidhka bani-aadam caafimaad qabaa uu mar kasta ku fikiri karro.

Tuesday, October 18, 2016

Waa Maxay Dhalinyaronimo?Q.2aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)


Waa Maxay Dhalinyaronimo?Q.2aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)
Dh

alinyaronimadu Waa qayb kamid ah nolosha noole kasta, waana qaybta ugu muhiimsan uguna qiimaha iyo qaayaha baddan ee reer bani-aadam. Dhalinyaronimo waa cabir da’a ahaan u dhexeeya 15-35 jirka, in kasta oo aan la isku waafaqsanneyn dadka qaarna ay gaadhsiiyaan ilaa 40 jirka maankiisa iyo maskaxdiisa qaba oo ah wakhtiga qofka bani-aadamka ahi jidh ahaan iyo caqli ahaan dhamaystirmo, haddaba In dhalinyaronimadu tahay mida ugu muhiimsan ee nolosha waxaa inoo soo wariyey nabigenii, suubanihii Maxamed csw, sidoo kale waxa uu nabi Maxamed csw inoo sheegay in da’ada dhalinyaronimada ay ka mid tahay su’aalaha maalinta danbe ee qiyaamaha rabi swt waydiin doono adoomihiisa.

Bulshooy Waan Dulmanahay, Xaqiiqna Waan Dumayaa!!!

Bulshooy Waan Dulmanahay, Xaqiiqna Waan Dumayaa!!!W/q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)




“Haday dunida ceeb tahay
Dusduskiyo khiyaamadu
Noo dabeecad weyaan
Haday dunida ceebtahay
Dulmi loo badheedhaa
Dadkaygu ma libiqsado”………Abwaan Gaariye

Waxaan ahaa waayo waayo kan ugu quruxda badan geyiga, farsamo yaqaano iyo injineero xaga nashqadaynta ku xeel dheer ayaa ka dambeeyey sal u dhiga aasaaskaygan noqoday imaka qadiimiga,