2.4.1 Dhalinyarada Maanta iyo ka faaidaysiga wakhtiga
dhalinyarada maantow is weydiiya, see u isticmaashaan waqtigiina?
Ma waxaad rabtaa inaad u isticmaashid:
1. Laacib khatara oo Kubada
ciyaara ama daawada, laaciibiinta adduunkana mid mid u yaqaanna, iyaga iyo
xitaa qaraabadooda iyo meeshay maalin shaah ka cabbeen. Markii laga
sheekaynayana afkiisa la wada fiirsado.
2. Khabiir sheekada
dhalinyarada iyo shukaansiga ku xeeldheer, 20 magac oo kale duwan ku leh
dhammaan baraha bulshada ee lugu wada xidhiidho(social networks) oo dhan, dadka
la xidhiidhaana (contacts) kor u dhaafeen kumanaan habeen iyo maalinna ku
dhaafto waxay ila tahay, (like, dislike,Comments i.w.m).
3. Qof diinta wax uga bilaaban
yihiin, laakiin aqoon fiican u lahayn meeshu ka raadsan lahaa waxa ka dhiman,
oo markaas ku dhacay Shabakado (websites) dad xag jir ah leeyihiin, oo inta
caalamkii kale iska soo xirxiray iyaga kaliya wax ka dhegaysta. Adduunkii
kalena u xanaaqsan, taasina u keentay inuu noqdo qof xanaaqsan oo xirxiran,
ilaa noloshu ciriiri ku noqoto.
4. Qof belwadda mukhaadaraadka
dhex dabbaalanaya oon ba la socon waxa adduunka ka socda iyo waqtiga laga
hadlaayo.
5. Qof intuu dalkiisa ka tagoo
intuu dhoofo ama mahlako naftiisa galiyo tahriiba oo hadduu Alle nabad galiyo
oo uu noolaado inaad calooshaada uun la ciyaarto oo aaad caydh gurato adoo alle
caqli iyo awood taama ku siyey ka dibna sidaa waqtigiisa ku qaata oo qurbojoog
nolosha u nool uun aad noqotid.
6. Mise tuugo iyo budhcadnimo in aad bulshada la dhex joogtid oo qof
kasta oo soomara wadada iyo luuq-luuqyada aad madowga u gashid si aad mobilka
ama shilimaad lacag ah uga qaadatid.
7. Mise waxmatare, bulshada aan dhib iyo dheef midna u geeysan oo
inta uu guriga waalidkii kasoo kaco, si fiican usoo lebista, dhexdana iskasoo
xidha, kabaha si fiican u balashaysta, subixiina hurdda fiidkana ka sheekeeya
caffateria-shaah-macaan.
2.4.2 Dhalinyarada maanta iyo Hamiga nolosha ee laga rabo.
1. Qof leh hami diimeed, markastana ku xidhan Allahii isaga
abuuray, oo aan dayicin waajibaadka rabi ku leeyahay ee la inugu faray Quraanka
iyo Axaadiista.
2. Qof dhalinyaro ah oo hami adduun ku jiro, ku dadaala hadba wixii
uu fursad eebe u siiyey,(waxbarasho, shaqo), aakhiro inay sugaysana xisaabta
ugu jiro.
3. Qof ku fekara inuu
waqtigiisa si fiican u isticmaalo, is weydiiya marwalba in sida uu u dhaqmayo
sax ama khalad tahay iyo inkale.
4. Qof ay la weyntahay talada
waalidkiis/ehelkiisa/ waxgaradku, markastana ka shidaal qaata cidda uu is
leeyahay wax bay kugu dhaaamaan. Niyada ku haya ciddii oo korisay inay markaan
miro iyo manfac ka sugayaan.
5. Qof aan u samayn waxa uu
samaynayo dhalinyarada kaleba waa samaynaysaa, ee u sameeya waa sax ama dantaa
saa ku jirta. Wixii xuna isaga hara xitaa haddii dhalinyaradu dhammaan
sameeyaan.
6. Qof og oo xasuusan xaalka
xigtiyo gacalkuu ka yimi oo waxtara una guntada siduu uga taageeri lahaa dhan
kasta ha ahaato dhaqaale, baraarujin, cilmi(inuu uu faa’iideeyo cilmigu
bartay).
2.4.3 Bulshadu waa muhiim lakiin waa kala muhiim
Si aynu u
ahaano umad una sii jiro dhaqankeedu waxaa muhiim ah in aan la nimaadmo
dadaal midaysan iyo aragti dheer oo aan fiiro gaar ah u yeelano duulaanka
dhaqan iyo Af ee layna ku soo ekeeyey. Doorka qaybaha bulshadu waa
kala duwanaan karaa lakiin midaysnaanta dadaalkoodu waa lagama maarmaan
marwalba. Bulshaddu waa wada muhiim lakiin qaybahaan hoos ku qoran waxay leeyihiin
muhiimad gaar ah:
Ganacsata
Soomaaliyeed-waxaa la gudboon in ay ka dheeraadaan dhammaan wixii wax u dhimaya
dhaqanka Soomaaliyeed.
Dowladdu: waa
in ay lasocotaa dhammaan waxyaalaha wadanka soo Gelaya ayna reebtaa wixii gef
ku ah dhaqanka, Diinta iyo Afka Soomaaliga, sidoo kale waa in la xoojiyaa
adeegsiga Afka Hooyo ee Xafiisyadda Dowladda iyo Dugsiyadda Waxbarasho ee
dalka.
Wadaadada:
madaama aan nahay dad Islaam ah 100% waa muhiim doorka Culimmada
Soomaaliyeed ee ku aadan dhaqanka suuban iyo iftiiminta wixii diinteenu
ogoshahay.
Aqoonyahanada:
bulsho walba waxaa haga Aqoonyahaykeeda sidaas awgeed waa lagama maarmaan in
aqoonyahanada Soomaaliyeed ay qayb libaax ka qaataan ilaalinta dhaqankooda iyo
horumarinta Afkooda.
Waalidiinta:
Waalidka waa Macalinka kowaad ee u badka Soomaaliyeed waana in ay lasocdaan
isbedelada ay marayaan ubadkoodu ayna marwalba uga sheekeeyaan dhaqankooda,
Diintooda iyo Afkooda.
Barayaasha:
Barayaashu waa in ay dareemaan in ay saarantahay masuuliyad ka badan Casharka
ay bixinayaan ayna soo saaraan jiilal fahansan dhaqankooda iyo Afkooda Hooyo.
Dhalinyaradda
Soomaaliyeed: dhalinyaraddu waa aayaha dalka waana cidda ay tahay in ay bartaan
dhaqankooda iyo Afkooda ayna iska ilaashaan waxkasta oo xad gudub ku ah
jiritaankooda dambe.
Ugu dambayn
waxaan aaminsanahay hadii aan sidaan kusii socono in aynu ka dhaxlidoono dhaqan
jab iyo burbur bulsho oo keeni kara cirib dambeed xun oo aan lagasoo waaqsan
karin iyo in dhalinta Soomaaliyeed ay magan u noqdaan umado kale.
Tix-raac:
1. Axmed Maxamud Axmed (Sahal Duuble)- Dhaqanka
Somalida
La soco Q7aad ee Buuga “Dhalinyaradda Maanta”
W/q: Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga
ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer
0 Comments