Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Diinta iyo Dhalinyaronimadda Q.7aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Markaan leeyahay Diinta iyo dhalinyaronimada, maaha in aan is barbardhig kusameynaayo Diinta Islaamka iyo dhalinyarta somaliyeed, iyo sidda ay ugu dhaqmaan, laakiin waxaan lafo guri doonaa su’aasha ah “Doorka dhalinyardu wuxuu yahay

Doorka Dhalinyarada
Diinteennuna qiima dheeraad ah ayay siisay dhalinyarada taana waxaynnu ka qaadanaynaa Qur’aanka iyo sunnada Nebiga (NNKH). Ilaahay oo dhalinyaro mu’miniin ah amaanaya waxuu aayad quraana ku yidhi: “waxay ahaayeen dhalinyaro Rabbigood rumeeyay waxaanannu u siyaadinay hanuun” (Alkahf).
Nebiguna (NNKH) waxa uu yidhi: “waxa laygu gargaaray dhalinyarada”. Waxa kale oo uu yidhi:“waxa ii gargaaray dhalinyarada markii odayaashu i diideen”.
Sidaynnu la wada soconnana asxaabtii Nebiga waxay u badnaayeen dhalinyaro, doorkii dhalinyarada Asxaabtu rag iyo dumarba ay ku lahaayeen fidinta diinta Islaamka waynnu wada garanaynaa. Haddaba waa maxay doorka la gudboon dhalinyaradeenna ama xilka ka saaran ummaddooda, maxaa yeelay horumar gaadhi maynno, dhibaatada ina haysatana kama bixi karno ilaa dhalinyaradu gartaan doorkooda iyo waajibaadka saaran.
Waxaan qormadan ku soo bandhigayaa sida ay aniga ila tahay dhawr arrimood oo haddii dhalinyartu ku dhaqaaqdo, guul aduun iyo mid aakhiraba ay gaadhi karaan.
3.2.    Inay noloshooda ka dhigaan mid ujeedo ku dhisan: - waxa inala gudboon inay nolosheenna ka dhigno mid istiraatiijiyad ku dhisan taana waxaan uula jeedaa inay noqoto nolol ujeedo leh, waayo qof aan garanayn waxuu doonayo iyo waxuu u noolyahay noloshiisuna foodo ku dhisan tahay waxba kama beddeli karo mujtamaca uu la nool yahay. Waxyaabaha saldhiga u ah nolosha ujeedada leh waxa ka mida:
3.2.1 Barashadda cilmiga
 Qofkii doonaaya inay noloshiisu noqoto mid ujeeddo leh waa inuu cilmi yeesho, cilmigaas oo mid diineed iyo mid adduunyaba ah. Waayo qof jaahil ahi noloshiisu hadaf iyo ujeeddo midna ma yeelan karto, taana waxaynnu ka qaadanaynaa Qur’aanka kariimka ah, ilaahay markuu damcay inuu aadam ka dhigo khiliifkii arlada (dhulka) waxa uu ku doortay waxay ahayd cilmiga uu baray cilmigaasoo aanay malaa’iiktu aqoonin taasaana ehel uuga dhigtay aadam inuu dhulka ka noqdo khaliifo. Ilaahay ayaad ayuu ku yidhi (SWT): “Ilaahay wuxuu idinka abuuray dhulka waxaanu idinka doonayaa inaa camirtaan”: macneheedu waxa weeye ilaahay wuxuu inaga abuuray dhulka markaa wuxuu inaga doonayaa inaynnu cammiro beerano, aqoon la’aanna dhul lama camiri karo lamana beeri karo, sidaa darteedbaa ilaahay markuu ina leeyahay dhulka beera waa inaynnu marka hore cilmigii beeraha baranaa oo la helo engineerkii beeraha iyo dhakhtarkii beeraha ka kib markaas ayaa wax la beeri karaa.
Sida la ogyahayna qof cilmi leh iyo qof jaahil dhinaca iskaga mid maaha. Markaa waa in lagu dadaalo cilmiga, gaar ahaan dhalinyarada ilaahay fursadaha u siiyay inay tagaan meelo laga heli karo cilmi, mid diineed iyo mid maaddi ahba.


Tix-raac:
1.     Maanmaal buureed gurxan ----- Waa maxay dhalinyaronimadu.
La soco Q8aad ee Buuga “Dhalinyaradda Maanta” W/q: Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer


Post a Comment

0 Comments