Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Faalada Siyaasiga: Masuul Hawl-gab ah baa Geyiga Daashadday W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer yare)

Dalku lacag ma haystee
Shilimada ka soo baxa
Qof haddaan la wada siin
Qiyaash maashka ugu weyn
Miyey qaybsamaysaa?
Haddii laysku wada dilo
Hadhow yaa mas'uul ka ah?


Haddii berrito lay rido
Ama geeshku igu kaco
Anigaan wax meel dhigan
Sidaan yeeli doonaa?
Miyaan tuugsan doonnaa?
Ma waxaydin jeceshiin
Inaan daasad qaatoo
Ceebeeyo Filibiin?
(Maansadii Isa-sudhan ee Abwaan Hadraawi iyo sarbeebta ku duugan)
Waana qayb kamid ah in ay hordhac u noqoto qormadeenan maaanta

Wakhti kastaa waxa uu wataa waayihiisa, qoraalkan oo aan dhaliil iyo cambaareyn cid khuseeya ahayn, waxaan kaga hadli doonaa Xilka iyo amaanada qofka meel maamulka u haya, dusha ka saaran.
Haddaba akhriste, Muwaadin bal u fiirso qof kasta oo meel xil ka hayaa waxa uu jecelaan lahaa in uu halkisaas sii joogo oon laga wareejin ama laga qaadin, haddaba ma ogtahay in xilku uu yahay amaano luguu dhiibay, se ma ogtahay in beri ka maalin lagaa qaadi karo, bal aynu u fiirsano wasaaradaha dalka iyo maamulka dawlada, wasaarad kasta oo aad bookhatid waxaad ugu tegaysaa, dad da’a ahaan gaadhay wakhtigii hawlgabka, isla markaana shaqadan ay hayaan ku dhex jiray ilaa muddadii dhalinyarnimadooda, maamulka iyo amarada ay bixiyaana subax kasta oo yimaada uu yahay kii shalay ay bixinayeen, Wax isbedel ahi ma ku imanayaa wadanka sidaas ah, Ma ogtahay Da’ada hawlagab nimadu inay tahay wakhti lugu qaato sharaf iyo magac qofka masuulka ahaan jiray uu soo maray, laakiin se ma ogtahay in waddan kasta oo aduunka ku yaal uu leeyahay Wakhti dadka da’da ah lagag joojiyo shaqooyinka ay hayaan isla markaana, Fadhiga wax lugu quudiyo.
Dawladaha dalka soo maray iyo dawladan Hadda jirtaa Midina kumay guuleysan, In dadkii dalka ilaa wakhtigii xornimo lasoo noqoshadii maamulka wasaaradaha hayey, in la fadhiisiyo oo laga faaidaysto maskaxda kolba jiilka cusub ee markaas waxbarshada kasoo baxay.
Taasi dhexdeena ceeb kuma aha oo dalalka hormumarka ku faanaya, da’ad hawlgabuku waa 65 jir, inaga dhexdeenana 65 jirku iskadaa wasaarad iyo meelo dawlada kamid ah oo uu maamulo ee Dalka guud ahaan madaxtooyada laga maamulo ayaa xafiiskeeda waxaa fadhiya Madaxweyn Axmed Maxamed Maxmuud siilaanyo, oo qiyaasteyda hadii aanu da’adaas ka weynayn gaadhay, Dhaliil uga dhigi mayo Hadalkan madaxweynaha iyo dadka kale ee sharafta iga muddan ee haya wasaaradaha dalka, laakiin ogow wasaarad kasta oo wasiirka iyo ku xigeenka xilka laga qaadaa, waxaa jooga dhamaan shaqaalihii hoosaadkii kale oo dhan, kuwaas oo sidii wasiirada iyo agaasimamyaasha loo bedelaayey iyagu ku duugoobey meeshii ay hayeen, Isla markaana Mas’uul kasta oo yimaadaa Inta uu isleeyahay khibrad iyo aqoon ka kororso lugu dulbedelo, Ama Haduu bedelo uu isleeyahay waxaa kugu buuqi reer hebel.

TALO:
Qoraalkan koobani maaha mid wax kasheegaya mas’uuliyiinta xilalka dawlad nimo inoo haya, isla markaana maaha mid dhaliilo xambaarsan, taladda aan ku soo afmeerayaa waxay tahay si dalku u noqodo mid horumar gaadha, Isla markaana la tartama dalalka qayrkii ah, fadlan halaga faaidaysto jiilka cusub ee soo koraaya kuwaas oo wax kabedeli kara dalka, waddan walba waxa uu leeyahay technology cusub, dhalinyartuna waa maskaxdii maamulka technologyda cusub ee dalkeena.

W/q: Mr. Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer Ku Xidhnow Bogga Qoraha www.wiyeeryare.blogspots.com

Post a Comment

0 Comments