Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Hab-dhaqanka Dhalinyarda Maanta (Wakhtigan) Q.5aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Habdhaqanka Dhalinyarta Maantu waa mid seeskiisu yahay waxa hadda loo yaqaano Tiknoolajiyada (Technology), yaanan isku darin guud ahaan dhalinyaradda laakiin inta badan dhalinyaradan oo aan ka mid ahay waa kuwo maskax ahaan iyo jidh ahaanba ugu xidhan isbedelka guud ahaan ka dhacaya aduun weynaha, oo dhalinyarta somaliyeedna ka midyihiin. Hab-dhaqanka dhalinyarta maanta waxaan u kala qaadi doonaa qaybo kala duwan waxaana ka mid ah sidan soo socota:-

2.4.1 Tiknoolajiyada Casriga ah iyo Dhalinyarada Maanta
Inkastoo la sheego  in faa’iidooyin badan laga dhaxlay Baraha ay Bulshaddu ku wada Xiriirto sida Facebook, Twitter,  Instagran, Youtube,  IWM,  hadana waxa loo aanaynayaa in ay qayb wayn ka qaateen dhaawaca soo gaaray dhaqanka soomaaliyeed.
Waxaa ah wax laga xishoodo ah in aan maalin walba aragno sawiro iyo muuqaalo aan haboonayn oo lasoo dhigayo Barahaan Xiriirka Bulshadda ee aan kor kusoo xusnay. Tusaale ahaan, waxaad arkaysaa nin  soo dhigaya sawirka Xaaskiisa ama Walaashiis Facebook si looga faaloodo !!!! ama Gabar soo dhigaysa sawirkeeda Facebook oo aan asturnayn si wax looga yiraahdo !!!!!!! amaba Muuqaalo kuwaas la mid ah oo ku jira Youtube ama Facebook !!!. Sidaaas darteed, halkaas waxaa ku lumay tiir ka mid ah tiirarkii uu ku dhisnaa dhaqankii suubanaa ee Soomaalida kaas oo ah xishoodkii.
2.4.2 Af xooridda(ka tegida)  iyo Dhalinyarada Maanta
Intaas waxa sii dheer lumida afkii hooyo oo maraya heer  dadkii u dhashay ee ay ahayd in ay horumariyaan ay ka faanayaan taas oo astaan u ah dabar go’a dhaqankeena iyo afkeena ee xiliga dhow.
Afka waa lafdhabarta dhaqanka, dhimashadiisuna waa dhimashada dhaqankeena ugu dambayna waxaynu ku khasbanaan doonaa in aynu marti u noqono afafkale iyo dhaqamo kale oo ay leeyihin Qaramo kale.
2.4.3 Dhar xidhashada(lebiska) iyo Dhalinyarada Maanta
Waxyaabaha sida fudud  u dhalan rogay bulshadeena waxaa ka mid ah qaabka lebiska sida dharka loo yaqaan dhejiska (Hooyo Iga Siib), qaabka jarashadda Timaha ee dhalinta Soomaaliyeed (Jeego Xiir), bedelka ama cadaynta jirka iyo kuwo kale oo badan aana qaawanaan waxba dhaamin ayna u badanyihiin dumarku.
Dhammaan waxyaalahaan aan soo sheegnay waxaa laga soo guuriyey dhaqamo shisheeye iyagoo lasoo mariyey  muuqaalo loogu talo galay in lagu bedelo dhaqamada  bulshooyinka u  nugul in ay sifudud u bedelmaan iyo dad soo qaatay dhaqamo kale oo dalka dib uga soo noqday.
Xiliga hada la joogo waa xili ay Bulshooyinka aduunku isu furanyihiin (Globalization) dhaqamadduna si fudud isugu gudbikaraan taasi oo sii xoojisay duulaankii iyo isgumaysigii ka dhexeeyey dhaqamadda sidaas darteed waxaa hubaal ah in dhalinta Soomaaliyeed ka tageen dhaqankoodii iyagoo aanba dareensanayn oo aaminsan in ay lajaanqaadayaan ilbaxnimooyinkii ugu dambeeyey ee adduun weynaha.
Dhalinyarada maanta joogta, weliba dhalinyarada Soomaaliyeed, dhib badan ayaa haysata dibad iyo gudahaba. Dhibaatadaas wax halkaan lagu soo koobi karo maahan, waana wax aan wada ogsoonahay. Dhibta in laga sheekeeyo waxba ma tarto, ee in xalka laga sheekeeyo ayaa wanaagsan.
Tix-raac:
1.   Axmed Maxamud Axmed (Sahal Duuble)-  Dhaqanka Somalida
La soco Q6aad ee Buuga “Dhalinyaradda Maanta” W/q: Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer

Post a Comment

0 Comments