Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Hab-dhaqanka Dhalinyartii Hore iyo Macnaha Magacyadoodii (Ragga) Q.4aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Habdhaqan Marka aan ka hadlaayo, waxaan ka hadlayaa marxaladaha kala duwan ee noloshu marto, sidoo kale habdhaqanka dhalinyartii hore kuma sheegayo wakhti xadidan ama la isla garanaayo oo aan kaga hadlaayo dhalinyar jirtay.

Inta badan habdhaqankii hore ee dhalinyarta waa mid asal ahaan kasoo jeeda nolol dhalinyarta maantu aanay u aqoon ilbaxnimo iyo horumar la taaban karo.
Dhalinyarta iyo wakhtigu waa kuwo isbedelaya isla markaana, leh wakhti ay ku dhamadaan, Qaybtan Habdhaqankii Dhalinyartii Hore, waa mid u mihiim ah in ay wax kabartaan dhalinyarta maanta joogta, dhalinyartii hore waxay ahaayeen kuwo gaajo iyo haraad u golongolay, isla markaana dhamaan wakhtigooda oo dhami ku salaysnaa wax qabad, Aynu fiirino noloshii   dhalinyartaa hore oo aan wax iska xasuusino, waxay ahaayeen kuwo Kaca wakhtiga hiirta ama waaberiga hore isla markaana, shaqadooda ugu badani waxay ahaayeen raacida xoolaha siiba kan somalidu aadka ugu jeceshahay ee geela, Waxay ahayeen kuwo.

2.3.1 Magacyada Raga iyo Dumarka ee dhalinyaradii hore ee Somalida
            2.3.1.1 Magacyada Ragii hore iyo Macnahooda
Deegaanada ay Soomaalidu ku dhaqan tahay ee Geeska Afrika waxa lala baxaa magacyo kala duwan, oo deegaan kastaa leeyahay magacyo u gaar ah. Balse waxa jira magacyo ay isku mid ka yihiin. Sidoo kale magacyadu waxa ay ka turjumayaan ujeedooyin kala duwan oo duruufo kala duwan wata. Tusaale ahaan Maydhane marka loo bixiyo wiilka, wuxuu magacani ka turjumayaa wiil midab ahaan caddaan ah. Sigad marka wiilka loo bixiyo, wuxuu ka turjumayaa hooyadii oo umul-aroori gaadhay (Foosha ku dhiman gaadhay), ama isaguba uu dhimana gaadhay. Qawdhan marka wiilka loo bixiyo, wuxuu ka turjumayaa wiilka oohinta bata. Guhaad marka wiilka loo bixiyo wuxuu ka turjumayaa wiil hooyadii mar kasta caanaha naaska ka dalbada. Wayrax marka wiilka loo bixiyo wuxuu ka turjumayaa qaylo iyo cadhado badan. Naaleeye marka wiilka loo bixiyo wuxuu ka turjumayaa wiil dhashay reerkii oo abaarihi hayso, ka dibna dhalashadii ka dib barwaaqo la helay. Suudi wiilka loo bixiyo wuxuu ku turjumayaa kulayl, oo wiilka ayaa dhashay wakhti kulul. Magan marka wiilka loo bixiyo wuxuu ka turjumayaa wiilkaasi oo hooyadii la furi lahaa oo wiil dhashay, kadibna furitaankii laga noqday.Beyle waxa loo bixiyaa wiilka midab ahaan madow.
Haddii aynu intaasi ku dhaafno ujeedooyinka magac-bixinta qaar ka tirsan wiilasha, bal aynu soo bandhigno magacyo kale. Kaliil, Habe, Maydhax, Cabbane, Toor, Food, Guhaad, Cadceed, Hayaan, Dharaar, Galool, Guure, Digaale, Good, Sahal, Cosoble, Kabadhe, Cadaawe, Qudhac, Colaad, Xidig, Xalane, Quule, Hufane, Dalmar, Looyaan, Birmad, Kuluc, Geelle, Cartan, Dhiid, Naaleeye, Xareed, Samo-kaab, Mooge, Oogle, Wayrax, Dugsiiye, Dhuux, Hired, Halac, Kaahiye, Tarax, Ceelaabe, Khaliif, Ciid, Xaamud, Janaalle, Khayre, Caagane, Bulxan, Beyle, Xiis, Raage, Odawaa, Magan, Salaad, Dabayl, Dhimbiil, Shire, Nadiif, Suudi, Ayaanle, Cige, Kaynaan, Buraale, Daacad, Guudle, Canshuur, Xandulle, Dafle, Dirir, Rooble, Saalax, Caydiid, Gadiid iyo Xil-diid, Ciiltire.

2.3.1.2 Magacyad Dumarkii Hore Iyo Macnahooda
Dhinaca dumarka sidii inamada oo kale ayey magac-bixinta loogu bixiyaa. Haddii aynu qaar tusaale u soo qaadano. Bishaaro marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa qoys dhashu ka raagtay, ka dibna inantii ugu horaysay u dhalatay. Shaqlan marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh Hililb leh (Buuran). Warla marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh aabaheed dhintay iyada oon dhalan, Hooyadeedna dhimatay markay soo dhalatay ka dib. Haldhaa marka gabadha loo bixiyo ,waxa ay ka turjumaysaa qurux.
Haldhaaga waxa la yidhaa Gorayada ka lab. Dhudi marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh dheer, qurux badan oo dhuuban. Jamaad iyo Jinnow marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa macaan. Jamaad iyo Jinnow waa markay caanaha geelu il-qaad noqdaan ama yara dhanaan. Xaadsan marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh nadiif ah. Degmo marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadha debeecad ahaan degan. Cambaro marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa reer inamo badan lahaa, oo bilaa Inan ahaa. Markaa gabadhii waa qaali oo Cambar ayey noqotay. Cutiya marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa cayilaad ama gabadh Buuran.Yusra marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh midab ahaan maariin ah. Dhool marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh midkeedu caddaan. Miido marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh nadiif ah. Miidku waa marka subuga la miiro ee uu nadiifta yahay. Xaali marka gabadha loo bixiyo, waxa ay ka turjumaysaa gabadh dhaqankeedu fiican yahay. Intaasi haddii aynu ku dhaafno micnaha magacyada, bal aynu soo qaadano magacyo kale.
Barni, Raaxo, Miido, Jinnow, Qumman, Bullo, Carro, Halgan, Aragsan, Bayddan, Hogol, Jawaahir, Hufan, Dugsoon, Ceebla, Doonbiro, Koos, Cutiyo, Ardo, Ilwaad, Kaaba, Cosob, Geenyo, Naqwo, Asli, Cawo, Kinsi, Jamaad, Gobaad, Degmo, Magool, Nasteexo, Haweeya, Beer-lula, Luul, Yusur, Wacan, Tusmo, Suubban, Shuun, Xaadsan, Dhiimo, Warsan, Timiro, Saxarla, Shacni, Xoriyo, Udgoon, Xaali, Sareedo, Toosan, Siraad, Waris, Ladan, Hira, Qoran, Kaafiya, Cartama, Roon, Hoobaan, Muraayo, Istaahil, Ubax, Wiilo, Tiriig, Xamdi, Cawrala, Mullaaxo, Gargaara, Baar, Ugaaso, Dhool, Deggan, Amran, Cadar, Milgo, Johorad, Dhiin, Arliyo, Siman, Werdiyo, Bood, Cambaro iyo Salaado.


Tix-raac:
1.     Qoraa Cali Coomay  -  Magacyadda iyo macnaha dhalinyardii hore
La soco Q4aad ee Buuga “Dhalinyaradda Maanta” W/q: Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer


Post a Comment

2 Comments

  1. sxp aad iyo aad ayaad umahadsantahyt sxp anigu waxaan rabay inaan qoro buug dhalinta marka waxaan arabay ianand gacana iga siiso

    ReplyDelete
  2. sxp aad iyo aad ayaad umahadsantahyt sxp anigu waxaan rabay inaan qoro buug dhalinta marka waxaan arabay ianand gacana iga siiso

    ReplyDelete