Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

ISBARBAR DHIGA URURADA JIHAADKA EE ALQACIDA IYO WALALAHA MUSLIMIINTA(IKHWAANUL-MUSLIMIN) W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare


Kooxo Ciidan diimeed islam ah ayaa isku soo urursaday Peshawar oo ku mid ah Pakistan 1988, waxayna cagaha u taageen Alqacida, sababta ugu weyna waxay ahayd in ay ka horyimadaan fikraadaha sucuudiga qaniga ah,
isla markaana si qoto-dheer uga dhaadhiciyaan dadka islaamka ah fikradaha jihaadka.

Ururkani muu noqon mid si wanaagsan u caan ah oo loo yaqaano  ilaa September 11 2001, wakhtigaas oo ay weerar ku qadeen Xaruntii Ganacsiga Aduunka ee Maraykanka.
Ururkani xiligaas waxay sheeganayeen dhulal badan oo kuyaal Afghanistan iyo qaybo kamid ah waqooyi galbeed Pakistan,  Hogaamiyaha ururkani waxaa uu ahaa wakhtigaas la aasaasay Osaama Binladin ilaa intii ka horaysay dilkisii Maraykanku ka dambeyeen, kaas oo ay ku dileen dagaal ay ku qadeen Magaalada Abottabad ee Pakistan sanadkii 2014.
Ururka Walaalahi Muslimiinta, waxaa bud-dhigisii ka dambeeyey Hassan Al Bana oo Masaari ah isla masar sanadkii March 1928, sababtuna iyadoo ah mid diinta ku abtirsata, ahna urur u dhaqdhaqaaqa Siyaasada iyo Bulshada rayidka ah, Nasiib daro ururkan Muslimiinta Walaalah ahi waxay jireen muddo ka badan 85 sanadood, waxayna masuul ka noqodeen in ay qaabeeyaan oo ay wax kabedelaan taariikhda iyo siyaadaha Masar.
Ururkani waa mid kamid ah, waana ka keli ah ee leh maamul iyo nidaam sax ah ee ka jira masar gudaheeda, Waxa uu ururku isku dayey dhawrjeer oo afgambi dawladnimo ah intii lugu jiray qarnigii 20th , Ururkan waxaa la sharciyeeye sanadkii 2011 kadib kacdoonkii Ka dhacay masar, wuxuuna masar ka aasaasay nidaam dawladeed.
Sidoo kale labadan urur waxay wada leeyihiin Jiho-diimeed isku mid ah (Religious Agenda) taas oo ku qotonta xeererka shareecada islaamka, Si kasttaba ha ahaatee waxaa jira xeer labadan urur ku kala duwanyihiin marka loo eego xeerarka ay kudhaqmaan kaas oo ah, In  Muslimiinta walaalaha ahi yahay qorshohooda taariikhda u galay in ay yeeshaan qorshe wadaniyad ah oo ka dhex shaqaynaya Masar. Halka Alqaacida ay leedahayd xeer guud oo qorshaha ugu jira kaas oo ah In dhamaan caalamku hoos imaado Maamulkeeda Islaamiga ah, taasaanu qeexayaa  xeerkani.
Si kastaba ha ahaatee, Walaalaha Muslimiinta ahi, ujeedadoodo oo ahayd in ay kor u qaadaan sawirka islaamka ee laga aaminsanyahay isla markaana xaliyaa wax dhaqamada Cusub ee casrigu ku qiimaynayaa Islaamnimada. Haddaba Curashadii Qarnigii 21 ayaa si Madaxbanaan (Democratically) doorashooyin dimuqraadi ah ka qayb galeen oo ku gulaysteen maamulka boqolkiiba labaatan (20%) kuraastii baarlamaanka ee 2005 kii, U jeedadooduna waxay ahayd si ay u aasaasaan urur mucaarad ah oo xoogan oo ka soo hor jeeda dawlada Masar ee xiligaas.
Intii u dhaxaysa sanadadii 2011-2012 ururku isagoo leh maamul xisbi ahaaneed waxay ku guulaysteen kala-badh  50% tirade kuraasta oo dhamay 498 kursi ee barlamaanka taas oo u taagneyd in ururku yahay mid kamid ah kooxa is urursaday ka ugu awooda badan ee masar intii uu socoday kacaankii Masaaridu ee 2011. Haddii aynu shilinka dhinaca kale ka fiirino alqaacida ujeedadeedu waxay ahayd in ay kor u qaado sawirka Islaamnimada ee Xusuusta kuleh wadamada aan islaamka ahayn iyo dhaqanmada casriga ah. Ururkan alqaacida. Ururkani waa alqaacidee ma taageero doorashooyinka dimuqraadiyada ku dhisan, waligoodna kamay qayb qaadan.
Haddaba u jeedada ka dambaysa in Alqaacida dib boodhka uga tunto sharciyadii Islmaanka isla markaana burburiso awood kasta oo ka hortimaada arinkaas, Ururkan waxaa lugu eedeeyey tiro xubno kamid ahaa oo lugu tilmaamay argagixiso, kuwaas oo ka caan ah caalamka, iyo eedaymo ah in ay khalkhal gelinyaan caalamka, gaar ahaa Pakistan.  Ururkani wuxuu horumariyey xirfadihii tobabarka ciidakiisan isagoo sameystay xarunta dhexe ee horumarka ciidanka ee afganistan, waxayna noqdeen urur u furan ka qaybqaadashada weerarada islaamiyiinta ee dhamaan caalamka.

La soco Q2aad W/q: Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer
Ama Bookho barta Internetka Ee Qoraaga www.wiyeeryare.blogspot.com








Post a Comment

0 Comments