Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

JACAYLKII TIMO-DHEER HAWEEN IYO XUR-GUFTII COLAADA SOKEEYE (QAYBTA 1-AAD)

W
akhtigu waa goor gaaban oo fiid roobabow jiraan ah, dhulku wuxuu u sii dhawaanayaa inuu noqodo maddow iyo guddcur,goobtu waa kaymo jiq ah misna jabaqda raadkayga iyo dhibcaha roobka oo aan markaas badnayn baan maqlaayey, laakiin wax intaas igag cabsi baddan goobta oo la ii sheegay in bahalo hoose iyo dhul jiifku ku baddanyahay, ma sito wax faro la’aab ah misana ma sito wax iftiin sida toosh oo kale,...............................................


waxaan xidhnaa dhar aan sidaas u adkayn oo dhibicda roobku kasoo dhex baxayso, laakiin waxaan ahay nin dhidid iyo kulayl socon kari la’a, waayo baqashada dhulkan sii madobanaya iyo dhul jiifkan aan ka baqayo oo aad u faro badnaa ayaa iga keenay dhidid.
Intii aan ku guddo jiray Socodkaygii baqdinta lahaa, ayaa meel aan ku qiyaasay laba boqol oo talaabo ka maqalay hadalka, gurxanka iyo Sheekada dhalinyar u socota ciyaar macnaha waxaan kawadaa way ciyaar gudayeyeen, Ciyaar gudidu waa wakhti ay dadka degaanka ahi haystaan barwaaqo misna wakhtiga kan ah waa mid dadka degaankaasi uu ilahay u nimceeyey, xaga roobabka, dooga iyo nimcoolayda kale ee Xoolaha oo dhala, wakhtigan dadku ma arkaan dhib badan Waayo doogu waa kambalka guriga, Xoolahana looma foofgeeyo meel durugsan waayo waa kambal dhereg, Talabadaan hoosta ka xaday waayo hadaan hadlo ama qayliyo waxaan dareensanahay in inta aan nimankaas gaadhayo dhexda la igusii waxyeeleeyo oo bahal ama Halis kale oo mugdiga ah aan galo laakin taas badalkeeda Waxaan ka hoos dusaayey dhirta qodxoolayda ah ee Maraaga iyo sogsogta Madax isku duubtay ah, Marmarka qarkoodna waxaan Lugta la galaayey booraan ama god roobku qoday oo biyo fadhiyaan, Allah Silic badanaa Socodkaygani, Laakiin akhriste ma iswaydiisay ujeedada Habeen-gudkan iyo socodkan rafaadka leh, Mise waxaad iga guraysaa sheekada. Aan kuu sheego Laakin iskadhaaf Halka dambe ayaad ka fahmi.
Bal taabo Wadnahayga Bugbugbug ta iyo sanqadha xoogan ee gurxanka ah ee ka yeedhaysa, Hosta ayan Jabaq cod ah oo aan dheerayn ka idhi HOOY, HOOY oo aan kawado nimanku inay dareemaan In Halkan Nin ku dhibanyahay, i maqle oo cod aan baqasho lahayn ayey igula hadleen waa KUMA ma Hebelbaa, waar mayee isuga waa nin kalee, soo gaadhay oo Naxdintii Hada way igasoo yaraanaysaa Laakiin Ogow  oo wali maan gaadhin u jeedadii aan u socoday mid kamid ah oo sitay toosh ayaa idhaha igag ifiyey, Si uu wajigayga u garto laakin, Aniga oo ah nin ku cusub geyigan misna Baqashada iyo naxdintu igu abuureen dareen kale oo kaduwan kii dhaqan ahaan iyo dhalasho aan lahaan jiray awgeed, Waxan kawadaa isbedelka ka muuqda wajigayga, indhaha oo aad moodo in ay sidii abuurka rabi ugu talo galay iska bedeleen Macnaha yaryaradeen oo Aad moodo in ay godka ay ku jiraan Dib u sii ruqaansanayaan  iyo timaha Dushooda ay Ka muuqdaan qoyaanka roobkii igu da’ay iyo caleemaha kasoo da’aadanayey kayntii wayneyd ee aan ku dhexjiray awgeed Nimankii Imay garanahayn oo Waxay ii arkeen qof dhiban oo Da’aal iyo Baqdini ka muuqato.
Waxba Yaanan Hadal kugu daalin, War nabad ahna lugu sii, Dhinacyada la iga mar, Ii bilaabe nimankii Hadal iyo Xog waraysi, Maanta Roobabkii da’ay waxay ahaayeen kuwo ilahay noogu barwaaqeeyey, Waxaa yidhi Dhugaal, Oo aan mar dambe magaciisa maqlay, Waa run Walahi, laakiin dhugaalow horta xili kasta oo wakhtigan ku beegan maxaynu U gudnaa oo Ciyaarta Xageeda ugu Dheemaalnaa , ayuu yidhi ninkii kale ee lasocoday oo aan magaciisa Hada ilawsanahay Alla!!! Waa geedi Haa geedi baa Sidaas yidhi; Dhugaal Inta uu Qosol iyo kaftan is xambaarsan goga u geliyey geedi buu yidhi “
Gu' hagaagey oo da'ay                     Dhulka geedo jiifaan
Gurya-samo barwaaqa ah                          Haddii geeddi lagu furo
Dhallinyaro is gurataa                      Gurdan-raaca fiidkii
Gole weyn ku kulantoo                     Cagta garan-garteediyo

 Isu geysa jiibkoo                             Googooska luuqdiyo
Gedda sacabka loo jaro                             Hablahaa u gaaroo
Garashada codkoodaa,                    Qof gaboobey kicisoo
Gelbiskiyo mashxaraddaa                          Gama' kaa ilaashee,
Haddaan gabadhi boodeyn              Illaa gegi ciyaareed
Wax ma dhaanto Giryaad”;
Markiiba maskaxdayda waxaa kusoo deg degtay maanso macalinkaygii cabdilaahi si fiican uu iiga dhegaysan jiray muddo 8 sano kahor, markii aan ku jiray dugsiga dhexe anigoo xiligaas ahaa fasalka lixaad ee waxbarashada dhexe, waxaanan si fiican u sawirtay luuqdii farshaxanimada lahayd ee Maansadda tiriyey Abwaan Maxamed warsame HadraawiHablaha geeska afrika”.
Geedi isaga laftiisu dab yar ma shidaynin ee markiiba macnaha iyo xikmadda ayuu maskaxadiisa ku tuujiyey, suu isla markiiba ka qabsadday sangaabta gaaban oo uu ku celceliyey “Haddaan gabadhi boodayn, haddaan gabadhi boodayn, ileen gegi ciyaareed, ileen gegi ciyaareed, wax ma dhaanto giriyaad …………….. wax ma dhaanto giriyaad” waliba isaga oo hadalkiisa sii watta ayuu yidhi: Alleylee midhaasi waa xaqiiq, hasaawaha iyo kaftanka, hasaawaha iyo kaftanka, waar ragow taas hala ogaado” kkkk.
Anigu ma ahayn maan-gaab, fahamka iyo xusuusta laga inkaaray markii aan magaalada aan ku barbaaray joogay, laakiin ogow fiidnimadii gaadhigu igu dejiyey dhawr darkadood oo lugu caano dhamayo, ayey ii bilaamatey nacasimo iyo hoos u foorar, baqasho iyo xishood weheliyaan, laakiin sheekadan labada nin saaxibada ah dhexmaraysa waxaan ka qaatay dareen tabban iyo macnaha habeen gudka iyo ciyaargudka oo aan xaqiiqsaday in goobtu ragnimo iyo karti u baahantahay, fulaynimada iyo nacasnimana la-kala tegay.
Waxba yaanan hadal kugu wadno goyne, anguna xiiqaye, sidii sheekadda labada saaxiib iskugu tuur-tuurayeen, kaftanka iyo qosolkana isla jaanqaadayeen, ayey mar qudha dhankayga soo eegeen, kkkkk anigoo tabcaan iyo daal la bes ah!, cagahana jiidaya, allow yaa ogaadda waxa qodax  i muddey habeenkaas, Misna mar keli ah igu wadda idhaahdeen “Adeer ina ayaad ahayd?!” gabasho iga dheer oo miciin iyo tolbaan raacdaynayaaye, si cod kar leh ayaan u idhi “Ina wiyeer” wiyeer oo awoowgey oo geyiga magac kulahaa lakiin nasiib xumo xiligaas ma noolayn, Intay qosol is raacsheen ayuu geedi yidhi “ma hebel baa ku dhalay mise hebel” faraxad iyo dhoolo caddayn, aan waji macbuusnimo kujir baan u idhi “Hebel hebel baa i dhalay” haaheey, adeer hadhow anagaa reerka ku geyn bay iigu rogaal celiyeen, Yaa malayn kara farxadayda, Ciyaartiina habeenkaas waxay ii ahayd waayo argnimo iyo aqoon aan ka kororsaday barwaaqada iyo Nabadda reeruhu ku wadda deganyihiin, sidoo kale ilaa maalmihii iigu horeeyey ee deegaanka waxaan bartay dhaqamo wanagsan oo aanan magaaladii aan ka imi ku haysan, waxaan bartay is dhex gal iyo bulsho nolol wadaag aan kala qalooneynin, waxaan bartay meel aan qabyaaladi jirin, dadkuna ay caanaha wada dhamayaan.


Mr.Hamse Bashe Wiyeer-yare
Tell: 252-63 4457401
www.facebook.com/wiyeeer
www.wiyeeryare.blogspot.com 
Hargeysa/Somaliland

Post a Comment

0 Comments