Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

JACAYLKII TIMO-DHEER HAWEEN IYO XUR-GUFTII COLAADA SOKEEYE QAYBTA 2-AAD W/Q: WIYEER YARE

In Muddo aha oo geyigu Barwaaqo iyo Nolol nabdoon soo Maraya kadib, Xaladdu Waxay bilihii xigayba isku bedeshay Kuwo biyaha iyo baadku soo gabaabsi noqodo, Misna Dadka intii isku Xigaal iyo xigto ilmadeerayaal ahiba isku guuraan oo meel isku urursaddaan, Dadkuna waxay noqodeen Nolosha sii adkaanaysa darted kuwo uu soo yaraado dhaq dhaqaaqa socodkoodu, reer(beel) kasta oo degaan deganina waxay isku dayayeen sidii ay ugu faro adaygi lahayeen biyaha sii yaraanaya Iyo baadka gabaabsiga ku jira.

Laakiin akhriste ogow wali kuuma sheegin sababtii aan hargeysa uga soo dheelmaday ee aan u imi degaanaddan Xoolo dhaqatadda iyo Beeralayda iskugu jirra, Horaan kuu idhi gadaal baan kaaga sheegi doonaa, ee iga warsug oo horaa looyidhi safar waa ala dhawraa, ee adiguna dhankaaga ha iga sal fududaan, kabo koombo biyo ah oo si fiican ii dhuux, kkkkk Intaasi waa iga kaftan.
Muuqaalka dhirtu waxay u eekaatay mid Qalashay, baarka sare ee dhirtaasna waxaa codad daciif iyo itaal dari ka muuqato oo kayeedhaya shimbiraha haraadku sida ba’an u saameeyey, Runtii marka aan isha ku kala qaaddo nafleydaas waxaan xasuusan jiray Gabaygii Abwaan Ismaciil Mire Ee GuuguuleGuuguule-yahow hadaad guga u ooyeysid, Ood mooday keligaa inu gubayo jiilaalku,……………………………………”.
Dhibaato kasta oo abaar iyo biyo la’aan ahi oo dhacayey marna maankayga iyo qalbigayga may gelin dhugaal iyo geedi oo aan saxibtinmadooda bartay habeenkii degaanka iigu horaysay waxay ku dambeyn doonaan kuwo qoriga iyo gulufka coladeed midba dhinac kasoo unko!!, Habeena kuma seexan Bidhaan-qurux, Timo haldhaaley oo muddo badan oo dhaxan iyo baqdin bahal lahayd aan usoo safraayey, misna wakhti baddan igu qaadatey la hasaawideeda iyo ka jawaabida hal-xidhalayaashii runtii aadka u ka-kanaa ee ay habeenadda qaar, anagoo duleedka reerka ku cadalooleyna ay goga ii gelin jirtay, waxaan sii xasuustaa dhumalaysigii iyo cadaloolkii habeenadda qaar, isla habeen waxaan xasuustaa timo-dheer haween, bidhaan qurux, waa Cosobbe inta ay gacanta I qabato oo meel aan sidaas uga fogayn ardaaga xafaddaydda oo uu ku qabsanaa aqalkooddu isla goob casho wanaagsan oo subag iyo caano lugu iidaanay aan wadda cashayn jirnay.!!! Runtii colaadani anniga iyo cosob oo keliya ah maaha dadka ay saameynta iyo waxyeeladda tabban soo gaadhsiisay, waxaa jirra tiro dhalinyaradda iyo dhooraydda degaanka oo habeenkii ciyaaro qabsan jiray oo meesha ka baxay, waxaa jiray kuwo xigaal iyo xigtabba ahaa oo meesha kabaxay, isla markaana quruxdii degaanka iyo camirnaantii bulshadda ayaa meesha ka baxday!!.
Alla!! Waan dambaabay, Kuuma sheegin miyaa baaba’an iyo kala guurkan, kuuma sheegin miyaa colaadan geedi iyo dhugaal hubka iyo qoryaha iskugu qaateen, kuuma sheegin miyaa sababtan aniga iyo cosob aanu isku calfan weynay, jacaylkaygiina u sii jiri waayey!!! iga raali noqo waan kuu sheeko dhaafaye, saw maalin maalmaha kamid ah wiil abtirsi ahaan kasoo jeedda degaankan aan ka dhashay, xili aroor ah oo biyo baliga laga cabbi jiray uu ahaa kuwo gabaabsi ah, ismuu odhan darka biyaha, xayntan yar ee xoolaha ah kusoo hor, Sawtii isaga iyo wiil kale oo ka soo jeedda beel aan degaan ahaan aan sidaas baraagaha biyaha uga fogayn, isla markaana ah beesha uu dhugaal iyo cosobe kasoo jeedaan, Waa dagaal  caruur gu’a ahaan isku fil ah oo kala qabasho moyaane kala safasho talo iyo mid la go’aamiyo may ahayn, laakiin ogow xaaladda oo runtii aad u adkayd iyo dumar labadaba dabada ka riixayey ayaa noqoday col iyo dabshidayaal, Murankii iyo is afdhaafkii dhalintana doggobyo waaweyn sii saar saara.
Halkaas bay colaadii kasii hurtay oo intii raga iyo waxgaradku sahan iyo samata-bixin reeraha ugu maqnaayeen, ayey haweenka iyo caruurtu midiyaha daab-laxooda leh hoosta iskaga qaateen, Markiiba nin dhugaal ay ilmaadeer yihiin baa bali biyeysan goor subax aan cidi war u hayn lugu riday oo la quusiyey!!!, isna halkii bay naftu kaga haaday, Garro oo cida quusisay waa geedi walaalkii ruma, Sidii kolba la isku miranaayey ee hebel hebel loogu aaraayey ayeey colaadii sii fogaatey, dhugaal iyo reerka uu kasoo jeedo beel ahaan degaanka waa lagag baddnaaye, Naftu orod bay kugu aamintaaye inta ay hayaameen oo col iyo ciidan doonteen bay dhufaysyadda soo galeen.
Waxba yaanan calaacal iyo calool xumo kugu sii kordhine, Caawa waa colaad degaankii barwaaqadda badnaa, Waa goob la isku tiriyo Reer Hebel imisaa laga dilay, imisaa laga dhaawacay, degaan heblaayo ma reer hebel baa hadda ku sugan, Runtii colaadaas sokeeye aad bay ii saameysay, waayo waxaan ogaa noloshii hore ee degaanka, caawa cidla ayaan taaganahay oo ma haysto gabadhii aan degaanka ka caashaqay ee dhawaan aanu reer wadda yagleelan lahayn, Ma haysto dumashiyaal ma haysto soddoh iyo soddog midna, Mar mar aniga oo aan hurddo nabdoon gamin oo indhaha kaga bilig-gilig siinaya ayaan xasuustaa maansadii rabi janadda haka waraabiyee Abwaan Maxamed Xaashi dhamac gaariye ee ERGO
Laba oorya walaaliyo,             ilmaadeer is maquunsha
lama sheegin aduunkee                       marka aan ugu liito
mar aan eeda sokeeyiyo         ilmahayga ku waayo
mar aan aayo la'aanta             seedigay ugu aaro oo
walaashay asay qaado                        mar haday aqalkayga
haddii layga adkaadiyo          hadaan raystey idhaahdaba
mar lay oohin u tahay              bal maxaan istafiiday………..”

Colaadaha ka unkama biyaha iyo nimcadda rabi dadka siiyo, waa mid ku baahsan bulshadda degaamadda oo dhan ee geyigga somalidu degto, intii colaaddan aan arkaayey waxa kale oo aan maqlaayey laba beelood oo kale oo islaayey, Waxaan xaqiiqsadday qabyaaladda iyo waxa ay tahay, Anigu hadda degaankii waan kasoo hayaamayaa, aan kuu bushaareeyo dhex dhexaadin iyo nabadayn gurmad ah oo soo kala dhex galay dartii habeenka habeenkan xiga nabad baa lugu seexan, laakiin aan ku sheego qalbi walaaltinomo oo isku dhawrani ma jiro, Aniguna intantii bilan bidhaan qurux ee haween aan ka janttay ma calfan, laakiin wali kama samir goynin ee nabad iyo calool fayoobaan dambe ayaan dhawrayaa, berri waan ka laabanayaa safarkaygii diifta iyo colaadda kusoo dhamaadday, waxaan xusuustii barwaaqadda, jacaylkii, coladdii xiliyadda dhexe iyo nabadaynta dambe ku naawili doonaa markaan geyigii muddadda aan ka maqnaa kusoo noqodo, laakiin akhriste wali ma ilaawin timo dheer haween, sidoo kale dhugaal iyo geedi saxibtinmadoodii iyo walaaltinmadoodii waan sugayaa in aan mar labaad arko, Safarkayga xiga ayaan idiinka sheekayn ka warkiinidda Jacaylkaygii oo aan ku hamiyaayo in uu dhab ii noqodo kana baxo duruufaha ku gaddaaman “Marnaba niyadda iyo quluubta kama jari doono cawo-oo aniga ii ahayd Bidhaan qurux mar la’a arag ah” Mar dambena ma jeceli inaan maqlo colaad iyo hub urursi dad walaalo ah oo isku deegaan ah, Marwalbana waxaan niyada ku hayaa in qabayaaladu tahay bar bilawga burburka bulsho iyo dad walaalo ah.

wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer Ama Bookho barta Internetka Ee Qoraaga www.wiyeeryare.blogspot.com

Post a Comment

0 Comments