Marka aan ka
hadlaayo jidka-toosan ee dhalinyaronimadda, Maaha mid aan si malo-awaal ah
maskaxdayda aan uga abuurayo, mana aha mid aan qoraalo iyo meelo kale kasoo
maan-guurinaayo, ogow akhriste jidka toosan ee aan tilmaamayaa maaha wax cusub
oo aan kugu soo kordhinaayo, laakiin waa mid maskaxda caafimaadka qabta ee ku
jirta jidhka bani-aadam caafimaad qabaa uu mar kasta ku fikiri karro.
Xulida lamaane diin iyo akhlaaq lihi
waa dariiqa jidka toosan asaaska u ah, Xulidda hooyadda wanaagsan ee diinta
lehi, iyo aabaha akhlaaqda lihi waxay asaas u yihiin sii jiritaanka mustaqbalka
wanaagsan ee ubad iyo dhalinyaro ka badbaadda wax kasta oo xumaan ah, Sharciga islaamkuna
waxa uu ina farayaa doorashadda iyo isku xulashadda diinta macaan ee
islaamnimadda.
Jidka
toosani waxa uu sidoo kale ka bilaabmaa habeenka ugu horeeya ee lamaanaha
isguursaday ku kulmayaan galmadda(sariirta) taas oo macalinkeenii, suubanihii
Nabi Maxamed Csw uu inoo sheegay in ilmaha yar lab iyo dhadig midkuu doonaba ha
ahaadee in loo xirsi xidho habeenka kowaad ee caloolsha uu gelayo. Halka marka
hore khayr la weydiisanaayo misna shaydaanka laga fogeynaayo, Rabina laga magan
gelaayo shaydaanka Ooridda ama gabadha cusub ee Ninku guursaddo Isaga oo
odhanaaya “Illahayow waxaan ku waydiisanayaa khayrkeeda, iyo wixii lugu
abuuray ee khayr ah, iyo wanaag ah Rabbiyow waxaan kaa magan gelayaa sharkeeda
iyo wixii lugu abuuray ee shar ha”.
Nabigu wuxuu
ina faray in la odhanaayo “Bisinka allaah u qabtay galmaddan, illahayow
shaydaan naga fogee, oo waxaad nugu arsaaqdo oo ubad ah shaydaan ka fogee”
“………………..
Suuratul Maryam”
Nabigu wuxuu
yidhi “Haddii habeenka aad Xirsi xidhatay ubad lagaa beero, waxaa dhab ah
in aan shaydaan kaa duufsan” Ilmaha yar kadib dhalashadiisa waxaa
waajib ku ah waalidka in diintiisa iyo akhalaaqdiisa laga fikiro, oo sida
caanaha , cuntadda iyo waxbarashadiisa looga fikirayo in akhlaaqdiisa iyo
diintiisa looga fikiro.
Nabigu Csw
sidoo kale wuxuu inoo sheegay “In ilmaha aad dhashay Xaq kugu leeyahay” ……. Dadkeenu waxay u
yaqaan xaqan uu nabigu inoo sheegay in ay tahay dhergin cuntadda ah iyo
waxbarasho; sidoo kale uu yahay ciyaarta iyo ilmaha oo u madax-banaanadda waxa
uu isagu jecelyahay.
“Todoba
jir marka ay gaadhaan in salaadda la baro, 10 jirna lugu qaraaco, gogoshana
lugu kala kaxeeyo” Waa toobabar lagaga hortagaayo in marka ay caruurtu hana qaaddo ka
leexdaan Khaladka isdhex boodka, haddii aan tan la samayn ubad aan xishood
lahayn ayaa kasoo dhex baxaaya bulshadda muslimka ah, marka dambena ku dambayn
doona dhalinyar ka leexatay wadadii saxdda ahayd.
“Waxaa
la weydiin waalidka, Ilamaha ma tarbiyeysay?, Ma ku xidhay illahay? Meel
wanaagsan makagasoo tagtay?.” Halka la weydiin doono ubadka“Wax ma ku baray? Akhlaaq
wanaagsan ma kugu tarbiyeey?”.
_____
Qodobaddan Sare Waxaan kaga Hadli doonaa Cutubka 4aad ee Buuga__________
Xaga
dhaqanka Somalinimadda iyo nolosha reer guuraaga oo ah nolol waxbadan ka duwan
nolosha reer magaalka iyo dadka magaalada ku barbaara, ayaa inta baddan lugu
kalsoonyahay in wiilka ama gabadha ku dhashay, kuna barbaaray deegaanadda
miyagu ay caqli iyo maskax wanaag dheeryihiin dhalinta kale ee magaaladda,
sidoo kale la qabsiga jidka toosan ……………………..
Tix-raac:
1. Sheekh
Abu-salmaan - Muxadaradii Dhalinyarada
La soco Q4aad ee Buuga “Dhalinyaradda Maanta”
W/q: Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer
www.wiyeeryare.blogspot.com
0 Comments