Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

OGAYSIIS: Akhristayaasha Iyo Dhalinyartii Somaliyeed Ee Soo codsatay Buuga Dhalinyaradda Maanta Ee Uu Qoray Wiyeer-yare

Idil ahaantiinba nabadi korkiina ha ahaato, Akhristayaasha sharafta leh ee ku xidhan Shabakadan aan ku leeyahay Internetka, runtii waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa dhalinyarto aad u faro badan oo ku kala nool guud ahaan gobolada Somaliya iyo dalka dibadiisaba oo fariimo codsi ah iigusoo gudbinaayey ciwaankayga gaarka ah iyo barta aan ku leeyahay Facebookga oo iga dalbanaayey sidii ay ku heli lahaayeen buugan dhalinyarada maanta.

Akhriste waad heli ha dheeraato ama ha dhawaato e buugan ku khuseeya adiga iyo noloshaadaba, waxaanan rajaynayaa in uu wax badan inaga bedeli doono nolosheena maanta, iyo teena dambe ee Aakhiro.
Buugan hadda waxaa ku socota dib u sixid, qayb kasta oo la saxana waxaad ka heli kartaa oo si taxane ah aanu ugusoo qornaa Shabakadan gaarka u ah qorah, Sidoo kale Shabakadaha wararka ee ugu caansan iyo Wargeysyada wararka ee maalinlayaasha ah ayaanu kusoo bandhignaa todobaadkii laba qormo oo kamid ah buugan.
si hadii uu muddo badan qaato ayna idin seegin faaidada ku dhex duugan buugan, sidaanu horeba idiinku sheegnay buugani wuxuu ka koobanayhay qormooyin dhawr ah halka in badan oo ka mid ah aanu kasoo xiganay dhalinta hal abuurka iyo culimadda dalkeena oo si dhab ah uga hadlaaya xaaladda dhabta ah ee ay ku suganyihiin dhalinyarta Somaliyeed.

Yaanu ku dhaafin qormooyinka oo si taxane ah uga socoda shabakada wararka ee dalka, wargeysa dalka iyo shabakada gaarka ah, wixiii faahfaahin ah fadlan noogusoo dir

wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer

Ama Bookho barta Internetka Ee Qoraaga www.wiyeeryare.blogspot.com

Post a Comment

0 Comments