3.2.3 Tariikhayn/qorshayn (planning):- midda kale ee muhiimka u ah
in qofka noloshiisu ujeeddo yeelato waxa weeye in nolosha mid nidaamsan laga
dhigo oo wax walba qorshe loo yeelo; maxaa yeelay, marka la doonayo in hawl la
qabto haddii marka hore intaan la guda gelin hawsha la sii dejiyo qorshihii
lagu qaban lahaa hawshaas ka dib qabashadiisu way sahlanaanaysaa.
Tusaale ahaan
haddii la doonayo in guri la dhiso ninka engineerka ahi marka hore waxuu
sameeyaa wax la yidhaah planning qorshihii siduu u dhisi lahaa guriga iyo waxuu
u baahan yahayba qalab, markaa ka dib ayuu ku dhaqaaqaa dhismaha guriga. Markaa
waxaan leeyahay haddii aynnu doonayno inaynnu mustaqbalkeenna iyo mustaqbalka
mujtamaceennaba dhisno waa inaynnu qorshaynaa waxa uu u baahan yahay iyo
noociyadda mujtamaca aynnu doonayno inaynnu wax ka beddelo, uuna kala
horraysiinaa arrimaha siday mudnaanta u kala leeyihiin, Soomaalidu waxay ku
maahmaahdaa“oodo
dhacmeed siday u kala sarreeyaanbaa loo kala guraa.”
Waa in dhibaatadu intay
le’eg tahay la eego dabadeedna xalkii ku haboonaa loo raadiyo, haddii ay tahay
mid dhaqaale ama mid siyaasadeed ama mid bulsho ama mid diimeedba. Waxa kale oo
habboon in danta guud laga hor mariyo danta gaarka ah, qodobkan waxaan uuga
jeedaa waa in daraaso la sameeyo intaan hawsha la guda gelin.
3.3.1 In Islaamka loo fahmo si
qoto dheer:- qodobka Saddexaad waxa
looga baahan yahay dhalinyarada maanta inay Islaamka si sax ah u fahmaan, taana
waxaan uuga jeedaa maaha in la garto in cibaadaadka sida salaada,
soonka,zakada, xajka iwm ay farad yihiin, kuwaas qof kastoo muslim ahiba wuu
garanayaa ee waxaan uula jeedaa in loo fahmo Islaamka inuu yahay nidaam dhamays
tiran oo wax walba koobaaya, wixii loo baahdana laga helaayo hadday noqoto
dhaqaalaha ama siyaasada ama bulshada ama aqoonta ama xidhiidhka ka dhexeeya
muslimiinta dhexdooda iyo ummadaha kaleba.waa in Islaamka loo fahmo inuu la
jaan qaadi karo wakhti walba iyo ummad walba, taasina waa siday u fahmeen
dadkii inaga horeeyay ee salafka ahaa,waa fahamkii gaadhsiiyay noloshooda
heerkii uugu sareeyay mid aduunyo iyo mid aakhiraba.
Maaha in loo fahmo Islaamka
mid ku eeg masaajidka iyo waxyaabaha shakhsiga ah (personal affairs) oonu shaqo
ku lahayn nolosha inteeda kale. Waxa kaloo looga baahanyay dhalinyarada
Soomaaliyeed inay fahmaan afkaaraha kale ee dunida maanta ka jirta iyo waxa uu
Islaamku kaga duwanyahay afkaarahaas cusub. Waayo qofkaan diintiisa iyo
dhaqankiisa waxba ka aqoonini wax uu ka beddeli karaa ummaddiisa ma jirto,
hadduu is yidhaah diin kale iyo dhaqan kale ku horumarina uuma suuroobayso
waayo sida xaqiiqadu tahay ummadina kuma horumari karto diin iyo dhaqan ayna
lahayn oo debedaha looga soo waariyee.
Hadalka oo kooban waa in
Islaamka loo fahmo sida uu yahay ee aan loo fahmin sida reer galbeedka iyo war
baahiyayaashodu ka sheegayaan ama sida dadka muslimka ah qaarkii ku dhaqmaan.
3.3.2.
Barashada Aqoon diin ku salaysan
Sidaynnu kor ku soo xusnay
cilmigu waa waxyaabaha ummaduhu ku horumaraan la’aantiina aan meel lagaadhi
karin. Diinteennuna qiime wayn ayay siisay cilmiga iyo dadka aqoonta lehba,
ilaahay (swt) waxuu aayad quraana ku yidhi: -“Ilaahay waxa si dhab ah uuga cabsada culimada,” waa
dadka aqoonta leh aayad kale ayaa waxay ahayd “ma simanyihiin
ka wax yaqaan iyo ka aan waxba aqoonini”, dabcan jawaabtu waa
maya ma sinna iskumana dhowa.
Nebiguna (NNKH) waxuu
yidhi:- “cilmiga raadiya xoolka laga bilaabo ilaa intaa qabri ka gelaysaan”,waxa
kale oo uu yidhi: -“qofka mu’minka ahi khayr uu maqlo kama dhergo ilaa uu ku eekaado
(galo) jannada”.Waxa kale oo uu yidhi: - “xikmaddu waa baadida mu’minka meeshu ka helana isagaa u xaq leh inuu
qaato”.
Halkan kuma soo koobi karno
aayadaha iyo axaadiista ka hadlaysa fadliga cilmiga, markaa waxa loo
baahanyahay waxa weeye in dhalinyaradu ku dadaasho cilmiga nooc kastuu noqdaba,
weliba cilmiga casriga ah waa meel fiican laga gaadhaa si ummadda looga helo
dad mutakhasisiin ah oo kaga fillaada baahida wixii loo baahdo, haddii taa la
waayana waxa dhacaysa in ummadoo dhami dambiile noqdaan ilaa laga helaayo cid
baahidaa ka saarta, taa waxaynnu ka qaadanaynaa fiqiga Islaamka, Sheekh
Al-Islaam Inu Taymiya ilaahay ha u naxariistee ayaa yidhi: ummadda (muslimka )
haddii ay u baahato irbad markaa laga waayo cid taqaanna samaynta irbadda
ummadda oo dhami waxay noqonaysaa dambiilayaal ilaa laga helaayo dad yaqaanna
irbadda samaysteeda weliba sameeya wax ku filaada ummadda.
Maanta ummaddeennu wax kasta oo ay u baahataba waxay qasab
ku noqotaa inay gaalo/reer galbeed u doonato. Markaa walaalayaal waxa loo
baahanyahay dad aqoon yahan ah weliba aqoon sare leh maxaa yeelay dalkeenniii
maanta waxuu u baahanyahay dad wax u qabta weliba dhinaca wax barashada faca
soo kacaaya, haddaan imika wax loo qaban oon jaamacado iyo iskuullo loo furinna
berritoole waxay noqonayaan dad aan aqoon lahayn waxayna halis gelinaysaa
mustaqbalka Soomaaliyeed.
Tix-raac:
1.
Maan-maal
buureed gurxan ----- Waa maxay dhalinyaronimadu.
La soco Q10aad
ee Buuga “Dhalinyaradda Maanta” W/q: Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah
iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan
Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer
0 Comments