Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Waa Maxay Dhalinyaronimo?Q.2aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)


Waa Maxay Dhalinyaronimo?Q.2aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)
Dh

alinyaronimadu Waa qayb kamid ah nolosha noole kasta, waana qaybta ugu muhiimsan uguna qiimaha iyo qaayaha baddan ee reer bani-aadam. Dhalinyaronimo waa cabir da’a ahaan u dhexeeya 15-35 jirka, in kasta oo aan la isku waafaqsanneyn dadka qaarna ay gaadhsiiyaan ilaa 40 jirka maankiisa iyo maskaxdiisa qaba oo ah wakhtiga qofka bani-aadamka ahi jidh ahaan iyo caqli ahaan dhamaystirmo, haddaba In dhalinyaronimadu tahay mida ugu muhiimsan ee nolosha waxaa inoo soo wariyey nabigenii, suubanihii Maxamed csw, sidoo kale waxa uu nabi Maxamed csw inoo sheegay in da’ada dhalinyaronimada ay ka mid tahay su’aalaha maalinta danbe ee qiyaamaha rabi swt waydiin doono adoomihiisa.

Waxaa la waydiin doonaa qofka shan su’aalood, ilaa uu ka jawaabana ma gelaayo janadda waxaa kamid noqon doona“Waxa uu Da’adii iyo Cimrigii uu jiray Ku Camiray, ku bixiyey halka doobnimadu tahay Suaal kale oo gooni ah, Waxa uu dhalinyaronimadisii ku soo qaatay”.
Dhanlinyaronimadu waa wakhti ay da’a ahaan qofku ugu firfircoonayaha, waa mid nolosha qofkaasi qiimo ugu sameyso qoyskiisa, bulshadiisa iyo guud ahaa qarankiisa; Allah ha u naxaristee Abwaan Aadan Xaaji Afgalooc ayaa yidhi wakhti uu gabay ku tilmaamayey dhalinyaronimada iyo halka ay nolosha kaga jirto:
 “Hadduu geed engego xaabadaa laga idlaystaaye
*Mid yar oo iniintiisa ahbaa soo awaal baxa e
* Isagaa anfaaciga hadhkiyo oodda kaafiya e
* Dadkana odaygu goortuu ka baxo iyo islaantiisu
* Ubadkooda hadhabaa tabcoo aayatiin hela e
* Markii Aadam iyo Xaawa iyo keynta la abuuray
* Sidaasay arwaaxdiyo dhirtuba ku isiraayeene
* Umaddaan shabaabkeedu hanan waa u ayaan xuma e
* Inamiyo hablahaba waxaad tihiin aarankii kacaye
* Itaal gabe dadkiinii hore waydin aragtaane
* Idinkaa amaanada xilkii eeggan qaabilaye
* Iskaa wax u qabsada noloshu waa udub dhexaadkiiye
* Israafkiyo fadhigu waa waxaad ku anbanaysaane
* Axmaqnimo wakhtiga kaaga tagay oohin kugu reebye
* Ayaantii ku dhaaftana waa waxaan la eegayne
* Axadkii kaslaan ahi sabool abidkii weeyaane”
shaki kama jiro in wakhtiga dhalinyaronimada la isku waafaqsanyahay yahayna kan ugu fiican nolasha oo dhan.
In kasta oo dhalinyaronimo ay ka timi xaalada lugu jiro oo kasoo jeeda dhalinyaro ama dhalin macnaheeduna yahay kii-dhashay-ee –yaraa, haddana waxay xaaladdani samaysaa koritaan iyo waxa loo yaqaan isbedel jidheed iyo mid maskaxeed.
Inkasta oo dhanka suugaanta ay yar tahay abwaannada Soomaaliyed ee tix ku tibaaxay ama ku qeexay dhalinyarnimadu waxa ay tahay, bal aynnu soo qaadanno dhawr meeris tix aan ku ma’akubayo kuna qeexaayo dhalinyarnimo oo aan kasoo xigtay Maanmaal Buureed Gurxan waxayna tahay:
Dhalinyarnimo waa taash milgo lehoo, maamus badane
Waa muuq qurruxoon oo, milicsiyo nuur badane
Waa maskaxiyo garasho, maaliniyo leyl koraye
Waa muruqiyo xoog miiganoo, la muquunin karayne
Nimco mawle inagu manaystayoo, loogu mahdiyo weeyaane.
Fursad maanta laga faa’iidaysto, mowtimaysa weeyaane
War hoy ka muraadsada maantad muftaaxiyo, maamulkeda haysaane.
Sidaa darteed waxaan ogaanaynaa in Dhalinyaronimadu aanay ahayn shay dheel-dheel lugu lumin karo,tahayna kaydka qudha ee bulsho meel ku dhaqani ay leedahay, oo ay tahay in laga faaidaysto, taasina waata keentay in Dhalinyaro aad u faro badani khasaariyeen wakhtigoodii qaaliga ahaa iyo dhalinyaronimadoodii wakhtigeedu gaabnaa laakiinse faaidadeedu dheeray oo hadii ay dhalinyaronimadaas ka faaidsaysan lahayeen oo aanay ku khasaarin wax Akhiro iyo Aduunyada toona wax u tarahayn, Maanta iyo Maalinta aakhiro Dhalinyar badani kamay warwarteeni  wakhtigaas sida xilkasinimada leh uga halaabaya.
Tix-raac:
1.     Sheekh Maxamed Cumar Dirir -  Muxadaradii Dhalinyarada
2.     Abwaan Xaaji Aadan Afqalooc – Gabayga Dhalinyaro
3.     Maanmaal Buureed Gurxan
La soco Q3aad ee Buuga “Dhalinyaradda Maanta” W/q: Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeer
www.wiyeeryare.blogspot.com



Post a Comment

0 Comments