In kasta oo aqoonsi yahaya garasho ama garwaaqsasho,
khuseeyana xaalad , iyo in dadku sida ay u kala maskax badanyihiin, indheer
garadsanyihiin, xogogaalsanyihiin wax uga sheegaan Macnaha iyo Muhiimada uu leeyahay Kalmaddan
“Aqoonsi”, waxaan qoraal yar oo kooban ku faaqid doonaa aqoonsiga ay
jamhuuriyada Somaliland dal ahaan iyo umadd ahaanba raadiyaan.
................................................Sii Akhri
AQOONSIGA MIYAA LA RAADIYAA
MISE WAA LA KASBADAA?
In kasta oo aqoonsi yahaya garasho ama garwaaqsasho,
khuseeyana xaalad , iyo in dadku sida ay u kala maskax badanyihiin, indheer
garadsanyihiin, xogogaalsanyihiin wax uga sheegaan Macnaha iyo Muhiimada uu leeyahay Kalmaddan
“Aqoonsi”, waxaan qoraal yar oo kooban ku faaqid doonaa aqoonsiga ay
jamhuuriyada Somaliland dal ahaan iyo umadd ahaanba raadiyaan.
Waxaa Somaliland jiritaankeeda kasoo wareegtay muddo
hadda ku beegan 25 sanno waxaa jiray sando baddan oo ay ka dhacayeen dabaal
degyo xusas iyo in Somaliland magaceeda iyo calankeeda kor loo qaaddo, waxaa
soo maray maddaxweynyaal saddex ah oo bookhasho ugu bixi jiray sanad walba
waddamo baddan oo caalamka ah, waxaa jiray dad aqoonyahano ah oo iskugu jira wasiiro
iyo safiiro oo dawladahaasi u direen waddamo baddan si ay Somaliland
qadiyadeeda u meel mariyaan, waxaa ugu dambaysay shirkii ka dhacay dalka
turkiga ee Somaliland iyo somaliya isku geed fadhiisteen misana laga wadda
hadlaayey xaalada taagan.
Haddaba su’aasha is weydiinta muddan ayaa waxay tahay
Aqoonsi Miyaa la raadiyaa mise waa la kasbadaa?
In kasta oo aan jawaabta su’aashan u furaayo dhamaan
dhalinta iyo shacabka Somaliland waxaan fikir ahaan aaminsanaha in aqoonsiga
noocan ah ee Somaliland raadinayso misana dadku ay ku daaleen aanu ahayn kii la
raacdayn jiray ee la daba geli jiray
sida geel col qaaday ee uu yahay kii la kasban jiray, Haddaba su’aasha is
weydiinta muddan waa sidee loo kasban karaa Aqoonsi? Ma in dadka lasoo shiriyo
oo wax loo sheego, ma in kolba doorasho lacag badan ku baxaddo la qabto, ma in
kolba nin cadaan ahi iskaga keen dhigo safiir waddan, Mise in waddanka la horumariyo
oo dadku isku finlaado?
Waxaa xaqiiqadu tahay in aqoonsiga sida loo kasbadaa
tahay in diinta, dadka iyo dalkaba la dhawro oo la horumariyo, waxaan halkan ku
soo koobayaa qodobo keeni kara in aqoonsi aanu helno oo weliba aanu ku fa’aano
1. Horumarinta Diinta islaamka ee aanu ku dhaqano
2. Is adeecida Dadka dhexdooda iyo dawlada hogaanka
inoo haysa (Laakiin hogaamiyaha aan dembi lugu
adeecin).
3. In aynu iska dhaafno Reergalbeedkan aynu xagooda u
kacayno, oo Aynu aqoonsiga ka kasbano dawladaha islaamka.
4.In Aynu waddankeena horumarino oo aynu ka dayno
khiyaamada iyo musqmaasuqa.
5. In shacabku u calool furnadaan waxqabadka waddanka
oo laga wada shaqeeyo shaqooyinka guud ee iskaa wax u qabso ah oo ay dadku ku
da’dalaan sidii ay waddanka horumarkiisa qayb uga qaadan lahayeen ee aanay meel
iska fadhiyin oo aanay xukumadda ku eegin.
6. In xoriyadda Ilahay dadka siiyey isu dayno oo aan
xoriyadda laga qaadin muwaadinka haduu khaldamayna khaladkiisa la tuso.
7. in dadku dhexdooda isku nariistaan oo la is
xaqdhawro
8. in dawladeenu ku dedaasho sidii aynu uga maarmi
lahayn waxa aynu dibada ka keensano siiba cuntada oo ugu mihiimsan.
Hadii aynu qodobadan ku dhaqano waxaa laga yabaa in
aanu aqoonsi ku kasbano oo aanu helno ictiraaf, laakiin hadii aynu wakhti
baddan iyo lacag baddan ku bixino in aynaa helin.
W/q: Hamse
Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan
Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer
0 Comments