Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Doorka Waalidka Iyo Dugsiga Ee Ku wajahan Dhalinta yar-yar Q.12aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Hadaba aqoonta uu ubaahan yahay ilmuhu inta uu kujiro barbaarinta oo laga rabo waalidka iyo iskuulkaba in uu xoogga saaro waa maxay ?  Barbaarinta garaadka Ilmaha waxaa loo qaybiyaa labo qaybood  1.Dhanka aqoonta tooska ah : Aqoonta tooska ah Waxaan ula jeedaa midda leh meel ay kabi laabato iyo meel ay ku dhamaato taaso ah mid diiniya sida barashada quraanka iyo axaadiista ama mid maadiya oo kabilaabata fasalka 1aad ama xadaanada .............................................




Doorka Waalidka Iyo Dugsiga Ee Ku wajahan Dhalinta yar-yar Q.12aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Qormadaan waxaan kaga hadlaynaa waalidak iyo iskuulku  doorka ay kaqaadan karaan dhisidda dhalin yaro hormuuda ah,dhanka waxbarista iyo kor uqaadista garaadka.
Islaamku waxa uu kudadaalay sidii loo hormarin lahaa garaadka qofka bani aadamka ah , waxa kaliya ee lagu hormarin karo garaadka qofkana waa aqoonta aqoontaasi ha ahaato mid diini ah iyo mid maadiya , aqoontaasi ha ahaato mid toosa oo goobaha waxbarashada laga qaato ama mid dadban oo qofku sigaara iskudhiso .
Diinta islaamku aad bay u boorisay in uu qofka barto aqoonta waxaana taas daliil u ah in aayadii ugu horaysay ee soo dagta ay kahadlaysay ama ay amartay in wax la aqriyo
قال تعالى ( اقرا باسم ربك الذي خلق[1]  oo macneheedu yahay “ akhri magaca ilaahay , kaasoo abuuray “
Xataa waxa uu kahormariyay ilaahay marka uu cilmiga sheegayay iimaanka sida aan ku arkayno aayadaan “ وقال الذين أوتوا العلم والإيمان ……….[2]  “
Hadaba waxaa iskacad in hadii aan rabno in aan barbaarino dhalin yaro hormuuda oo umada u horkacda dhanka wanaaga waa in aan dhisnaa garaadkooda kana dharjinaa aqoon .
Hadaba aqoonta uu ubaahan yahay ilmuhu inta uu kujiro barbaarinta oo laga rabo waalidka iyo iskuulkaba in uu xoogga saaro waa maxay ?
Barbaarinta garaadka Ilmaha waxaa loo qaybiyaa labo qaybood
1.     Dhanka aqoonta tooska ah 
Aqoonta tooska ah Waxaan ula jeedaa midda leh meel ay kabi laabato iyo meel ay ku dhamaato taaso ah mid diiniya sida barashada quraanka iyo axaadiista ama mid maadiya oo kabilaabata fasalka 1aad ama xadaanada lehna heerar kala duwan iskuul jaamacad waxbarashada sare …..
Hadaba si aan uhelno dhalin yaro hormuuda garaadkooduna dhisan yahay raac talooyinkaan
§  Bar ilmahaaga in islaamku uu kor uqaado aqoonta dadka aqoonyahanka ah
Waayo aqoontu waxa ay qofka ukordhisaa cabsida ilaahay waxa ayna ka ilaalisaa in uu qofku kudhaco gafaf ilahay ka caraysiinaya .
§  Ku dhiiri gali ilmahaaga in uu isku xiro aqoonta maadiga ah iyo tan diiniga ah
Inta badan Waxaan ku dhigana iskuulka gaar ahaan maadada sayniska ama cilmiga bulshada waxyaalo kutusinaya awooda ilaahay marka qofku haduusan aqoon ahaan kaliya u qaadan ee uu kafakaro maskaxdiisana kashaqaysiiyo in uu caabudo alaha sameeyay buuraha iyo cimilada kala duwan ee dhulku leeyahay ama habdhisyada sida layaabka leh ushaqaynaya ee jirkeena uu leeyahay .
§  In aad ilmahaaga ku kaalmayso sidii uu culmigii uu soo bartay ufulin lahaa ugana dhigi lahaa shaqo .
Waxaa jirta aqoon badan oo aan uqaadano qaabka qoraal ah laakiin u baahan in shaqo la gadhigo marka waa in aan gacan ufidinaa cunugga sidii uu aqoontaas uga dhigi lahaa shaqo muuqatada oo banaanka ukeeni lahaa .
§  Dabagal ku same kuna dhiiri gali in uu xifdiyo quraanka iyo axaadiista nabiga
Waxaa lasheegaa in cunuga inta udhaxaysa 6- 12 sano ay aad usarayso awoodiisa wax qabad  marka waa in aad si cilmiyaysan oo aad dareesiinayso in ay muhiim utahay aad ilmaha uxifdisiiso quraanka iyo axaadiista nabiga hadba intii suuragal ka ah.
§  Dareensii cunugga muhiimada ay leedahay in uu asaagiis kasareeyo aqoon ahaan .
Taas waxaad umaraysaa in aad dareensiiso muhiimada ay wax barashadu leedahay iyo sida ay diin teenu u amaantay qofka cilmiga baranaya iyo ajarka wayn ee uu leeyahay qofka aqoonta raaca .
§  Ku baraaruji in uusan cilmigiisa kala bakhaylin bulshada ee uu gaarsiiyo .
Diinteeno aad bay u mamnuucday in laqariyo cilmiga , aqoonta ilaahy baa ku siiyay marka waa in aad umada lawadaagta oo aadan noqon bakhayl , marka waa in cunuga lagu beeraa dhaqan ah in uu kaqayb qaato fidinta aqoonta .

§  Bar ilmahaaga qaabka wax loo diyaariyo
Sida qaabka wax loo xifdiyo ama loo kobo sida loo diyaariyo imtixaanada waxaad kaloo ku kaalmaysaa qaabkii uu wax u naqtiimi lahaa uguna dadaali lahaa aqoonta .

§  Ku dhiiri gali ilmahaaga in uu kaqayb qaato nashaadaadka iskuulkiisa kabaxa
Hadba sida lajaan qaadi karta jacaylkiisa iyo doonistiisa nashaadadkaas ha ahaadaan kuwo coiyaaraha ama xogjeedinta ama sawirka dabasha iwm .
§  Lasoco ma yahay mid kashaqeeya su’aalaha shaqo guriga ah
Isku day in aad ku dhiiri galiso in uu kashaqeeyo mana xuma in aad ku kaalmayso ama aad fahansiiso wixii ku adkaada adoonan uga shaqynayn shaqo gurigii laakiin tusaya tusaale kale si uu isagu uga shaqeeyo
§  Waa in uu xiriir kadhaxeeyaa waalidka iyo macalimiinta ilmaha .
Taasi waxa ay kaa kaalmaynaysaa sidii aad u ogaanlahayd meelaha uu cunugaagu ku fiican yahay kadibna aad ugu abaal marin lahayd , sidoo kale waxa aad ogaanaysaa meelaha uu ku liito kadibna waxaa kuu suura galaysa in aad kadhisto meelahaas .
§  Ku kaalmay ilmahaaga sidii uu u habayn lahaa jadwalkiisa maalmeed
Waa in uusan noqon cunugaagu mid jaantaa rogon ah oo qofkii uyimaadaba uu iska raaco waa in uu waqtigiiso habaysan yahay oo uu kusocdaa jadwal si ay ugu kala cadaato Waqtiga wax aqriska kan wax barashada kan caawinta waalidka kan hurtada iyo kan baashaalka .
§  Bar ilamah yar in uu horay useexdo horayna usoo tooso
Yuusan noqon mid saamalayla subaxdiina hurdada ku daaha oo barqadii iska toosa , taasi waxa ay dhaawac wayn ugaysanaysaa garaadkiisa waxa ayna usababaysaa in uu noqdo qof aan maamuli Karin garaadkiisa .

Tix-raac:
1.     Sheekh Almis  Sheekh  Yaxya ----- Muxaadarada  Qeex Hadafkaaga.
La soco Q13aad ee Buuga “Dhalinyaradda Maanta” W/q: Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer
Ama Bookho barta Internetka Ee Qoraaga www.wiyeeryare.blogspot.com

Post a Comment

0 Comments