Hadaba hadii aynu hoos ugu daadagno
hasaawihii dhalinyaradii hore ee somalidu siduu ahaa habkani wuxuu maraa dhawr
marxaladood. Goobaha isbarashada iyo kala warqaadashada waxaa kow ka ahaa
goobaha ciyaar gudka, ciyaar gudku waa goob rag iyo dumar iskugu yimadaan oo
isku weydaarsadaan heeso isbarasho iyo hasaawe iskugu jira, badanaana waxaa
ciyaaraha noocan ah raga guurdoonka ahi ka dul qabsadaan reer ........................................................... ....................Sii Akhri
Haasawaha (Shukaansigga) iyo Guurka Dhalinyaradda Q.13aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q:
Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)
Cutubkan 4aad ee buugan dhalinyarada maanta waxaan kaga
sheekayn doonaa Hasaawaha iyo guurka dhalinyaradda, inaga oo hadii aynu buugaag
badan kaga sheekayno aynaan soo koobi karahayn hasaawaha iyo guurka ama
guursashadda, laakiin waxaan qaybtan kusoo qaadan doonaa qaybaha ugu muhiimsan
ee hadii aynu nahay dhalinyar inaga khuseeya, waxaana ka mid ah:
1. Waa maxay haasawuhu (shukaansiga)?
2. Siduu ahaa haasawihii dhalinyaradii hore?
3. Waa sidee haasawaha dhalinyarada maantu?
4. Waa maxay faaidadda haasaawuhu?
5. Waa maxay faaido-darada hasaawuhu?
Qaybtaha dambe ee cutubkan 4aad waxaan u si guud iyo si gaar
ah oo khuseysay dhalinyarada somaliyeed ee maanta joogta ugu faaqidi doonaa
qodobadan hoos ku qoran oo aan fikir ahaan is idhi waa kuwa ugu muhiimsan ee
inaga khuseeya guurka iyo guursashada, waxayna kala yihiin:
1. Guurka iyo faaidooyinka guurka.
2. Guurka dhalinyaradii hore
3. Guurka dhalinyarada maanta
4. Maxaa Sababay In guurku Ku adkaado dhalinyarta hadda joogta.
5. Sidee looga bixi karaa Xaaladaas adag.
6. Sidee Wiilku/Ninku u dooran karaa gabadh wanaagsan.
7. Sidee Gabadhu u dooran kartaa Nin wanaagsan.
8. Guurka kadib Maxaa laga filayaa Qoyska Cusub
9. Maxay abwaaniinta somaliyeed ka yidhaahdeen guurka.
4.2. Waa Maxay Hasaawuhu
(Shukaansiggu)? Haasawuhu (shukaansigu) waa xidhiidh ka ugu horeeya ee
dhex mara labaka iyo dhediga ama si kale aan u idhaahdoe ninka guurdoonka ah
iyo gayaan dumar, xidhiidhkan ayaa ah mid is-barasho, is-haybasasho iyo
is-dareensiin guur.
Isbarashada ama xidhiidhkan
shukaansiga ah ayaa qofku dareemaa marka uu gaadho da’da dhalinyaronimada oo
jidhkiisu uu u diyaaryahay in uu helo dhamaystir dhanka nolosha iyo jinsiga ah,
muddada uu ku jiro wiil/gabadhu xulashada qofka kale ee uu nolosha la wadaagayo
ayaa looyaqaan Hasaawe ama shukaansi, ujeedada ay wadaagayaan raga iyo dumarku
mudadaas ay ku jiraan shukaansiguna gebo-gebada wuxuu ku dambeeyaa mid rumooba
ama mid ay kukala tagaan labada qof.
4.3. Siduu ahaa hasaawihii
dhalinyartii hore: Marka aan
ka hadlayno dhalinyartii hore waxaynu dib isku xasuusinaynaa sidii hore ee uu
ahaa dhaqanka somalidu marka la joogo xiliga hasaawaha iyo isbarashada ninka
iyo gabadha.
Xiligii nolosha somalidu ay u
badnayd xoolo dhaqashada iyo beer qodashada waxay wiilashu ama ragu, gabadha ku
xulan jireen dhawr arimood oo kala ah: Haybsasho – In ay ka dhalatay qoys magac
iyo gobonimo lugu yaqaan. Gaari – In ay tahay gabadh, gabdhaha qayrkeeda ah
boqolaal barood dheer, geyigana ka tilmaaman. Dhanka kale waxay raga guurdoonka
gabadha ay guursanayaan ka eegi jireen astaamo gaar ah oo hadii laga helo
gabadhaas guurkeeda ay iska deyn jireen sida: Sunbanimo(sunbo) – gabadh
xishoodkii ka tagatay. Dun aan fiicnayn -
hadii ay ka dhalatay qoys aan xidhiidh fiicnayna, iyaga oo ragaas
guurdoonka ahi aaminsanyihiin gabadhu waxay gurigii waalidkeed kala timaado
ayey gurigeeda ku dhaqaysaa.
Hadaba hadii aynu hoos ugu daadagno
hasaawihii dhalinyaradii hore ee somalidu siduu ahaa habkani wuxuu maraa dhawr
marxaladood. Goobaha isbarashada iyo kala warqaadashada waxaa kow ka ahaa
goobaha ciyaar gudka, ciyaar gudku waa goob rag iyo dumar iskugu yimadaan oo
isku weydaarsadaan heeso isbarasho iyo hasaawe iskugu jira, badanaana waxaa
ciyaaraha noocan ah raga guurdoonka ahi ka dul qabsadaan reeraha ay ku ogyihiin
in ay joogaan gabadho guurdoon ah oo qurux iyo dhabeelnimo isku darsaday.
LASOCO QAYBTA XIGTA
Tix-raac:
La soco Q14aad
ee Buuga “Dhalinyaradda Maanta” W/q: Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah
iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan
Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer
0 Comments