Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Maxamed Ibrahim Qabo Hogaamiyihii Midnimada iyo Horumarka Togdheer Q1aad W/q: Mr.Hamse Bashe Wiyeer

Dhalinyaradii soodhaweynta ka qayb qaatay oo ku asteeyey in Maxamed ibraahim yahay haldoor da’a ahaan dhalinyaro ah oo xambaarsan hamigii dhalinyarada reer togdheer.
.....................................................................Sii Akhri


Maxamed Ibrahim Qabo Hogaamiyihii Midnimada iyo Horumarka Togdheer Q1aad W/q: Mr.Hamse Bashe Wiyeer

Figure 1 Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo


Taarikh ahaan waxay ku beegnayad habeen khamiisi soo gelayso 23kii bisha febarwari ee sanadkii hore (23/12/2015) markii madaxweynaha Jamhuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, xilal uu isku bedelay u magacaabay Maxamed Ibrahim Qabo oo ahaa la-taliyihii madaxweynaha ee arimaha doorashooyinka, In uu Gadhwadeen(Badhasaab) u noqodo gobolka togdheer, oo ah gobol ay magaalo madax u tahay caasimada labaad ee Somalilland.
Haddaba shacabka gobolka togdheer ayaa maalintii badhasaab Maxamed qabo la magacaabay ilaa intuu ka imanaayey magaaladda burco, hadal haynta, hambalyada iyo dareeno xambaarsan soo dhaweeyn qofba qofka kale ugu dareen celinaayey.
Sababaha ugu waaweyn ee gaadhsiiyey gudoomiye Maxamed Ibraahim ilaa heer ay bulshadu raagsato imaatinkiisa burco ayaa ah tiro-ba dhawr qodob oo dawladnimada iyo horumarka kow ka ah sida:

1. Maxamed ibraahim qabo oo ah muddane leh khibrad iyo aqoon durugsan oo la xidhiidha maamul wanaaga iyo maamul daadejinta saxda ah.

2. Dhalinyaradii soodhaweynta ka qayb qaatay oo ku asteeyey in Maxamed ibraahim yahay haldoor da’a ahaan dhalinyaro ah oo xambaarsan hamigii dhalinyarada reer togdheer.

3. Salaadiinta iyo odayaasha burco oo gudoomiyaha cusub u aqoonsaday in uu yahay shakhsiga kaliya ee reer burco midaynkara, xili badhasaabadii ka horeeyey ay ka itaal roonaatay kala qoqobnaan ka jirtay gobolka.

4. Haweenka iyo hooyooyinka ku nool burco oo mush’xaradii iyo caleemii qoyanaa ee ay kusoo dhaweeyeen badhasaab Maxamed ibraahim qabo oo tilmaamaysay baahida ay u qabeen isbedel cusub oo guud ahaan gobolka gaar ahaan caasimada labaad ee burco ka hirgala.

5. Iyo guud ahaan waxgaradka burco oo u arkay in gudoomiyeyaashii gobolada ee madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo wuu xiligaas magacaabay ay iyagu nasiib u yesheen halyey ku sunntan qaranimada Somaliland.

Hadaba qodobadan oo ah wax qoraal aan lugu soo koobi karin ayaa ka dhigay Maxamed Ibraahim Qabo mid si dhoolo-cadayn iyo waji furnaan leh u fadhiista xafiiskii loogu talo galay in uu xilka saran ku guto.

Horaa loo yidhi “Wixii rag ku tashado, rabina la garab galo, way rumoobaan” gudoomiye Qabo wuxuu la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka gobolka, si uu u ogaado ilaa heerka ay gaadhsiisantahay nabadgelyada, horumarka iyo ilaha dhaqaale ee gobolku leeyahay; isla markaana uu u helo meel fiican oo uu waxqabad la taaban karo ka bilaabo, kulankanina wuxuu keenay in uu sii xoojiyo hamigii reer togdheer ay ka qabeen gudoomiye Maxamed Ibraahim, sidoo kale waxay xaqiiqsadeen reer togdheer odhaahda somaliyeed ee tidhaahda “Far keli ahi fool ma dhaqado” ama “Isku duubnibay laba gacmood tamar ku yeeshaan” taas oo tusaale u ah in gudoomiyuhu keligii aanu horumar iyo isbedel keeni karin hadii bulshada gobolka aanu ka helin dhiirigelin iyo garab istaag.

……………………………………………….Lasoco Qaybta 2aad

Mr.Hamse Bashe Wiyeer
BBA-Accountant and Financer
Hargeysa/Somaliland


Post a Comment

0 Comments