Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Siddeed yoolkaaga uga dhigi kartaa mid rumooba???! Q.11aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Imakana aan tusaale u soo qaato odhaah ama halku-dhig laga dhaxlay mid kamid ah madaxdii ugu madaxa adkayd ee soo maray dalalka yurub waa Hidlar(Adof Hitler), hogaamiyihii Jarmalka, sidoo kale ahaa hogaamiyihii xisbigii Naasiga muddadii u dhaxaysay 1934-1945, maalin maalmaha ka mid ah isaga oo khudbad u jeedinaaya dhalinyaradii dalkiisa ayuu yidhi Nin labaatan jir ah (20 sano) oo Jarmal ah oo wax rumaysan oo wuxuu rumaysan yahay inuu gaadho aan doonaynin,




Siddeed yoolkaaga uga dhigi kartaa mid rumooba???! Q.11aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Inaga oo kusoo dhex jirnay sida loo meeleeyo ujeedooyinka aad hiigsanaysid in idamka Eebe aad gaadhid, waxaa inoogu dambeeyey tusaalooyinkii dadkii wanaagsanaa iyo asxaabtii rasuulka oo u ahaa tusmo hadafka/yoolka waaritaanka ama aan dhamaanahayn oo ay gaadheen badi. Imakana aan tusaale u soo qaato odhaah ama halku-dhig laga dhaxlay mid kamid ah madaxdii ugu madaxa adkayd ee soo maray dalalka yurub waa Hidlar(Adof Hitler), hogaamiyihii Jarmalka, sidoo kale ahaa hogaamiyihii xisbigii Naasiga muddadii u dhaxaysay 1934-1945, maalin maalmaha ka mid ah isaga oo khudbad u jeedinaaya dhalinyaradii dalkiisa ayuu yidhi “Nin labaatan jir ah (20 sano) oo Jarmal ah oo wax rumaysan oo wuxuu rumaysan yahay inuu gaadho aan doonaynin, nolosha xaq uma laha ee hala dilo oo aduunka hala dhaafiyo”.

Siddeed Yoolkaaga/Ididiiladaada/hamigaaga Ku Xaqiijin kartaa.

1.      Hakuu cadaado yoolkaagu(Hamigaagu): Yoolka aad hiigsanaysaa ha noqodo mid sida cadceeda kuugu muuqda isla markaan aad arki kartid kurtin iyo kufid inta kaaga sokeysa ee ay tahay in aad ka gudibtid, ha noqodo hamiga iyo yoolka aad hiigsanaysaa mid sida khadaabka dumarka (Xinaha gacmaha) ugu xardhaan gacmahooda ugu xardhan qalbigaaga. Hoo oo iga gudoon hadalkan laga qoray mid kamid ah dadkii wanaagsanaa oo ha inoo noqodo tusaale “Qofka dhibsada inuu buuraha fanto(fuulo), Waligii iyo allihii godadka ayuu ku noolaadaa oo kama dhex baxo”.

2.     Ididiilo Sare la kaalay: laba mid uunbay noqon kartaa Ididiilo sare la kaalay, waa in ugu horeyntaba aad yeelato yool iyo hami sare oo u baahan wakhti iyo dedaal ee aanu kaa noqon mid laba caano-maal gudahood ku idlaanaya(dhamaanaya), ama aan idhaahdo waa si aad hamigaas/hadafkaas amaba yoolkaas sida cadceeda kuugu cad, in ay jiraan ujeedooyin kale oo ku gaadhsiin kara hamigaaga sare, sida jaranjarada salaanka oo kale oo midba mid kuu dhiibayso.

3.     Dhibatooyinka hortaada yaala ha dhibsanin (samir): waa xaqiiq oo waa hubaal in qof kasta oo leh hami iyo hiigsasho sare in uu u mari doono si uu u gaadho guushaas rafaad iyo daal, mar waad siibani, kufi, oo laga yaabee in laf dhabarta aad ka jabtid, ha dhibsani oo ogow wax kasta oo kusoo foodsaaraa in ay yihiin qodxihii (qocandhadii) ka horeysay ididiiladii aad lahayd, u dulqaadashada iyo u adkaysashadeeduna ay tahay in aad gaadhi ujeedadii/hamigii iyo ididiiladii aad hiigsanaysay mudada badan.

4.     Qorshee (khadee): Qorshee oo xariiq dheer jeex isla markaana qayb-qaybi oo qaybkasta u qorshee in aad hawl iyo hiigsasho ku qabatid mudada aad ku dhex jirtid, qorshaynta ama khiddada waa in tusaale ahaan 12 bilood ee sanadku ka koobanyahay 4 bilood oo kasta ka midho dhaliya hami iyo ujeedo aad leedahay, xidhmo xidhmo u xidh wakhtigaaga iyo hamigaaga kadibna ku dedaal in aad is waafajisid/is qabadsiisid.

Akhriste qodobadaas aan soo sheegay hadii aad fahamtey wanaagsan hadii kale u fiirso oo aan kusoo afmeero qaybteenan tusaale si guud iyo si gaar ahba aad ugu fahmi karti [waa mid kamid ah culimadii wanaagsanayd ee Islaamka,  waa Damaqshari, Isaga oo ka hadlaaya mid kamid ah kitaabadiisii uu qoray waa kitaabkii uu u bixiyey “Kishaafi” “Ididiilooyinkaygii” ayuu hordhac uga dhigay kelmadan soosocota, wadaad yaroo gadhyar leh, oo baraf ka gubay lugtiisa isla markaana  dhutin jiray ayuu ahaa wuxuu yidhi isagoo naftiisa amaanaya iyo dedaalka uu gaadhay  “ Soojeedka habeenkii, ee aan waraaqahayga ka tumaayo boodhka, qalinkaygana aan ku qoraayo, ayaa iiga qiimo baddan gabadh ii xalaal ah oo cadar isasoo marisay, isku kaysoo qurxisa, galmada ama kulanka aan u galmoodo, Luxitaanka aan is luxo marka aan masalo(arin) xaliyo ayaa iiga qiimo badan qosol aan rag kula dhex jiro” Isaga oo weli kasii hadlaaya hamiga sare iyo dedaalka uu u baahanyahay, isla markaana u caqli celinaaya dadkii lodkiisa(da’adiisa) ahaa ee kula jiray meertadda nolosha ayuu yidhi “Waar habeen oo dhan baan soo jeedaa, adiguna waad khuurinaysaa hadhawna waxaad doonaysaa sidii aad iila tartami lahayd, oo meesha aan istaago u istaagi lahayd, halkaan ka hadlo aad ka hadli lahayd, habeen oo dhana waad khuurinaysaa aniguna waan soo jeedaa”].

Walaal Cilmi iyo sharaf gaadhi maysid, weligaana ka bixi maysid jaahilnimadda iyo aqoon la’aanta ilaa lix arimood lagaa helo oo kala ah:
1.       Maskax badnaan - noqo qof maskax badan.
2.     Qof ilaashanaya/ weelaynay in aad noqotid.
3.     Qof dedaal iyo hiigsasho sare leh.
4.     Qof quud (sahay cunto iy cabid)haysta.
5.     Inaad Macalin ku xidhantahay.
6.     Wakhtiga oo kuu dheeraada.

Tix-raac:
1.     Sheekh Almis  Sheekh  Yaxya ----- Muxaadarada  Qeex Hadafkaaga.
La soco Q12aad ee Buuga “Dhalinyaradda Maanta” W/q: Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer
Ama Bookho barta Internetka Ee Qoraaga www.wiyeeryare.blogspot.com


Post a Comment

0 Comments