Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Siduu ahaa hasaawihii dhalinyartii hore Q.14aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Hadaynu milicsano Mala awaal dhex maraya laba dhalinyaro ah oo Muuqaal ahaan wakhtigaa jooga, markan waxaa loo badnaa Reer guuraa iyo xolo dhaqato,


Siduu ahaa hasaawihii dhalinyartii hore Q.14aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)
Goobaha isbarashada iyo kala warqaadashada waxaa kow ka ahaa goobaha ciyaar gudka, ciyaar gudku waa goob rag iyo dumar iskugu yimadaan oo isku weydaarsadaan heeso isbarasho iyo hasaawe iskugu jira, badanaana waxaa ciyaaraha noocan ah raga guurdoonka ahi ka dul qabsadaan reeraha ay ku ogyihiin in ay joogaan gabadho guurdoon ah oo qurux iyo dhabeelnimo isku darsaday.
Hadaynu milicsano Mala awaal dhex maraya laba dhalinyaro ah oo Muuqaal ahaan wakhtigaa jooga, markan waxaa loo badnaa Reer guuraa iyo xolo dhaqato,

Waligiiba nin doob ahi dilaac maaganuu ahaaye ninkan inanta daymoonayaa waa gadh yare waana Geel xer aan Gurigoodii joogin inantuna waxay la baxday Geenyo oo laga furfuri waayay.wuxuu ilaahay ku galaday Garaard,Aqoon.Qurux iyo garasho dheer,Waxaa lagu manaystay haybad iyo xishood cida heshaa nasiib badantahay.sida caadadu ahayd. kolka ay wada hasawayaan Wiilka iyo Gabadhu. waxa uu midba hareer iska taagi jiray geed, waxa lays dhaafsan jiray kaftan farabadan oo xigmadaysan,

Sida Hal xidhaale, Maah maaho, Sarbeeb iyo Duur xul. Iyadoo ay sababtu tahay in mid waliba ogaado ka kale heeraabta aragiisu halka ay gaadhsiisantahay.waxaan hadalka horqaadan jiray wiilka. waxuu gadhyare hadalkii ku furfurtay, hawaalo waran iyo halqabsi uu saaxiibkii gargaaroo ay halbootaalaha is layaqaaneen. hadhaw toole hordhigayo,Ismaaciil Jaamac nuur, gadhyare wuxuuna yidhi,
Ma ogtahay gargaaroow
Aduunyadan gabaabsidayee
Dhaqankeedii gabashiyay,
Shalay inan gadiidkii
Gabadhaan ku soo baxay
Galool diiranaysoo,
Gudinay ku goysiyo
Gaaleefna sidatoo,
Xadhigii giraanayee
Sida goodka duubnaana
Gacanteeda bidixiyo
Garabka ugu raranyahay,
Waa warsan iyo wacaal aanu saaxiibkii ogoyn oo uu siinayo, waxaanu usoo koobay sifihii inanta iyo sidii ay ahayd,markuu warka madaxdiisa siiyana wuxuu uga gudbayaa in uu halyaynimadiisa muujiyo inantiina uu ka waramo sida hufan ee uu ula hadlay iyo siday isu haleeleen,salaan uu qof garanayaa inuu gudoomayo ogyahay ayuu ku hubsanayaa.kadibna wuxuu waydiinayaa halka ay katimi iyo gurigoodii,
Aniguna ma geesmarine
Socodkaygii gaabsadayoo
U gudbiyay salaanoo
Iyadauna gudoonsatayoo,
Waxan idhi gargaaroow
Gabadhyahay garayskiyo
Googarada culusiyo
Go a wali hagoogani
Geestaad ka timi iyo
Guri dhigiinii ii sheeg,
Iyadii ayaa hadalkii qadanaysa una sheegaysa inuu halkan dhaw ee hugunku ka baxayo ay ka soo hinqatay. waliba waxay u qaadatay in Wiilka gaajiyo haraad wadaan oo uu guriga uun doonayo. waxayna u sheegaysaa in wakhti fiicana layskaga jiro, oo aanu hungoobay hadii uu raaco,

Gurxanka aad maqlaysiyo
Guriganaan ka soo baxaye
Inna keen ku geeyee
Xiliguna gu weeyee,

Dhalinyarada wakhtigaa joogtay waxay ka sinaayeen xishoodka Rag iyo Dumarba. waxaa ceeb ahayd in qof dhalin yaro ahi cid martiyo.wuxuuna u sheegayaa inaanu oon iyo oomato toona tawanayn heelkan la joogo ee uu ka gudoomay balse ay haybteeda iyo ciday tahay isu sheegto in lays haybsadaa ceeb ma ahayn ee waaba laysku garan jiray.iyadaan xumaatiyo xasard toona looga jeedin wuxuuna yidhi.
Kaa gaysan gabadhyahaye
Naa maan ihi nin goolmoonoo
Gubashiyo haraad qaba e
Waxan ahay horsed geele
Haybtiina guudiyo
Gacalkaana ii sheeg,
Iyada ayaana u qiraysa arintaa waxanay u sheegaysaa sumadii geelooda oo ay leedahay ku garo haybtayda.waana arin muujinaysa qaranimada inanta garaad dheerida iyo gosha ay u socotay,
 
Haybsigu gartaa weeyoo
Gobbay caadadeed tahaye
Ama garo ama hagaranoo
Gololaanu leenahayoo
Geelayaga u gumaraa,
LASOCO QAYBTA XIGTA

Tix-raac:  Cabdiraxmaan Maxamed Cali ubaxle ………….Hasaawihii hore

La soco Q15aad ee Buuga “Dhalinyaradda Maanta” W/q: Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer
Ama Bookho barta Internetka Ee Qoraaga www.wiyeeryare.blogspot.com



Post a Comment

0 Comments