Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Q25aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta

Guurka kadib Maxaa laga Rabaa Ninka   Q.25aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Sida uu imaam Abuu Xaamid Al-Gasaali (Eebbe ha’u naxariisto eh) ku qoray kitaabkiisii (Ixyaa’ Culuumid-Diin), ninku kolka uu guursanayo, waxaa waajib ku ah inuu fiiro u yeesho, ushana dhexda u qabto laba iyo toban arrimood oo muhiim ah, kalana ah:
1.          Edeb uu kula dhaqmo iyo dhibkeeduu u dulqaato:-  Ninku kolka uu guursado waxaa laga doonayaa inuu wax ka beddelo dhaqankiisa iyo akhlaaqdiisa, kana gudbo dhallinyaranimadii iyo fowdadii uu ku noolaan jiray kolkuu naftiisa uun mas’uul ka ahaa, uuna is dareensiiyo in fal kasta oo ka dhacaa uu saameynayo la-wadaagaha cusub ee noloshiisa.

2.      Dulqaadka oo uu ugu daro kaftan iyo faraciyaar:- Kaftanka iyo faracayaarku way farxad geliyaan dumarka, Rasuulkuna (Sallallaahu calayhi wasallam) wuu la kaftami jiray haweenkiisa. Waxa la weriyey inuu Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) la orotami jiray Caa’ishah (RC) oo ay marna ka orodbadin jirtay, markuu asagu ka orodbadiyana dhihi jiray tii hore u qaado. Haddaba ninka waxaa laga doonayaa in kolkuu haweeneydiisa la joogo iska bi’iyo adadayga, ulana ciyaaro sidii inu carruur yahay, kolkuuse ragga dhexjoogo muujiyo ragannimadii looga bartay.

3.      Inaanu ku talaxtegin kaftanka iyo faricayaarka:- Waa inaanu jilayciisa iyo faracayaarkiisu noqon kuwii edebdarro islaanta bara, gaarsiiyana heer ay isagiiba qiimayn weydo, maxaa yeelay wax kasta oo xadkooda dhaafaa lidkooday isu beddelaan. Haddaba waa inuu (sida dhakhtarkuba daawada ugu qiyaaso qofka uu dabiibayo) xaaskiisa u jilicsanaadaa, ha yeeshee jeexdaa xuduud aanay ka gudbi karin, si aanay dembi ugu xambaarin ama ragannimadiisa u xaqirin.

4.       Masayr dhexdhexaad ah:- Waa inaanu ninku ka seexan arrimaha khatartooda leh, isla markaasina waa inaanu ka shakiyin wax kasta, iskuna deyin inuu ka salgaaro saqiir iyo kabiir. Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) kol uu safar ka yimid welina aanu magaalada soogelin, waxa uu amar ku bixiyey inaan dumarka habeennimo guryaha loo garaacin, laba nin oo amarkiisa ka tallaabsadayna kolkay guryahoodii tageen waxay ku arkeen “wax aanay jecleysan”. Masayrku waa wax loo baahan yahay, oo waa inaanu ninku u deyn inay wax waliba u dhacaan siday doonaan. Bal ila eega xadiiskaan: Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) waxa uu yiri: (Habeenkii la’i dheelmiyey waxaan Jannada ku arkay guri weyn ooy daaraddiisa jaariyadi joogto, markaas baan iri: “Yaa iska leh gurigaan?”, waxana la’i yiri: “Cumar baa iska leh”, kolkaas baan damcay inaan eego dhexdiisa, waxase aan soo xusuustay masayrkaaga Cumarow). Markaasuu Cumar ooyay isagoo leh: (Ma adigaan kaa masayrayaa Rasuulkii Allow). Diinteenna Islaamku waxa ay qabtaa inaanay haweneydu gurigeeda ka bixin haddaanay ninkeeda amar ka haysan, kolka ay baxaysana ay jirto arrin muhiim ah oo kalliftay bixitaankaasi.

5.      Marasho iyo Masruuf dhexdhexaad ah:- Ninku waa inaanu xaaskiisa baahi iyo arrad ku dilin, isla markaasina waa inaanu ku cayaarin maalka Eebbe siiyey. Ilaah waxa uu Aayaddiisa ku yiri: (Cuna oo caba hana ku cayaarina, Eebbe ma jecla kuwa xoolohooda ku cayaara eh) (Suurat Al-Israa:29). (Gacantaadana luqunta haku xiran hana wada kala bixin). Micnaha Aayaddu waxa weeye, war bakhiilnimada badanna iska daa, xoolahaagana bidix iyo midig ha’u daadin. Rasuulku (Sallallaahu calayhi wasallam) wuxuu yiri: (Diinaar aad Eebbe jidkiis “Jihaad” ku bixisay, diinaar aad Addoon xorayntiisa loogu haysto siisay, diinnaar aad ruux sabool ah ku saddaqaysatay iyo diinaar aad xaaskaaga siisay, waxaa ugu ajar badan ka aad xaaskaaga siisay). Xadiiska waxaa soo saaray Muslim waxaana laga weriyey Abuu Hureyra.

6.       Baadhis iyo barasho arrimaha la xidhiidha Caadada:- Waa inuu xaaskiisa baraa Caadada iyo waxyaabaha ka dhalan kara, gaar ahaan kuwa la xidhiidha nadaafadda iyo salaadda siday u qallayn lahayd. Waa inuu u sheegaa in hadduu dhiiggu ka istaago salaadda Maqrib kahor hal rakco intii laga tukadaba ha noqotee, ay markaasi waajib ku tahay inay qallayso salaaddii Duhur iyo tii Casir ee tegey, hadduu dhiiggu ka joogsadana salaadda Subax waxyar kahor ay markaasi waajib ku tahay inay qallayso salaaddii Maqrib iyo tii Cishe labadaba. Haddii haddaba ninku aanu hawlahaasi garanayn waa inuu culimada soo weydiiyaa dabeetana iyada gaarsiiyaa amaba ay labadoodu isu raacaan, marnabase lama oggola inay keligeed  iska baxdo iyadoon amar isaga ka haysan. Waxa kale oo jira in dadka aqoontoodu gaaban tahay qaarkood ay khuraafaad iyo kutiri-kuteen ka aaminsan yihiin dhiigga Caadada, waxyaabahaasi oo dhanna waa inuu kala dagaallamaa xaaskiisa.

7.      Dumarka badan oo uu caddaalad wax ugu qaybiyo:- Ninku hadduu dhowr xaas qabo, waa inuu si caddaaladi ku jirto wax ugu qaybiyo. Kolkuu dal kale amaba deegaan kale u safrayo, doonayana inuu mid kamid ah dumarkiisa sii kaxaysto, waa inuu u qori tuuraa sida uu Rasuulkuba (Sallallaahu calayhi wasallam) yeeli jiray. Haddii habeen uu middood la baryi lahaa ka baaqdana, waxa ku waajib ah inuu dib uga gudo. Rasuulkeenna suubbani (Sallallaahu calayhi wasallam) kolkuu xanuunsanaa ooy ajashiisii soo dhowaatay, waxaa lagu wareejin jiray oo uu midba habeen la baryi jiray dumarkiisa, inkastoo uu Caa’ishah ugu jeclaa. Isagoo xaalkiisu sidaa yahay buu maalin weydiiyey dumarkii: (Xaggeen ahay berrito?), markaas midbaa garatay ulajeeddadiisa oo tiri: “Wuxuuu doonayaa inuu idin weydiiyo maalintii Caa’ishah waa goorma”. Haweenkii kolkaas bay yiraahdeen: “Rasuulkii Allow idan baan kuu siinnay inaad guriga Caa’ishah iska joogto maxaa yeelay waa kugu dhib in habeen walba meel laguu xambaaro”, markaas buu yiri: “Ma raalli baad ka tihiin sidaas”, say yiraahdeen: “Haah”, markaas buu yiri: “Ii duwa gurigii Caa’isho”.


LASOCO QAYBTA XIGTA

Tix-raac: Qoraal iyo warbixino hore looga qoray mawduucan
La soco Q26aad ee Buuga “Dhalinyaradda Maanta” W/q: Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer
Ama Bookho barta Internetka Ee Qoraaga www.wiyeeryare.blogspot.com


Post a Comment

0 Comments