Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Maxay Abwaanadii Hore Ee Dhulka Somalidu Ka yidhaahdeen Guurka iyo Guursashada.  Q.29aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

Ga’da gabayga guuroowga iyo tirinta geeraarka
Ma gorfeyninoo waayahaan waan ka gaabsadaye
Ma dhex galininoo guud ahaan gooyayoo nacaye
Ha yeeshee gibbaan maahi aan garasha dheereyne
Gal xareed sidii baan ahoon go’id ka yaabeynoo
Ga’da gabay gugeygoo yarbuu guulle ii furaye.
Galabtana waxaan doonayaa in aan ku geeraaro
Ama guurka aan kala talshaa wiilka geelle ahe.

Maxay Abwaanadii Hore Ee Dhulka Somalidu Ka yidhaahdeen Guurka iyo Guursashada.  Q.29aad Ee Buuga Dhalinyarada Maanta W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)
2. TALO GUUR DOON
gabaygay waxa tirshay Abwaan Maxamed Fadhin, wuxuu kaga faalloon guurka iyo qiimigiisa, wuxuu murtiyaynayaa sababaha iyo ujeediyo, wuxuuna raacraacinayaa talooyin iyo tusaalayaa,
Wuxuu yidhi
Ga’da gabayga guuroowga iyo tirinta geeraarka
Ma gorfeyninoo waayahaan waan ka gaabsadaye
Ma dhex galininoo guud ahaan gooyayoo nacaye
Ha yeeshee gibbaan maahi aan garasha dheereyne
Gal xareed sidii baan ahoon go’id ka yaabeynoo
Ga’da gabay gugeygoo yarbuu guulle ii furaye.
Galabtana waxaan doonayaa in aan ku geeraaro
Ama guurka aan kala talshaa wiilka geelle ahe.
Haddii aad go’aan qaadatoo guurba aad damacdo
Inta aadan galinbaa gudboon inaad gorfeysaaye
Ood gunteeda baartaa waxaad damacday geeloowe
Ninkii kaa gu’ weyn iyo ninkii garasha kaa dheer leh
Iyo geedka kii tagi jiriyo goobihii kulanka
Iyo kii hortaa guursadaa qeyb la galiyaaye
Oo go’aanka aad damacsantahay lala gorfeeyaaye
Anna galabtabaan soo gudbiyi garashadeydiiye
Kala garo wixii kugu gafiyo wixii gudboonkaa ah
Gabar dhawr tilmaamood ayaa sababa guurkeede
Midbaa quruxda loo guursadaa laguna goobtaaye
Midna magaca qooskey gashey guur ku mudataaye
Midna gunudda ey heysatuu kaa galaa damace
Midna waxaa gayaankaa ka dhiga garasho diimeede
Geelow si gaara u ogaw tan u gadaaleysa
Gurigaaga yey galin haddeey gabari diin beesho
Gayaankaaga maahee ka durug gabi ahaanteeda
Gaduudkeeda how arag iney guur ku mudaneyso
Garaaryihiyo laafyaha hadayin galab caraawgeeda
Codka leysku suuq galinayaa ha u galiilyoonin
Tolkeedaa ahaa geesiyaal yeyna kugu gaadin
Gammaan farasyo geelbey qabaan gariyo giir toona
Yaan lagugu soo galin haddey garasho diin weeydo
Gani lacagyo gunud howgu xilan qiimo gaar malehe
Haddey galab kastaa wiil dhashiyo gabar midkaad doonto
Misna guulle diintuu nafaray garab martoo diiddo
Marna guri qabow iyo inaad sama ku gaareyso
Geellow hasugin taa horaa looga uur go’aye
Haddaad diini guri raaxaloo aan dhib kugu gaarin
Iyo guur wanaagiisa iyo gogol macaankeeda
Iyo gibil asturan oon rag kale gaarin aragiisu
Iyo hadalka oo gaabanoon dariska gaareynin
Iyo guud wixii aad fartaba gabar adeeceysa
Oon dibada gaareyninoo joogi gurigeeda
Oo goorti aad fiirisaba garan muraadkaaga
oo gacan ku siinee haddii dhibi ku soo gaaro
Oo guulahey kaaga barin in uu ku guuleeyo
Oo aan maseyr galin haddii guurka aad badiso
Oo goor walbaba raali ku ah guulle wuxuu keeno
Oo aan ganbiyo kala jecleyn gani midkaad siiso
Oon biilki wuu go’ay laheyn amase wuu gaabtay
Oo guriga gole diin ka dhigi gibi ahaantiisa
Ku gardaadin guud ubadka oo diinta garansiini
Geellow waxaa laga helaa gabar taqaan diine
Kala garo wixii kugu gafiyo wixii gudboonkaa ah
Guri wacan gabdhiyo wiilal badan diinta garanaaya
Oo guulle tii uu nafaray goor walba u taagan
Oo goorta leylkii saqdhexe sama ku gaaraaya
Oon gama’ hameenkii aqoon gabal yar mooyaane
Oo kheyr ku guda jira iyagu goor walbood aragto
Oo maalka gacantooda galay aan gadaal marinin
Ee goobuhuu faray sharcigu ugu gargaaraaya
Oo guud qaraabada xafida oon midnaba gooynin
Oo aan macaasida dhex galin garabna aan siinin
Oo quraanka garan gabarya wiil oon ku kala gaabin
Oo heer ka gaaroo sunada goor walba ilaalsha
Oon gadanin diintoodi oon gaala raac noqonin
Oon goobti uu kheeyr ka jiro goorna laga waayin
Geellow waxaa laga helaa gabar taqaan diine
Kala garo wixii kugu gafiyo wixii gudboonkaa ah
Tusaalooyin gaagaabanbaan soo gudbinayaaye
Nuxurkooda garo geelle waad garasha dheereede
Waxaa badan gaduud miro ah oon timirta gaareyne
Gabalkooda badanina sun yahay bari ma gaartaaye
Oo aan dadkuna garan kareyn gabal yar mooyaane
Waxaa badan sun gibilkeeda sare malabka giirkiis leh
Oo gooyn naftoo idil markaad gacan la aadaaye
Waxaa badan mas iyo good markaad giirka sare eegto
Ul garuuna loo moodo iyo geel kaxeys wacane
Markaad gacan u qaadana khatari kula gudboonaane
Waxaa badan gawaan aad is oran waa xareed galahe
Markaad goobti gaartana hadhoow waa galaangaline
Waxaa badan gammaan faras ahoo guri markaad joogto
Galeyrka iyo haadda u dhigmoon cidina gaareyne
Goortii xaqiiq loo gudbiyo cadawga goobtiina
Gidaadaaya oon gara riyeed qiimaheed galine
Waxaa badan nin aad gacal u qabi gaalna kaa necebe
Oo godkaadi soo qoday misana gowrac kuu raba’e
Hashii boowdo ey kala go’dee golaha aan dhaafin
Geeley ka tahay kow markey gaarto fiidnimo’e
Subaxdiina golahey ku hari geeli oo tagaye
Libaax oo lawada garan qawida guulle ugu deeqay
Iyo guluf dawaco goorti aad sheeka soo galiso
Duur joog guruubkeeda bey wada galaayaane
Mid waliba wuxuu galena waad garan kareysaaye
Waxba hadalku yuu ila gudbine waan gunaanadiye
Tusaalooyinkaa soo gudbaye gaarya maqalkaaga
Iyo kuwaan kasoo gaabsadee aanan wali gaarin
Waxaan uga golleyahay kolley garatay geellowe
Gabar dumarna saa weeye oo gabalba waa ceyne
Nin walibana geedkuu fashuu goosan mirihiise
Inta aadan gabi dheer ka dhicin gaararka u fiirso
Oo midab inaad goobto yuu noqon go’aankaagu
Oo garo wixii kugu gafiyo wixii gudboonkaa ah.

LASOCO QAYBTA XIGTA

Tix-raac: Qoraal iyo warbixino hore looga qoray mawduucan – Abwaanadii hore
La soco Q30aad ee Buuga “Dhalinyaradda Maanta” W/q: Hamse Wiyeer, wixii Talo iyo Tusaale ah iigusoo hagaaji Ciwaanka Xamse18@gmail.com Ama degalka aan Facebookga ku isticmaalo www.facebook.com/Wiyeeer
Ama Bookho barta Internetka Ee Qoraaga www.wiyeeryare.blogspot.com


Post a Comment

0 Comments