Run
ahaantii ilaa mudadii ay qaraxday colaadii ka dhex bilaamatay labada
qoomiyadood ee Soomaalida Iyo Oromada ee Dalka Itoobiya, saameyn iyo waxyeelo
ayey soo gaadhsiisay dal iyo dad aan lugu ku lahayn colaadaas.
Guud ahaan magaalooyinka Somaliland, maalmahan colaadu ka
jirtay Itoobiya, ee ay ku dagaalamayeen labada qoomiyadood ee Soomaalida iyo
Oromadu waxaa gebi ahaanba go’ay waxsoosaarkii Itoobiya ee soogeli jiray
Somaliland, inta badan warbaahinta gudaha Somaliland waxay tebinaysay oo si
faahfaahsan uga hadlaysay Qaadka ama Jaadka oo kamid ah waxsoosaarka Oromada ee
gebi ahaanba ka istaagay gudaha Somaliland, taasi waa mid khusaysa ama saameyn
ku yeelatay dadkii qabatimay qaadka hawadaayga ee Itoobiya, laakiin waxaa jira
waxsoosaaro kale oo guud ahaan ka istaagay suuqyada Somaliland kuwaas oo
daruuri u ah nolosha iyo jiritaanka bin-aadamka, ilaa intii uu xidhnaa xuduudka
Somalida iyo Oromadu waxaa gudaha Somaliland laga isticmaalayey waxsoosaar
dhanka khudarad ah oo aan tiro badnayn oo kasoo baxay dalka gudihiisa gaar
ahaan gobolada galbeedka oo ku fiican waxsoosaarka.
Suuqyada Hargeysa waxaa si weyn looga dareemayaa yaraanta
ama kala go’a inta badan khudaartii lugu iibin jiray suuqyada ee lugu samaysan
jiray cuntooyinka wakhtiyada kala duwan. Mar aan khudaar yaraanta wax ka
weydiiyey qaar kamid ah hudheelada laga cunteeyo waxay tilmaameen in dalka
gudihiisa aan wax tiro leh aan lagasoo saarin, taas badalkeedana inta badan
khudaarta qaydhin iyo khudaarta bisil labaduba kayimadaan dalka Itoobiya gaar
ahaan deegaanada qoomiyada Oromada, Tani waxay tusaale u tahay dal iyo dad ku
tiirsan nolol ahaan dal iyo dad kale.
Tusaale: Inta badan cuntooyinka daruuriga ah ee laga cuno
gudaha Somaliland waa Bariis, baasto, garow, canjeero iyo hilib. Bariiska iyo
baastadu waxay kasoo degaan dekeda Berbera oo waxay kayimamdaan wadamo kale,
Khudaarta sida Xabuubta (yaanyada), Barandhada, Kaabashka, Qajida, Basasha,
Toona iyo wixii lamid ahiba inta badan waxay ka yimadaan Itoobiya oo hadda
waxay galeen hakad kaga yimi colaada ka dhex taagan qoomiyadaha Oromada iyo
Soomaalida, sidoo kale waxaa hadda hakad ku yimi oo gebi ahaanba istaagay
Khudaarta macmacaan ee bisil, sida liin macaanta, muuska, afo-kaadhada, canbaha
iyo in kale oo badan.
Hadaba su’aashu miyaanay ahayn siday noqon doontaa hadii ay
Itoobiya gebi ahaanba inaga jarto waxsoosaarkeeda ay inoosoo dhoofiso? Ma waxaa
ina kaafiyaaya oo aynu ku noolaan karnaa wax yar oo deegaano yaryar aynu ka
beernay oo aynaan si fiican uga faaidaysan ama aynaan u tayeynin?
Mar nin aanu saaxiib nahay oo waxbarasho u joogay dalka
Itoobiya aanu mar is wareysaneynay waxa uu igu yidhi hadal runtii aad iiga
yaabiyey kaas oo ah in dadka Oromada ama Itoobiyaanku ku maahmaahaan “ 70 ka
Milyan ee Itoobiyaanka ah waxaa ka dhaqaale badan 3 milyan ee Hargeysa ku nool”,
sida aan u yaabay adiguna ha u yaabin waayo Qaadka iyo khudaartuba waxay inooga
yimadaan Itoobiya.
Ceeb iyo caydh ayey inugu tahay in dad tiro ahaan aad u yar
oo aan gaadheyn 5 milyan aanay lasoo bixi Karin wixii ay ku noolaan lahaayeen,
bil hadii laga xidho dekeda iyo xuduudahana ay gebi ahaanba Illahay oo meel
kale ka quudiya mooyaan ay dhindhimanayaan.
Fadlan akhristayaal, muwadiniinta sharafta leh aynu usoo
jeedsano dalkeena oo aynu ka faaidaysano raxmaadka rabi ee Eebe inugu manaystay
abaar dheer kadib, maanta meelo badan oo dalkeena ah waxaa wadhan biyaha iyo
xareeda, ee aynu ka faaidaysano oo aynu noqon dad waxsoosaar leh oo aan ku
fikirin maxaynu cunaa oo keliya.
Mahadsanid
Wa-bilaahi Tawfiiq
Saxafi
/Qoraa Madax banaan.
Mr.Hamse
Bashe (Wiyeer-yare)
E-mail: Xamse18@gmail.com
Hargeysa/Somaliland
0 Comments