Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Faa’iiddad Ololaha Waxaa Kabadan Khasaaraha Uu Gaadhsiinayo Dhaqanka Suuban Ee Diinta Iyo Dhaqaallaha Bulshadda. W/q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)


Hordhac: Aniga oo aan marnaba jecelayn in aan ku dhex milmo siyaasadda xisbiyadda ee reeraha ku dhisana, isla markaana aan hal mar la iga maqlayn in xisbi hebel la taageero ama la doorto, weliba waxa taas dheer wakhtiyadda doorashadda oo xamaasada iyo kacsanaanta xisbiyadu iska sarayso, in haddan wixii wanaag iyo horumar iila muuqda, bulshadda inta wanaaga iyo horumarka dalka iyo dadkaba jecelina ila arkayaan in aan wax ka tilmaamo.

Hadii aan hoos ugu soo daadego qormadan aan u bixiyey “Faaiiddada ololaha waxaa ka badan khasaaraha uu gaadhsiinayo Dhaqanka suuban ee Diinta iyo Dhaqaallaha Bulshadda”, sida aynu wada ognahay waxaa maalintii sabtida ahayd ee 21-aktobar-2017 si
rasmi ah uga bilaamay guud ahaan gobolada iyo magaalooyinka Somaliland ololihii doorashada madaxweynaha mustaqbalka dhaw ee Jamhuuriyadda barakaysan ee Somaliland, sida gudida koomishanka qaranka ee maamulka doorashooyinka gacanta ku hayaa waxay sheegeen in ololaha u mudeeyeen 21 beri oo 7 beri oo kasta uu leeyahay xisbi kamid ah xisbiyadda sadexda ah ee ka qayb gelaaya doorashada.

Ololaha doorashadu waa baaq ay soo bandhigaan xisbiyadu si ay ugu helaan taageero iyo cudud ay ku hantiyi karaan madaxtinimadda dalka, hogaamiyeyaasha xisbiyada gaar ahaan musharixiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu ay usoo bandhigaa bulshadaas iyo taageerayashaas isasoo urursaday habka ay dalka u maamulayaan iyo horumarka ay gaadhsiinayyaan.

Inta badan Ololaha doorashooyinka waxaa 90% boqolkiiba sagaashan ka qayb qaata bulshado u badan dhalinyaro iskugu jirta Rag iyo Dumar, waxaana sida la ogyahay kuyar bulshada inta odayaasha ah, sidoo kale dhalinyarta raga iyo dumarka ah waxa kale oo kujira, oo ah kuwa ugu badan inta aan waxbarasho ama shaqo ay ku mashquulaan aan haysan ee bulshada kamidka ah.
Ololahu inta uu socodo waxaa maalin kasta awoodiisa iyo cududiisa taageero ee uu dalka ku dhex haysto soo bandhiga xisbi gaar ah oo kamid ah xisbiyadaas saddexda ah, cududaas waxay xisbiyadu ku bixyaan lacag iyo hanta badan sida gaadiidka ololaha oo aad u badan, calamadda iyo astaamaha musharixiinta ama xisbiyadda oo aad u badan, cod baahiyayaal aad u badan iyo lacag badan oo lugu bixiyo hudheelada iyo goobaha la iskugusoo baxayo.
Hadii aan laba qodob u kala qaado qormadan, aan marka  hore ka hadlo faaidada ololuhu u leeyahay Xisbiyada iyo Bulshada labadaba, qodobka labaadna waxaan kaga hadli doonaa faa’ido darida uu ololuhu u leeyahay Bulshada gaar ahaan Dhaqanka iyo Dhaqaalaha.

Faa’iidadda Ololahu u leeyahay Xisbiyadda Iyo Bulshada taageerayasha u ah:
Faa’idadda Xisbiyadda uu u leeyahay:
1.      Ololaha marka laga hadlaayo wuxuu faaiido buuxda u leeyahay xisbiga qabanaaya iyo musharaxiintiisa u tartamaaya madaxtinmada Dalka.
2.      Ololuhu waa goob ay musharixiintu ku hantiyaan cudud iyo taageerayaal aad u badan, oo ay cod ka heli karaan maalinta doorashada.
3.      Ololuhu wuxuu xisbiyada u yahay goob ay ku gudbiyaan fikradaha iyo talooyinka ay kaga duwanyihiin musharaxiinta kale ee doorashada la tartamaaya.
4.      Ololaha waxay xisbiyaddu ka dhigtaan dhoola tus ay u muujiyaan xisbiyada kale iyo taageerayaashooda, waana goobta keliya ee ay iskugu faanaan xisbiyadu.
5.      Ololuhu waxa uu xisbigu uga faa’idadystaa in uu tageerayshiisa u faanno isla markaana waa goob uu musharuxu ku dhaliilo xisbiyada kale ee la tartamaaya.

Faa’idadda uu Bulshada u leeyahay:
1.      Ololuhu waa goob ay taageerayasha xisbigu kusoo bandhigaan taageeradooda ay la garab taaganyihiin xisbigaas iyo musharixiintiisa doorashadda.
2.      Ololuhu waa goob ay bulshadu gaar ahaan taageerayaasha xisbigaasi ku helaan fikradaha ay aaminsanyihiin musharaxiinta xisbiga ay taageerayaan iyo wax ay kaga duwanyihiin musharaxiintu kuwa xisbiyada kale u tartamaaya.
3.      Qayb kamid ah bulshada ololaha xisbiyada ka qayb gashaa waxay ka helaan lacag, taas oo musharaxiinta ama xisbiguba ku bixiyo sidii ay goobtaas u iman lahaayeen.
Hadii aan qodobadaas dhawrka ah ku dhaafo faaiidadda ololuhu u leeyahay Xisbiyada iyo Bulshada taageeraysa labadabba, bal aan eego dhanka kale faaiido darida uu ololuhu ku hayo Dhaqanka Iyo Dhaqaalaha, taas oo aan sheegay in faaidado darida Dhaqan dhaqaale ee ololuhu uu ka badanyahay inta uu doono faaidada ay Xisbiyada iyo taageerayaashu ka helayaan.

Faa’iido darida Ololaha  ku leeyahay Dhaqanka suuban ee Diinta iyo Dhaqaalaha soo kobcaaya ee Bulshadda.
Faa’iiddo darida Dhaqanka suuban iyo Diinta
1.      Ololuhu waa goob ay isku dhex galaan dhalinyaro aad u badan oo iskugu jira Rag iyo Dumar, taas oo aan diinta islaamka iyo dhaqanka suubani ogoleyn weliba si adag u xaaraantimeeyeen.
2.      Ololuhu waxa uu bulshada ka dhex dhaliyaa khilaaf iyo isku dhacyo ka yimaada taageeryaasha xisbiyadda, taas oo keeni karta in bulshadu isku nacdo.
3.      Ololuhu waxa uu beryihii u dambeeyey ka dhashay arimo inta badan wax laga weydiiyo culimadda diinta inoo xambaarsan oo ah “Sheekh meherku ma qabanayaa”, taas oo ah in Dhalinyarta labka iyo dhediga iskugu jirta ay ka dhex dhacaan falal aad u xun xun oo sino ah, taas oo aakhirka ku keenaysa in bulshada ay kudhex dhashaan caruur aan aabo lahayn.
4.      Dhalinyartu waxay xalaashadaan heesa, taas oo diintu inaga mamnuucday.
5.      Ololuhu wuu dhalinyarta iyo taageeryasha bulshada kamid ah ku keenaa Dhimasho iyo dhaawac culus kadib marka baabuurka ay daaqaddaha ka laad-laadaan iyo basaska buux dhaafshay ay galaan shil kedis ah.
6.      Ololuhu waxa uu bulshada ka lumiyaa wakhti aad u badan.
7.      Ololuhu wuxuu daal iyo diif ku reebaa qofka ka qayb qaadanaaya, taas oo marka dambe ee habeenkii ama wakhti kadib uu ka cawdo meel badan oo jidhkiisa kamid ah oo ay ku dheceen jug aanu ogeyn wakhtigii ay soo gaadheen.
8.      Buuqa Ololuhu wuxuu dhib ku hayaa, bulshada inteeda kale ee aan ka qayb qaadanahayn, waxay tageerayashu wadooyinka ka xidhaan gaadiidkii mari lahaa, waxay khalkhal iyo sahwi ku keenaan masaajidada ay ag marayaan, ama xafiisyadoodu ka agdhawyihiin.
9.      Ubadka uurka galay iyaga oo aan sharci ahayn oo keliya ayaa kabadan faaido kasta oo uu leeyahay Ololuhu, taas oo ceeb iyo cadho Eebbe lugu kasbaddo.
Faa’iiddo darida Dhaqaalaha Kobcaaya Ee Dalka.
1.      Ololaha waxa lugu bixiyaa lacag milaayiin ah, taas oo muddo yar gudaheed ku baabada ama ku dhamaata iyada oo aan la arkahayn wax muuqda oo lugu qabtay.
2.      Ololuhu waxa uu yareeyaa adeegyadii wax iibsiga iyo wax iibinta ee suuqyadda.
3.      Ololuhu waxa uu dhaqaalaha wadanka ka dhigaa mid aad hoos ugu dhaca, waxaana gebi ahaanba joogsadda mashaariicda waaweyn ee maalgashiga Dalka.
4.      Ololuhu waxa uu dhaliyaa burbur kuyimaada gaadiidka dadweynaha iyo kaabayaasha dhaqaale ee wadanka sida wadooyinka.
5.      Goobaha ganacsigu waxay maalmaha qaar u xidhmaan buuqa iyo isdhex yaaca bulshada ka qayb gelaysa ololaha xisbigaas ama musharaxaas kuwaas oo hal saacad oo ay xidhmaan kuwaaya dhaqaale badan oo soo geli lahaa.
6.      Waxa xidhma isku socodka bulshada caadiga ah ee aan ka qayb gelayn ololaha, taasoo ku keenta wakhti badan oo ay ka lumiyaan iyo isku socod la’aan.
7.      Ololuhu waxa uu khalkhal gelin karaa nabadgelyada isaga oo dhalin kara rabshado iyo iska hor imaad taageeryaasha iyo ciidanka nabad gelayadda.
8.      Ololuhu waxa uu khalkhal ku ridaa dadka salaadaha ku tukanaaya masaajidadda, taas oo ah arin aad u adag dhanka diinta, sidoo kale waxa uu xidhaa ganacsiga yaryar ee wadooyinka ay dadka danyarta ahi la fadhiyaan.



Afeef:Qormadan in aan ka hadlaa waxay igu dhalatay kedib markii aan waxbadan usoo joogay dhacdooyinka ololayaasha ee doorashooyinka dalkeena, sidoo kale markii aan la tashaday dad badan oo waxgarad iyo aqoonba leh.”
Soo jeedin: Qof kasta oo qormada ama mid lamid ah sii faafiyaa sida aan ku niyad sanahay waxa uu ka helayaa khayr iyo xasanaad badan oo aakhiro iyo aduunyoba ah, adiguna akhriste fadlan u gudbi bulshada kale si aynu uga qayb qaadano badbaadinta diinteena, bulshadeena iyo dalkeena horumarkiisa”.




Mahadsanid
Wa-bilaahi Tawfiiq
Saxafi /Qoraa Madax banaan.
Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
Hargeysa/Somaliland


Post a Comment

0 Comments