WAXBARASHO

Thursday, December 21, 2017

Dhegayso Qaar Kamid Ah Gabayadii Taariikhda Galay Ee Abwaan Faarax Nuur Wacays, Waxaa Inoosoo Jeedinaaya Abwaan Cabdi Iidaan Faarax

Waxaan Jecelaystay Inaan idinla wadaago Gabayo kamid ah Gabayadii Abwaan Faarax Nuur, gabayadan waxaa inoo tirinaaya Abwaan Cabdi Iidaan Faarax, Labada abwaanba illahay ha u naxariisto. Ujeedada Gabayadani waa in aanay lumin oo ay ku kaydsanadaan channel-kan Mr.Hamse (Wiyeer-yare)

Monday, December 18, 2017

Hello: Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Ma I Maqashaa? Q1aad W/q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

Marka hore aan hamblayo iyo duco u diro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Illahay xilka culus ee aad umada u qaaday hakugu asturo, sidoo kale waxaan kuugu hamblayeynayaa sidii waxgaradnimada iyo dhiiranaanta lahayd ee aad usoo magacowday Golaha wasiiradda oo ah runtii niman badan oo aqoon iyo waayo-aragnimo badan u leh, hawlaha kala duwan ee aad u igmatay.