WAXBARASHO

Wednesday, March 21, 2018

Daawo: Taariikhdii Sheekh Isxaaq Bin Axmed Iyo Caruurtii Ka Tafiirmay Q1aad Iyo Q2aad Waxaa Soo Jeedinaaya Caaqil C/risaaq

Daawo: Taariikhdii Sheekh Isxaaq Bin Axmed Iyo Caruurtii Ka Tafiirmay Q1aad Iyo Q2aad Waxaa Soo Jeedinaaya Caaqil C/risaaq, Taariikhdan waxaan idiinkusoo bandhigay si aanay uga lumin guud ahaan umada Soomaaliyeed gaar ahaan ilma sheekh isaxaaq axmed.

Tuesday, March 6, 2018

Dhegayso Abwaan Cabdi Iidan Faarax Oo SHIINLEYDII shubaalinaaya

Waxaan marlabaad idinkusoo dhaweynayaa mid kamid ah Silsiladaha suuganta Soomaalida ee ugu caansan, waa silsiladii la magac baxday SHIILEY, waxaa silsiladan ibo-furkeeda lahaa abwaan Cabdi Iidaan Farax AHN. Halkan hoose ka DHEGAYSO


HALKAN GUJI SI AAD U DHEGAYSATO




Wabilahi tawfiiq.
Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
Qoraa / Saxafi madax banaan
www.wiyeeryare.blogspot.com
www.youtube.com/Mr-Wiyeer-yare 
Hargeysa -Somaliland

Sunday, March 4, 2018

Hellow Mudane: Ha Noqon Ma Liibaannaha Lugu Liibaanney W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)


Nabad-qab idilkeenba, Illaahay raxmaadkiisa iyo naxariistiisa ha inugu galado, qoraalkan kooban waxaan waxyar kaga iftiimin doonaa masuuliyadda iyo cadaaladda laga rabo qof kasta oo Masuul ah, ha ahaado mid shacabka iyo qaranka xil u haya, ha ahaado mid masuuliyad kale oo noocay doontaba ha ahaatee lugu aaminay, oo sidii laga filaayey aan u guddan waajibaadkiisii, halka ay laga helaayo dad tiro yar oo masuulkaas si dadban ugu guuleystay in ay ka dhaadhiciyaan fikiradahooda iyo danahooda gaarka ah, iyadda oo meesha laga saarayo dantii guud ee uu masuulkaasi Qaranka iyo Shacabkaba u hayey.

Geyi Waxaan Kunoolahay Xayawaanka Yaryari Ka Qiimo Badanyahay Caruurta Dalkaas. W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)


Hordhac: Nabad-qab akhristayaal, waa mid kamid ah qoraaladii aan ugu talo galay in ay miciin iyo garab istaag unoqodaan dulmanaha iyo miskiinka cadaalada geyigeenu garabkiisa kabaxday. Qormadan waxaan kaga hadlayaa Maxakamada Degmada Hargeysa gaar ahaan Gudoomiyaha Cabdirashiid Maxamed Xirsi Beer-geel oo mudo todobaad gudihii ah fuliyey laba xukun maxkamadeed oo