Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Hellow Mudane: Ha Noqon Ma Liibaannaha Lugu Liibaanney W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)


Nabad-qab idilkeenba, Illaahay raxmaadkiisa iyo naxariistiisa ha inugu galado, qoraalkan kooban waxaan waxyar kaga iftiimin doonaa masuuliyadda iyo cadaaladda laga rabo qof kasta oo Masuul ah, ha ahaado mid shacabka iyo qaranka xil u haya, ha ahaado mid masuuliyad kale oo noocay doontaba ha ahaatee lugu aaminay, oo sidii laga filaayey aan u guddan waajibaadkiisii, halka ay laga helaayo dad tiro yar oo masuulkaas si dadban ugu guuleystay in ay ka dhaadhiciyaan fikiradahooda iyo danahooda gaarka ah, iyadda oo meesha laga saarayo dantii guud ee uu masuulkaasi Qaranka iyo Shacabkaba u hayey.

Ma liibaanne ama ma guuleyste waxaad noqon kartaa marka masuuliyadii iyo xilkii aad Qaranka iyo guud ahaan bulshadaba u haysey aad ku fashilantid isla markaana hamigii iyo hiigsigii aad lahayd noqodo mid kusoo koobma shaqsiyaad gaar ah oo iyaga uun aad danahooda iyo fikiradahooda ka shaqaysid taas oo iyaga uga dhigan in aad tahay lugu liibaanne wakhtigu u fududeeyey hirgelinta danahooda gaarka ah.

Tan iyo intii Somaliland dib ulasoo noqotay madaxbanaanideeda waxaa Qaranka iskaga kala dan-danbeeyey dawlado iyo xukumdo mid waliba ay waayaheedda iyo taariikhdeedda wadatey. Xukumad kastaa marka ay dalka maamulkiisa la wareegtana waxaa caado iyo dhaqan u noqotay dhegaha shacabka muwaadiniinta ah in ay maqlaan nin jecelaysi iyo reeraysi, taas oo inta badan ka dhacda laamaha kala duwan ee xukumadaasi ka koobantahay, qasriga dalka looga arimiyo ilaa shaqaale hoosaadka ha’yaddaha xukumadaas ayeyna si guud u wadda saameysaa is-bahaysigaasi ama nin jecaylkaasi, tusaale: Madaxweynaha xukumada markaas jirtaa waxa uu tiradda ugu badan ee ha’ayaddaha dawladdiisa ku taxaa cidda iyo reerka uu kasoo jeedo, Wasiiradda uu soo magacaabaa waxay xilalka wasaaradaha intooda badan ka fuudh yeelaan ama u badiyaan shaqaale ay isku hayb iyo reer yihiin ama cid danno gaar ah iyo is-xulafaysi uu ka dhexeeyo, hadaba waxa is weydiin muddan masuulka hab-dhaqankii shaqadda ee uu Qaranka u hayey sidaas ka dhigay Ma yahay mid liibaanney mise waa mid cid gaar ahi ku liibaantey?, Jaawbtu waa in uu yahay mid cid gaar ahi ku liibaantey, laakiin xasuusnow hadii aad xilka iyo masuuliyadda u gudan lahayd si Qaranka oo dhan u dhex ah, markaas masuul waxaad noqon layd mid liibaanney.

Ayaandarrida iyo aafooyinka maanta Qarankeena ku habsadey ayaa ah kuwo aynu gacmaheena ku kasbanay, waayo waxaad arkaysaa Wasaarad qiimo iyo muhiimad ugu fadhida qaranka oo inta shaqaale ee markaas joogtaa ay u badanyihiin kuwii aan aqoonta iyo xirfadda shaqo ee wasaaradaas aan lahayn, waayo maaha kuwo markaas lugusoo xulay ama ku hantiyey shaqadan ay qaranka u hayaan aqoon iyo imtaxaan hawl badan iyo rafaad midna aanay markaas usoo marin, ee ay hal oday usoo direen wasiirka markaas xilka haya oo isaguba markiisii hore aan ku iman hab aqooneed iyo imtaxaan midna ee kuyimi odayaal Madaxweynaha amar culus dul dhigay in hebel loo magacaabo oo weliba laga dhigo Wasiirka wasaarad ay iyagu markaas doorannayaan.
Xilka Qaran ee bulshada marka ay iskugu yimaadaan dad isku hal reer ah, ama isku hal u jeeddo gaar ahi isku hayso, waxa si aad iyo aad ah u fudud in ay danahoodda gaarka ah si fudud ku fushaddaan iyaga oo aanay jirin cid ama masuul kale oo ay ka cabsanayaan in uu ka joojiyo.

Akhriste iyo Qof kasta oo masuul ahiba maanta ha iga qor In badan waxaynu ka cabanaa oo caaddo iyo dhaqan inoo noqotay, dhegaheenuna ka daaleen in hantidii ama dhaxalkii Qaranka iyo shacabku wada lahaayeen oo shaqsiyaad gaar ahi lunsanayaan, waxaana ugu dambeeyey kan maanta taagan ee Xunbo-weyne, oo Wasiirka biyuhu af cad inoogu sheegay in la-lunsadday, hadii si uun inta uu madaxweynuhu qaraar iyo go’aan adag oo ilaa xadhig iyo maxkamad gaadhsiisan kasoo saaro oo uu ku fuliyo qofka khiyaamadda noocaas oo kale ah ku kacaaya, isla daqiiqadaas ayaa waxaynu sameynaynaa gadood iyo kicitaan, waxaynu warbaahinta isku marinaynaa hadalo xanaf iyo qabyaaladi kabuuxdo oo waxaynu odhaneynaa reerkayga ayaa loo jeedaa, wasiirkayaga ayaa loo jeedaa, masuulkayga ayaa loo jeedaa, Madaxweynaha nagasoo jeedda ayaa loo jeedaa.

Gebo-gebadii imakaba iga gunta “ Inta nin jecelaysiga iyo reer hebeshu ina shaqayneyso, inta qof kasta oo inaga mid ahi eeganaayo nin masuuliyad u haya qaranka oo dhan oo aynu ka dhiganeyno mid reer gaar ah meesha u jooga, inta aynu u damqaneyno mid khiyaamoole ah oo tuug hantidii shacabka si badheedh ah u dhacay oo la xukumay, waxba yeynaan Somaliland iyo qaran midna isku daalinin, weligeena qaran iyo dal la’yaqaano noqon mayno ee sidaas aynu maanta ku jirno ayuunbaynu ku jiri, kuwa dambe ee ina dhaxla’aana sidaas iyo si kasii fool xun ayuunbay ku danbeyn doonaan
Hadii Qaran iyo bulsho is dhex-gasha oo aan kala qaloon aynu dooneyno, aynu iska saarno dareenka ilmaadeernimadda, iyo abtirsiga aynu sida foosha xun ugu dhegannahay, ee aynu ku difaacayno kii tuuga noqoday ee ina khiyaameeyey”.



Wabilahi tawfiiq.
Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
Qoraa / Saxafi madax banaan
Hargeysa -Somaliland


Post a Comment

0 Comments