Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Riyaddii Xalay “Duqayntii Itoobiya Iyo Curashadii Shanta Soomaaliyeed” !!! W/q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer-yare)


Xallay Waxaan Ku Riyooday Itoobiya Oo Soomaaliya u qabsatey sida Yuhuudu u qabsatey Qaza, Waxaa kale oo aan riyaddii xalay kasii xasuustaa in dad badan oo aan ku jirey sida falastiiniyiinta u shiitamayeen, Itoobiyaankuna Kaaraha iyo Dabaabaadka duula ay digadda inagaga dhigayeen,Mar waxaan is weydiinaayey hadii ay Soomaaliya qabsadeen ileen Soomaalilaan baad tihiine oo waa idinkii iskaashiggu idinka dhexeeyey ee maxay idinkasoo dooneen, laakiin waxaan ilawsanaan in Soomaalilaan aanay weli aqoonsi helin iyaguna aanay ina aqoonsan, midii layaabka badnayd waxay ahayd markii Maraakiib dagaal dhanka xeebta madaafiic inagagasoo garaaceen halkii
aan ka moodaayey qaar Soomaali leedahay uun la yidhi waa Itoobiyaankii xagan bay kasoo galleen wadankii, 1 daqiiqo kadibna waxaan is arkay anigoo furaashkaygii dhex galgalanaaya, shaydaankaan iska naarray kadibna hurdo macaan ayaan dib u galay.

Mudo yar kadib riyo kale oo lama filaan ah ayaa igusoo degtay, Waa Soomaaliddii oo Farmaajo iska eriday, waa xaaladii oo isbedeshay, Madaxweyne cusub oo cod shacab kusoo baxay, waa dhamaan maamul goboleedadii jiray oo daaqadda ka baxay, nabad, deganaansho iyo hormar aanad maleysan karin oo Koonfur ka bilaamay, Daqiiqaddo kadibna shir weyn oo lugu qabtay Hudheel weyn oo kuyaal Masalaha Hargeysa oo aad u weyn oo aanan magaciisa hadda xasuusan ayaa waxaa lugusoo dhaweeyey Madaxweynihii cusubaa ee Soomaaliya, Waxaana soo dhaweeyey Madaxweynihii Somaliland imaka ma xasuusto magaciisa laakiin sansaanta Muuse Biixi buu lahaa, wada-hadal qurux badan oo Tilifiishanadii duubaayey aan Aljazeera Iyo CNN kasii xasuusto ayaa ka qabsoomay, labadii madaxweyne markii uu shirku dhamaadday labadda gacmood ayey is qabsadeen oo laabta is geliyeen, inyar kadibna Hambalyo ayaa la iigusoo diray E-mailkagya, aniga oo ku sugan halkii labadda madaxweyn ku shirayeen, waa riyo iyo dabeecadeede goor aan hoolkii shirka kasoo baxay waan garan waayey, ileen goobtu waa Masalaha Hargeysee, magaaladii ayaan dusha sare kasoo eegay mise Nalalka midabada kala duwan ee wakhtiyada damaashadka la rido ayaa dhina kasta ka qarxaaya, buuq iyo mushxaraddana way wehelinayeen, daqiiqado kadibna waxaan ogaadey in madaxweynihii Soomaaliya ee shacabku doorteen uu Soomaalilaan ugu bushaareyey in uu aqoonsadday, Waxba yaanan hadal kugu daaline daqiiqadihii xigayba waa Soomalilaan oo ciidan xoog badan iyo diyaarado dagaal yeelatay, Waa Soomaaliya oo iyadduna kuwaas kuwo lamid ah oo kasii badan yeelatay, Waa Jabuuti oo dhankaas Galbeed iyaduna ciidan iyo aaladdo dagaal soo saftay, Waxaaba isla daqiiqadii xigtay la dhisay ciidan Soomaalilaan, Soomaaliya iyo Jabuuti ka kooban oo magacooduna yahay SOM-JA-SOM (SJS), Ciidamadii huwanta ahaa waxay dagaal aad u culus ku qaadeen Itoobiya iyo Kenya, waxayna isla daqiiqadii xigtayba xayndaabka Soomaalida soo geliyeen Soomaali galbeed (Ogaadeeniya), Soomaalida NFD.


Hal daqiiqo kadib shir lugu qabtay Muqdisho waxaa ka qayb galay sadexda Madaxweyne ee Soomaaliya, Soomaalilaan iyo Jabuuti, iyo laba madaxweyn maamul oo kala ahaa Ka Soomaali galbeed iyo ka Soomaalida NFD, waxaana dawlado loogu dhisaayey labadaas gobol ee Kenya Iyo Ethiopia lagasoo kala qaadey, isla markiiba waa loo dhisay waa SHAN soomaali, Anigu meelnaba intii xaaladuhu isbadallayeen kamaan maqnayn ilaa halkan shirku ka dhacaayo ee shanta Soomaali la iskugu yimi.

Markiiba waxaa maskaxdeyda kusoo dhacday Maansadii Cabdi Iidaan Faarax, ee uu ku furay silsiladii Shiinley, tududucyo kamid ahaa oo odhanaayey,


" Shaxda nimaan aqoon lama dageen mana shu'aysteene
Shan soomaali oo wada-socodoo, calan ku sheekeeya,
Shilmaa la arkayaa, waa su'aal sharad ka yaallaaye?.🤗🤗


Anigoo ku cel-celinaaya sadexdaas tududuc ee Cabdi Iidaan, ayaan waxaan arkay maabkii Afrika oo Shan Soomaali-ah ka muuqato, farxaddii baa igusii korodhey, boodboodkaygana kolay jaarkii ila hurdey way ka yaabeen, hal daqiiqo kadibna waxaa igu dhacday haraati nin weyn, naxdintiina waxaa ii xigtay “Waar salaada u kac”, waaba mid ila hurday qolka oo biyo iisoo qaatey si uu iigu rusheeyo, mise waa aniga iyo furashkeygii yaraa iyo Salaadii subax oo ay gaadhey, Iyo Xaaladdii Soomaalidda oo sideedii ah, Ciil badanaa Xalay halkaan dhex-joogay iyo saaka wixii aan idaacada ka maqlaayey !!!

Wabilahi tawfiiq.
Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
Qoraa / Saxafi madax banaan
Hargeysa -Somaliland

Post a Comment

0 Comments