Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Ma waxay Ku taallaa Sucuudiga ?


Wasaarad arimaha diintu waa ta ugu masuuliyadda iyo xilka culus marka loo eego wasaaradaha kale, waayo wasaaradani waxay dadka ama shacabka uga masuul tahay arimo la xidhiidha diintoodda iyo waajibaadka sharciga ah ee qofkasta laga rabo.
Ilaa mudaddii aan garaadsaday ilaa maantaddan aynu joogno waxaan arkaayey in shaqada ugu weyn ee ay qabato Wasaarada Diinta iyo Awqaaftu ay tahay Bilashadda Bisha barakaysan ee Ramadaan, Ku dhawaaqida Maalmaha Ciida Iyo Maalinta Ramadaan ka horeysa oo ay wasaaradu shirar u qabato Sheekhyada ka adimma masaajidda Hargeysa oo keliya.
Waxaan ka hadlayaa wasaarada Diinta iyo awqaafta, laakiin kama hadlaayo shaqsi gaar ah oo katirsan wasaaraddaas sida Wasiir Khaliil ama W/ku xigeen ama Agaasime, waayo shaqsi kastaa wuu qaban karaa shaqooyin kale oo wasaardda ka madaxbanaan sida tii taakulaynta iyo qaadhaan ururinta abaarihii sanadkii hore oo Sheekh Khaliil door weyn oo qaali ah ka qaatay, laakiin hawshaasi maaha mid lugu amaanayo wasaarada diinta iyo awqaafta ee waa mid lugu amaanayo Sheekh Khaliil keligii.
Hadaba wasaardii ugu masuuliyadda badnayda marka wasaaraddaha kale loo eego, shaqadeedu ma waxay dhaafi weyday Sadexdaas qodob oo keliy *Sheegista bilashada bisha Ramadaan, *Sheegista Maalinta Ciida, *Shir yar oo mu'adimiinta loo qabto sanadkii hal mar. Waxaa ayaan darro ah sadexdaas qodob shirrinta mu'adimiinta marka laga reebo labada kale waxay wasaaradu si toos ah ugasoo min-guurisaa dalka Sucuudi Carabiya.
Sucuudiga marka la yidhaahdo, inta badan dadka waxa maskaxdoodda kusoo dhacda Xajka Ama Guriga barakaysan (Xaramka), Hadaba maanta mid ogow Suucdigu aad buu u balaadhanyahay, Magaaladdii Nabiga (Madiinna) Waa magaaladda ugu barakadda iyo naxariista badan Sucuudig iyo guud ahaan wadamada carabta oo dhan, waxaana kunool dad aad iyo aad u wanaagsan, dhanka diinta, akhlaaqda iyo dadnimadda intaba. Laakiin magaaladda Maka, oo Xaramku ku dhexyaalo, dadka kunool waxaa ku dhex jira oo weliba ah kuwo aad u tiro baddan, waa kuwa ugu xun xun aduunka, dhaqan ahaan iyo diin ahaanba, Dadka xun xun ee ku dhaqan gudaha Maka, lagamasoo dhex helaayo wadan kale oo Islaam ah, xitaa lagama helaayo magaalooyinka kale ee Sucuudiga.
Hadaba maxaa isbedelay, inkastoo ay weligoodba dadkaas aadka u xun xumi dhaqan ahaan iyo diin ahaanba aan la aqoonin waxa ay yihiin ay ilaa xiligiii nabiga ku noolaayeen gudaha Maka, oo weliba dhib iyo aafo aad u daran gaadhsiiyeen wakhtigaas Nabiga, waxaa isbedelay in sanaddadii ugu dambeeyey maamulka iyo dhaxalka suudiggu uu gacanta u galay qaar kamid ah dadkii aan wanaagsaneyn ee kunoolaa Maka, taasina waxay sabab u noqotay in dhaqamo badan oo reer galbeedka dhankooda kayimi in ay maanta si aan gabasho lahayn ugu dhex faafaan Maka, iyagoo kuwa maamul isku sheega ahina ay dadka u xalaalleynayaan, tusaale ahaan in Dumarku keligood suuqa u bixi karaan, In Dumarka iyo ragu kubadaha iyo garoomada ciyaarta wadda geli karaan iyo kuwo kale.
Maamuladii hore ee culimadda u badnaa waxay ahaayeen kuwo kudayasho iyo tusaale u ahaa guud ahaan umadda Islaamka, waxaana loo hogaansami jiray hdaladda kasoo baxa, laakiin maanta tii ma jirto, mana jirto sabab sharci looga dhigo in kuwa maanta lugu daydo ama waxa ay soosaaraan la qaato.

Wabilahi tawfiiq.
Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
Qoraa / Saxafi madax banaan
Hargeysa -Somaliland



Post a Comment

0 Comments