Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Sharciga Wadhatadda Ganaaxa, Wasiirkana Gool U Loogga !!!!!! Siyaasaddi Aabbo Ma Leh

Siyaasiga danihiisu way albaabo badanyihiin laakiin miskiinka shacabka ah hal albaab baa loo baneeyaa LoL, Qof kastoo indhihiisu u daloolaan qalbigiisa wuu fahmi karaa wax ay tahay siyaasaddu, "Shacabku haduu tago koonfur ama la kulmo shaqsi koonfur xil ka hay, natiijadiisu waxay noqotaa xadhig, Bal kawarama siyaasigga maantana halkaas kasoo sheekeynaaya berina khuuradii gaabneyd ee Isaaqnimadda ama Somalilandnimadda inoola imanaay"

Halkaas Faysal taaganyahay hadii uu ciro ku jiri lahaa maxaad Madaxweyne Muuse Biixi iyo Kaadiriinta Kulmiye ka fili lahayd?

Koley sidaan filaayo maalmo iyo todobaado ayaa arintiisa laga doodi lahaa, aakhirkana jeel iyo xabsi baa lugu tuuri lahaa.
Hadaba Faysal iyo ciro waa laba nin oo ilmaadeer ah ee maxay ku kala duwanyihiin, Mid waa mid (Faysal) fahmay siyaasadda iyo goboleysiga oo meeshuu doonaba kasoo cabaaya koobkiisa shaaha ah, Midna waa mid (Ciro) ay ka muuqato dareen qaranimo iyo Somalilandnimo !!!



Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
Qoraa / Saxafi madax banaan
Hargeysa -Somaliland

Post a Comment

0 Comments