Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Somaliland Waxay Uu U Baahanyahay Turxaan Bixin Iyo Axdi Dhaqameed Cusub W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)


Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi.
OG: Golaha Guurtidda Somaliland.
OG: Oday Dhaqameedka Beelaha Somaliland.
OG: Waxgaradka Iyo Aqoonyahanka Somaliland.

Hordhac:- Labadii dooroshe ee ugu dambeeyey ee ka qabsoomay Somaliland, doorashadii goolaha deegaanka ee qabsoomaya Dec/2012-kii iyo doorashadii Madaxtooyadda Somaliland oo qabsoontay Nov/2017-kii, waxay shacabka iyo goboladda Somaliland ku reebeen
xusuus weyn iyo kala qoqobnaan aad u sareysa, waxayna Somaliland ku reebeen hadal hayn iyo nacayb ka dhex dhashay shacabka iyo umadda Somaliland guud ahaa, waxaana ka dhashay in Goboladda Somaliland qaar kamid ahi wiiqaan qarannimadii iyo midnimadii umadda Somaliland ee lugu gaadhey 1991 Magaallooyinka Burco Iyo Boorama, iyo sidoo kale Axdi qarameedkii 1993-kii ay qalinka ku duugeen dhamaan Beelaha Somaliland wadda deggaa, isla markaana Beelo iyo cid gaar ah lugu tuhmay luguna xanto in ay ka sad-bursiisi bateen beelaha kale ee Dalka, waxaana ka dhashay Magacyo iyo naaneyso aan u fiicnayn dhegaha umadda walaalaha ah ee Somaliland. Dhacdooyinkaas jira awgood waxaan maankeyga iyo maskaxdeyda ka keenay in Qaranka Somaliland u baahanyahay turxaan bixin iyo in si waddo jir ah loo xaliyo arimahaas yaryar oo beri ka maalin noqon kara kuwo ku fidda umadda.
Afeef: Qormo qoraalleedkan waxaan ka afeefanayaa in aanan cid gaar ah kusoo hadal qaadin, isla markaana aan uga dan-leeyahay maslaxadda iyo horumarka, jacaylka iyo walaaltinimadda, midnimadda iyo qaranimadda jiritaanka Somaliland, Soomaalilaan oo isku duuban.
Hadii aan hoos ugu daadego qormo qoraalleedkan, sidaan kor kusoo xusay labadii doorosho ee ugu dembeeyey ee ka qabsoomay Somaliland, doorashadii Golaha Deegaanka iyo Doorashadii madaxtooyada Somaliland waxay dalka iyo dadka ku reebeen raad aad u xun iyo khilaaf ku dhex baahay shacabka iyo siyaasiyiinta Somaliland, raadadka aan la jecelaysan karin ee ay inugu reebeen waxay keentay shirar Beeleedyo, shirar jufooyin iyo shirar ay qabsadaan siyaasiyiin gaar ahi, oo dhamaantood xambaarsan dareen diidmo dhanka qalbiga ah, shirarkaasi waxay shacabka tusayaan sida aan la iskugu niyad sameyn, isla markaana shacabkii ra’yidka ahaa waxay noqodeen kuwo la kala safta siyaasiyiinta reerahoodda kasoo kala jeedda, taas oo bulshadii ka dhigtay “Kuwo jidh ahaan wadda jooga, laakiin qalbi ahaan kala maqan”, waxaana doorashooyinkaas ka dhashay magacayo iyo naaneysyo loogga dan leeyahay Reero iyo beelo gaar ah oo loo asteynaayo maamulka iyo hantida umaddu wadda leedahay. Hadii arimahani sii socodaan oo aan shir qaran iyo turxaan bixin la iskugu imana waxay Somaliland dhaxalsiin karaan Taariikh madow oo dib u masaxda Horumarkii ay ku faaneysay 28 sano ee ay jirtay.
Mudane Madaxweyne, Mudane Xildhibaan Guurti, Mudane Madax-dhaqameed, Mudane Aqoonyahan, Dalka goboladda Barri waxaa ka jira Colaado, colaadahaasi oo ah kala ah kuwo sokeeye iyo kuwo cadawga Somaliland damcayaan deegaano iyo gobolo Somaliland ka tirsan, labaduba waxay u baahanyihiin shir iyo axdi qaran oo laga mideysanyahay si aanay inoogusoo fidin.
Qodobadda lagama maar-maanka uu u yahay Axdi iyo shir qarameedku:- Waxaan hoos ku xusi doonaa sababta ugu weyn ee qaranku maanta ugu baahanyahay shir iyo axdi qarameed, una baahan in turxaan-bixin iyo midnimo lugu xaliyo, qodobadan waxaan si gaar ah ugu socodsiinayaa laamaha Qaranka ee aan kor kusoo xusay.
1.     Midnimadda umadda Somaliland iyo jiritaanka Qaranimadda Somaliland in ay yihiin kuwo muqaddis ah oo aan marnaba lugu kala-teggi karin.
2.     In Guud ahaan umadda Somaliland, Barri, Galbeed, Koonfur iyo Waqooyiba meel kasta oo ay degganyihiinba ay u simanyihiin Dawladda iyo Dakhliga dalka.
3.     In si dhab ah oo aan af iyo hadal midna ahayn gacmaha la iskugu saaro, Reerro kasta iyo Beelo kasta oo wax kala tirsanaaya, iyadda oo goob joog ay u wadda yihiin Beelaha kale ee dalka  Degeni.
4.     In Beesha ama Beelaha diidda nabada iyo horumarka, beelaha kale ee Somaliland go’aan mideysan ka wadda gaadhaan.
5.     In Xisbiyadda Siyaasadda laga bedelo habka Saami qaybsiga beelaha, oo gacanta loo geliyo aqoonyahano ka madaxbanaan qabyaalad iyo reernimo.
6.     Isla markaana siyaasiyiinta dalku aanay arimaha dalka uga hadlin qaab qabiileedyo ee ay uga hadlaan qaab siyaasadeedyo, si reeraha ay uga madaxbanaanadaan.
7.     In madaxda saddexda xisbi qaran lugu fuliyo go’aan ah in aanay reernimo iyo gobolo gaar ah aanay ku abtirsan ee ay dhex u noqodaan Qaranka iyo umadda guud ahaan.
8.     In wax kasta oo la kala tirsaddo lugu dhameeyo shir qaran, oo aan lugu dhameyn qaab qabiil ama reernimo.
9.     In hadaladda turxaanta iyo kala-qoqobidda umadda xambaarsan aanay cidna lasoo fadhiisan warbaahinta Dalka iyo midda dibada labadaba.
10.                        In guddi adag oo musdanbeed u ah jiritaanka Somaliland iyo horumarkeeda la sameeyo, si ay u xaliyaan khilaafyadda soo if bixi kara xiliyadda doorashooyinka ama xiisaddaha siyaasadeed ee dalku kacsanyihiin.
11.                        Ugu dambeyntii in mashaariicda maal-gashiga ee waaweyn laga yeesho shirar iyo u dhexeeya madaxda iyo madax-dhaqameedyadda Dalka si, tuhun iyo mallo-awaal khilaaf dhalin kara meesha looga saaro.

Codsi: Aqoonyahan kasta iyo qof kasta oo xidhiidh la’leh laamaha aan ku socodsiinaayo qoraalkan furan, waxaan ka codsanayaa in ay iisii gudbiyaan, si aynu dalkeena iyo dadkeena uga bedbaadino khilaaf iyo dagaalo sokeeyo.
“Waxaan rajeynayaa in warqadan gaadhi doonto dhamaan cidda ay ku socoto”


Wabilahi tawfiiq.
Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
Qoraa / Saxafi madax banaan
Hargeysa -Somaliland

Post a Comment

0 Comments