Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Wasiirka Ha Loogu Dhaarto In Uu Adeegge U Yahay Shacabka Oo Aanu Adeegge U Ahayn Madaxweynaha !!! W/q: Mr. Hamse Bashe Wiyeer-yare


Wasiirka Ha Loogu Dhaarto In Uu Adeegge U Yahay Shacabka Oo Aanu Adeegge U Ahayn Madaxweynaha !!! 

W/q: Mr. Hamse Bashe Wiyeer-yare


Afeef: Qormo qoraalleed kasta oo aan qoraa waxa uu ka turjumayaa xaalada dhabta ah ee uu ka hadlaayo, mana aha mid buun buunin ama beeni ku jirto, isla markaana maaha mid aan ka gaabsanayo ka hadalkiisa.”
 Dawladnimada iyo calanku waa faanka ay umadi ku faanto, misna ay dheeryihiin kuwa aan dawlad iyo iyo calan toona haysan, sidoo kale waa aragti waxqabad oo meesha dawlad dhisan,calan ka dul babanaayo, oo qaabdhismeed horumar leh lugu garto. Xilku waa masuuliyad saaran qofkasta oo leh caqli dhamaystiran,
taasna waxaa inoo sheegay Nabi maxamed NNKH, “dhamaantiin waxaa tihiin masuul, oo waxaad masuul ka tihiin wixii la idin raaciyey” waxaan ka faa’idaysanynaa in masuuliyada ina saaran hadii aanu nahay caruurtii nabi Aadam, misana aanay jirin wakhti qudha oo aanu firaaqo haysano oo aanu ka nasanayno masuuliyadii ina saarnayd.
Taa markaan ka imaado oo aan u soo daadago ujeedada maqaalkan “Xilka iyo Xaqiiqad” ah ee aan kaga hadlayo Dawladii aan dooranay iyo waxqabadkeeda. Markii ururada iyo xisbiyadu tartamayeen misana ay ololaha,buuqa,durbaanka,hoonka baabuurta iyo lulida calamo kaladuwan  ay isku qasayeen; ujeedadoodu waxa ay ahayd in aanu ka doorano oo aanu ka dhex xulano midka qaadi kara masuuliyadaas culus, misna u taagan in uu wax u qabto midka beerta falaya,kaluunka shabaga u dhigaya,midka buuga iyo qalinka ku dhex haysta goobaha waxbarshada iyo hooyooyinka aan gurigooda meel u dhaafin. Laakiin ogow oo masuuliyada la saaray maaha mid keligii lugu sii daayey ee waliba waxaanu la horjoognaa, oo u ololaynaa in aanu doorano goole sharci dajin oo sameeya shuruuc wadanka lugu maamulo.
Hadaba sacab-tunkii iyo mushxaradii doorashadu wadatay, waxay ku dambaysaa in aanu Madaxweyne iyo ku Xigeen doorano,Goole sharci dajin doorano,Gole degaan dooran; isla markaan in madaxweynhu uu magacaabo wasiiro isga matala oo uu u qaybiyey wasaaradaha kaladuwan ee ka jira dalka.
Marka laga tago Xafiiska Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa, oo ah iyagu xafiisyada ugu sareeya wadanka (official office), waxaa jira xafiisyo ay leeyihiin xubnaha Wasiirada,Wasiir xigeenada iyo Agaasimayaasha wasaaraduhu. In kasta oo somalidu ku maahmaado “Nin Xil qaaday eed qaad” oo xilku uu leeyahay hadalhayn,kutirkuteen,buunbuunin iyo been la isla dhexmaro, Hanadan ujeedadu waxay tahay Xukumadii xilka inoo qaaday ee inoogu dhaartay “magaca illahay” in xilkii iyo masuuliyadii ay inoo hayeen aad moodo in qayb aad u weyn oo ah nidaamka maamulku uu ka dhimanayaha misna ay jirto tabasho xaga shacabkii soo doortay, kama hadlaayo waxqabadka oo waxqabadku dawladu  hada wuu wanaagsanyahay oo amaan uun baa lawadaa, laakiin markaan ka hadalno qofqof iyo shaqsi –shaqsi waxaa jirta dhaliil loo jeedinaayo, qofka muwaadinka ah ee ay hawli ka gasho wasaarad kamid ah wasaaradah dalkeena waxaa la hordhigay laba askari oo hubaysan oo amar ku bixinaaya in qofkaasi muwaadinka miskiinka ahi aanu hawshii uu u socoday aanay usuurto gelin, iskadaa wasiir ama agaasime uu la hadlo oo uu u gudbiyo ujeedada uu ugu yimi ee waxaba jira ama ka horeeya oo ah “Fadlan uma geli kartid ee sug” sugistaasi maaha mid run ah ee waa mid quusgoyn ah muddo markuu sugana la odhanaayo Wasiirkii ama Agaasimihii wuu baxay ama shirbuu galay. Taas oo muwaadinka ku qadanaysa in uu kusoo kalaho oo soo noqnoqdo wakhtiyo badan, una soo dayaco hawlihiisii maalmeed ee uu ka shaqayn laahaa.
Hadaba mudane xil haye Ma ogtahay in ujeedada aad kursiga ugu fadhidaa ay tahay wax uqabashada shacabka iyo muwadiniinta ku doortay misana luguu xilsaaray in aad baahiyahooda intay kuula yimadaan aad la xaliso, Ma ogtahay muwaadinkan aad askariga albaabka u istaajisay ee kolba saacad iyo wakhti khaldan la balaminaayo in uu yahay kii shalay sacabka iyo mushxarada kugu taageerayey, Ma Ogtahay in masuuliyadan aad qaaday beri lugu waydiin doono (nolosha dambe).
Talo:
Hadii xilka ay inoo hayaan madaxdeenu iyo xaqiiqada ka jirta xarumaha ay inaga maamulaan uu sidaas yahay, si loo kala bedbaado oo shacabka iyo muwadiniinta masaakiinta ahi aanay u caban(taban), misan madaxdeenu aanay iyaga naf ahaantoodu is odhan waxaa idin saaran mucaaridad; waa in la sameeyo jadwal (schedule) kaas oo ah wakhtiga uu wasiirku ama agaasimuhu qaabilo bulshada u baahan ee uu hawlahooda faraha ku hayo, isla markaana todobaadkii la sameeyo laba maalmood, si cabashadu u yaraato wax sheegu u yaraado, tuhunka iyo shakigu u yaraado. Oo la isku calool fayoobaado misna laga wada taliyo horumarka iyo maamul wanaaga wax wada qabsi.

Wabilahi tawfiiq.
Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
Qoraa / Saxafi madax banaan
Hargeysa -Somaliland


Post a Comment

0 Comments