Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

7 Arrimood Oo Hadaad Subax Kasta Samayso Kaa Ridaya Miisaanka Jirka Iyo Caloosha

Korodhka miisaanku waxa uu ka mid yahay dhibaatooyinka ugu badan ee dunida maantu ka cabato, maadaama oo uu culays ku hayo caafimaadka bulshada iyo dhaqaalaha qaranka labadaba.  Waxaa iyaduna garab socota in dadku ay ku
baraarugeen dhibaatadan, sidaa awgeed uu miisaanka dheeraadka ahi ka mid yahay waxyaabaha loogu hadal haynta badan yahay isla markaana ay bulshooyinka dunida oo reer magaalka u badani dagaal joogto ah kula jiraan.
Qormadan oo aynu kasoo xiganay talefishanka Alcarabiya waxa ay soo bandhigaysaa dabeecado ay khubarada caafimaadku sheegeen in caadaysigooda subaxda hore qayb weyn ka qaadato dhimista miisaanka, waxa aanay yihiin:
1.     1Ku maydhashada b iyaha qabow: In biyo qabow oo subaxda hore lagu maydhaa waxa ay ka qaybqaadataa in jidhku ka takhaluso unugyada dufanaysan.
2.     Cabbista biyaha: xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay caddeeyeen in litir badhkii oo biyo ah oo la caadaysto subax kasta marka hurdada laga toosaa ay si weyn uga qayb qaadato dhimista miisaanka.
3.     Shaaha cagaaran: Waxaa dad badan caado u ah in subaxda marka ay toosaan ay indhaha ku kala furaan koob bun ah, waxa se’ ay xeeldheereyaasha caafimaadku caddeeyeen in koob shaaha cagaaran ah oo subax kasta hurdada kadib la cabbaa ay keento in miisaanku si muuqata hoos ugu socdo.
4.     Quraacda: Dad badan ayaa aaminsan in quraacda oo laga tagaa ay miisaanka dhinto, waxa se ay khubarada caafimaadku isku waafaqsan yihiin in quraacda oo la cunaa ay ka mid tahay sababaha miisaanka dheeraadka ahi u dhaco.
5.     Barootiin: Barootiinga oo ka mid ah maaddooyinka uu jidhku aad ugu baahan yahay, ayaa ay dhakhaatiirtu sheegeen in subaxda hore oo la caadaysto cuntooyinka barootiinga laga helo gaar ahaan beedka iyo fuulku ay ka qaybqaadato dhimista miisaanka dheeraadka ah.
6.     Jimicsiga: Guud ahaana jimicsigu waa habka ugu habboon ee lagu dhimmi karo miisaanka, waxa se ay khubarada caafimaadku sii kala doortaan xilliyada ugu habboon jimicsiga si uu miisaanka u dhimo, iyaga oo sheegay in jimicsiga oo la caadaysto subaxda hore ay tahay marka uu ugu fiican yahay.
7.     Qorraxda: Fallaadhaha qorraxda ee subaxnimada hore waxa ay firfircooni geliyaa awoodda jidhku u leeyahay dheefsiga cuntada, sidaa awgeed haddii aad doonayso in aad miisaanka dheeraadka ah dhinto caado ka dhigo in aad subax kasta daqiiqado kooban isu dhigto qorraxda aroortii.


"Ku Xidhnow Wiyeer-yare, Oo Kula Wadaagaya Waayaha Nolosha, Noogusoo dir Fariintaada bogga Facebook adigoo Gujinaaya HALKAN

Post a Comment

0 Comments