Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Cajiib: Haweeney Lixdan Jir ah oo Guursaday Wiil yar Oo 9 Jir ah.


Wiil yar oo 9 sanno jir ah oo lagu magacaabo Saneie Masilela iyo haweeney 62 sanno jir ah oo la yiraahdo Helen Shabangu ayaa isku guursaday dalka Koonfur Afrika.Warbaahinta qaar ayaa da’da wiilka ku sheegay 8 sano, halka da’da
haweeneyda ay ku sheegeen ilaa 61 jir. Arrintaan ayaa dad badan aad ula yaabeen.
Xaflada guurka lamaanahan ayaa ka dhacday deegaan lagu magacaabo Ximhungwe oo ka tirsan magaalada Mpumalanga ee dalkaas, waxaana arrintaan mid cajiib ah.


Wiilkan ciyaal Iskuulka ah ayaa inta la xusuusto loo aqoonsaday qofka ugu da’da yare e taariikhda dunida guur la gala haweeney ka weyn 53 sano.Labada lamaane oo da’doodu sida aadka ah u kala fogtahay oo ku labisan dharka arooska ayay soo dhex galeen dad badan oo ka qeyb galayay xafladooda oo ka dhacaysay teendho lagu dhisay meel banaan oo loogu talagalay in meherkoodu ka dhaco.Haweeneyda la guursaday ee 62 sanno jirka ah ee la yiraahdo Helen Shabangu ayaa horey u dhashay 5 caruur ah oo kan ugu yar uu 28 sanno jir yahay, kana ugu weynna 38 sano jir yahay.Saygeedii hore Alfred Shabangu, oo 66 sano jir ah goob joogna ka ahaa xaflada ay wiilka yar ku guursatay ayaa sheegay in asaga iyo caruurtiisaba ay ku faraxsan yihiin guurka ay gashay isla markaana ayba wanaag u arkaan.


Ehelada labada dhinac ayaa xafladda guurka ka qeyb galay waxaana wargeyska The Mirror oo xogtaan wax ka qoray uu leeyahay haweeneyda ayaa qoyska wiilka siisay lacag u dhiganta £500 bound halka xaflada guurkana ay ku bixisay £1,000lacagta Ingiriiska ah.Saneie Masilela oo hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay nolosha cusub ee uu galay haweeneydaan 62 jirka oo uu xusay inuu jaceyl dartiis u guursaday.aneie Masilela ayaa dhanka kale tilmaamay inuu sii wadan doono waxbarashadiisa marka uu waynaadana uu guursan doono haweeney ku da’a.




Post a Comment

0 Comments