Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Hadii Aad Todobadan Qodob Ku Dhaqantid Waxa Hubaal Ah In Guurkaagu Guulaysanaayo


Waxaan qormadan ku lafaguridoonaa toddoba qodob oo ku sahla inaad ku guulaysato guur wanaagsan oo raaxo leh, gaar ahaan fariintani waxay ku socota dhalinyarada iyo cidii aan weli guursan.

1:- Duco: ducadu waa hubka ugu wanaagsan ee wax walbla lagu heli
karo, sababta oo ah alle aamin ma iisho

2:- Fursada ku soo marta: ka faaidayso fursada ku soo marta ha siidaynin marka qof wanaagsani ku soo  maro, waayo waa wax adag in dib loo raadiyo oo loo helo waana sida dahab aad ku tuurtay suuqa ganacsi oo bulsho ah

3:-Dhabma kaa tahay inaad guursato: rumayso ama ha rumaysan, guurku maaha oo kaliya in sariir la seexdo macnaha ka fiirso guurka laakiin ha ka raagin siday diintu qabto, kuguma waaninayo inaad doobnimo ku raagto

4:-Wanaaji qoyska lamaanahaaga: inaad xidhiidh fican layeelato, ehelka qofka aad nolosha la wadaagayso, waxay sabab u noqonaysaa inuu guulaysto, guurkaagu waan ogahay dad badan ayaa dhaqankan hareer marsan

5:-Noqo qof fahma xaqiiqada jirta: mararka qaarkood fursad dhaqaale darteed aad guurka u gali kartaa, tusaale ahaan dad hanti leh ayay ka dhalatay uu ka dhashay qofka aad nolosha la wadaagayso ayaa muhiim kuu ah. waayo dadka kale kuma dhaqayaan oo ma wada noolaanayaan

6:-Sahan ku dooro: adiga oo awooda lamaane ku caan baxay meelo wanaagsan sida goob cibaadadeedu ah dooranin qof aad ku baratay meela fisiq ah. “hal xaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho”

7:-Noqo qof lamaano oo balanta fuliya: haddii aad ku sifawdo dhaqankan xilliga hasaawaha waxa kuu fududaynaysaa in lagu aamino oo xidhiidhkaaguna guulaysto “balan darro waa diin daro
ogsoonow akhriste in aad in badan ka fiirsato qofka aad nolosha la wadaagi lahayd waayo horaa loo yidhi “guur waa god mugdiya oo gacanta la galiyay” kuna dooro qofka aad dooranayso marka hore diin waayo qofka diinta leh waa warshad wax soo saar fiican.


@Wiyeeryare
"Ku Xidhno Mar Kasta"

Post a Comment

0 Comments