Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Halkudhegyo Xikmad Iyo Cibaaro U Ah Isfahamka Ragga Iyo Haweenka


– Ninka gabadh qurux badan jeclaada fannaan ayaa ay ka dhigtaa (Jacaylkeeda heesaha uu u qaadayo), ninka gurusadana shaqaale weyn ayaa ay ka dhigtaa.
– Malo-awaal ayaad ku nooshahay haddii aad ismoodsiiso in furaha aad gurigaaga ku xidhay aanay jirin cid kale oo kula haysataa.

– Gabadhu guurka waxa ay u taqaannaa in uu yahay bar-dhammaadka geeddiga nolosheeda, laakiin ninku waxa uu u arkaa in uu yahay mid ka mid ah meelaha geeddiga noloshu ku yara hakado, kadibna uu sii ambaqaado.
– Ninku waxa uu gurigiisa ula dhaqmaa sida in uu yahay ruux deggen guriga, laakiin gabadhu waxa ay jeceshay in uu qiro in uu gurigiisii nolosha oo dhan yahay.

– Jacaylku gabadha dhiirrani ayaa uu ku abuuraa, ninkana fulaynimo geliyaa.
– Ninku waxa uu ku faanaa, waxa aan kasbaday qalbiga heblaayo iyo heblaayo … gabadhuna waxa ay ku faantaa waxa aan diiday hebel iyo hebel iyo hebelo.
– Haddii labadaada saaxiib is khilaafaan, ha kala xukumin adigu, waayo waxaa hubaal ah in aad midkood waayi doonto, laakiin haddii labadaada cadow murmaan, kala xukun, midkood ayaa aad kasban doontaa.
– Adduunyada dumar baa loo abuuray; marka aad dhalato dadku waxa ay ugu hor waraysanayaan caafimaadka hooyada, marka aad guursato waxa ay waraysanayaan quruxda gabadha, haddii aad dhimatana imika carruur ah ayaa uu gabadha uga tegey ayaa ay is weydiinayaan.
– Nolosha ha iskaga dhigin dhab, haddii kale nolosheeda kuma sii jiri kartid.
– In aad jeclaato oo aad hesho qofkii aad jeclaatay, waa macaanka ugu weyn dunida, laakiin in aad jeclaato oo aad weydo qudheedu waa macaanka labaad ee nolosha.
 HOME

Post a Comment

0 Comments