Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Juxa Iyo Da’diisa – Sheeko Qosol Badan


Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Juxaa waxaa soo martiyey niman saaxiibadiis ah, markaas baa Juxaa martidii si fiican u sooray isagoo cunto iyo cabitaanba siiyey.

 Markii la dhamaystay cuntadii baa sheeko la bilaabay, muddo ka dib baa nimankii mid ka mid ah weydiiyey Juxaa: “inteed jirtaa adigu Juxaayow”. “40 sano ayaan jiraa” buu juxaa ku jawaab celiyey. Cabaar ka dibna martidii waay iska tagtay.


Muddo 10 sano ka dib ah bay nimankii hadana juxaa soo martiyeen, sidooyoo kale ayaa la wada sheekaystay oo hadana juxaa la weydiiyey intuu jiro isna 40 kii sano ayuu ku jawaab celiyey, nimankii way yaabeen waxay is yidhaahdeen ninku ma koro miyaa? Juxaa da’a ahaan markaas 50 ayaa u buuxsami lahaa.

Hadana sidoo kale ayaa nimankii malin 3aad soo martiyeen, hadana sidiiyoo kale ayey u weydiiyeen intuu jiro isna wuxu ku jawaabay intii oo kale oo 40 jir baan ahay buu yidhi. Nimankii waxay yidhaahdeen juxaayow adigu 40 sano ma dhaaftid miyaa waan kula yaabanahaye. Wuxu ku jawaabay Juxaa sidan
Haadad nin weyn tahay inaad kala hadasho ma fiicna waa in hal hadal laguugu yimaado, ma jecli anoo nin weyn ah inaan sanadba af ku hadlo


@Wiyeer-yar - Xamse Baashe

Post a Comment

0 Comments