Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Maxaad Ka Taqaanaa Nolosha Uu Ku Nool Yahay Qofka La Cidleeyay Sida Single Mother-ka..!!


Intaan u gudbin jawaabta badanaa laga bixiyo su’aashaan, aan iftiimiyo sida eraygaan loo yaqaano hooyada kaliya oo ubadakeeda daryeesha iyada uun ugu so badatay bulsha soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada reer galbeed, markii hore eraygaan waalidka kaliga ah ee ilmahiisa korsada aad loogama aqoon jirin bulshada soomaliyeed ama aad ugu yaraan jiray waayihii hore ee bari samaadka.

Hadaba hadii aan usoo laabto jawaabta su’aasha ayaa waxay tahay hooyada kaligeed daryeesha ubadkeeda iyada oo aan caawinaad ka helin marnaba waalidka kale.
Waalidka kaliya ee ubadkiisa daryeela ayaa ku imaada siyaabo kala duwan, waxaana ka mid ah
1: Burbur ku imaada qoyska
2: Dhimasho ku timaada labada waalid midkood
3: In ay kala xanaaqaan labada waalid
4: Labada waalid midkood in uu dayaco caruurtiisa
5: Labada waalid in uu barto midkood ama labadaba balwadaha dadka disha kadibna ilmaha ee dayacaan iyo waxyaalo kale oo badan.
Hadii uu ku imaado qooska burbur caruurta ayaa waxaa soo wajahda nolol dhibaato badan, caruurta kusoo kora afartaan dhibaato oo aan soo sheegnay aya markasta waxay aad kaga duwan yihiin caruurta kale ay soo koriyeen labadooda waalid, hadii ay ahaan laheed dhanka aqoonta, dhanka aqlaaqda, iyo niyad jab ku jiro had iyo jeer cunaga aan nasiib uhelin in uu helo daryeelka labadiisa waalid.
Dhibaatooyinkaan lixaadka leh ee soo gaaray ubadkeena soomaaliyeed aya aad baryaan ugu soo batay wadamada reer galbeedka, iyadoo waalidka badankood aysan ku baraarugsaneen arimahaan dhibaatada ku haaya caruurta soomaaliyeed
Labada waalid ee ku nool wadamada reer galbeedka ayaa waxa loo baahanyahay had iyo jeeraale in ay ka fikiraan caruurtooda dhiibatada soo gaareesa iyo mustaqbalkooda.
Ma ahan wadamada reer galbeedka aan ku nool nahay wadamo la mid ah wadankaynii aan ku nooleen, waa wadamo laga sii fakiro caruurta mustaqbalkooda iyo in lagula dadaalo waxbarashadooda.
Waalid kaliya madabooli karo baahida caruurta ku nool wadamada reer galbeedka, inkastoo lagaa kaalmeenayo qarashaadka ku baxa caruurta, sida qarashka waxbarashada, kan caafimaadka iyo kan kirada guriga, laakin cunaga waxa uu usii baahanyahay in lageeyo iskuulka laga soo celiyo, hadii uu jirado la ogaado lageeyo isbitaalka, waxbarashada lagu koontaroolo, la geeyo melaha beeraha caruurta ku ciyaaraan, loo sheekeeyo, dhaqankooda labaro, afkooda labaro, iyo inbadan ee usii baahan yihiin, intaana masameen karo waalid qura,
Hadii uusan helin ilmaha waxkasto uu ubaahan yahay oo lagama maarmaan ah, ilmahas waxa uu ka hoos marayaa ilmaha uu la noolyahay ee haysta daryeelka labadooda waalid.
Waxa xal loo la’yahay arimaha loo yaqaano waalidka kaliya oo kusoo badanaya jaaliyadaha soomaliyeed ee ku nool North-Amerika iyo Europe.caruur badan oo kusoo kortay nolosha waalidka kaliya aya hada aad uga hooseeya caruurta kale ee labadooda waalid la nool, inta badan caruurta nasiib daradaan ku dhacday aya waxay geestaan dhibaatooyin badan taas ay ka danbeeso noloshii dhibaatada badneed ee ay soo mareen ayaga oo markasta noqda kuwo aan arxan laheen.
Sanadkasta waxa dhaqan celin loo geeyaa caruurta soomaliyeed wadamada afrika iyo wadamada carabta iyada aan horay looga si fikirin waxa keenay markii hore arimahaan
Waxa kusoo afmeerayaa maqaalkayga ku saabsan Single Mother ama Single Father in waalidiinta soomaliyeed ee u tanaasulaan caruurtooda mustaqbalkooda, iyo in ay muujiyaan dulqaad Iyo Karti dheeraad ah.



Post a Comment

0 Comments