Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Qalanjada Kuuma Qalanto Ane Ii Qeybsami Meeyso Sheeko Cajiib Ah ’ Qeybtii 1aad & Qalinkii WaaSuge”

Aduunyadu waa filim socda oo qof walbaahi qeyb ku leeyahay, hadaba aqristoow ku soo dhawaada sheeko ugub ku ah shabakada KobCiye.Com isla markaana aan filaayo in indho fara badan ku noqon doonto ugub, waayo sheekadaani qaybaheeda kala duwan waxaad ku arki doontaa, hadii aay qayaano jirtay, hadii qof la tunto xaquuqdiisa iyo waliba, qof la aaminay balse isu qoondeeyey waxii lagu aaminey, yaanan ka hor dhicin hadba meesha aay nala gaadhi doonto sheekaduye la socosho wanaagsan habeen kasta oo axadi soo galeyso.

Tan iyo markii nolosha miyigu adkaatay dalkana aafeeyeen abaaro is daba joog ah iyo waliba colaad had iyo jeer irmaan ah waxaa meesha ka baxay qof waliba hankiisi dhab ahaaneed iyo mawqifkiisii aduunka ka lahaa taasina waxa aay sababtey amaba kaliftey in dad badani ku noolaadaan nolol wajiyo badan maalin meel ah.
Faarax oo ahaa wiil dhalin yaro ah kuna dhashay miyiga dalkeena hooyo ee soomaaliya waxuu soo galay magaalada ka gadaal cosdi uga yimid adeerkii ‘Cilmi’ oo xoogiisa u baahnaa una balan qaadey nolol ka wanaagsan midi baadiyaha ee uu aqoonta wanaagsan u lahaa isla markaana ku soo bar baarey. A
mar waalid had iyo jeer kaa wayne faarax wuu ogolaadey oo yimid magaaladii uu ku noolaa adeerkiis iyo qoyskiisa. !!
Faarax si wanaagsan buu ula qabsadey magaalada waxuuna garab wayn ka geystay sara u qaadida ganacsiga adeerkii oo aheed sababtii loo keeney magaalada waxuuna u dhax galay bulshadii uu la noolaa ee xaafada. Faarax waxa uu noqdey wiil aad ugu fir fircoon shaqada oo aan ka daalin, xili aad loogu soo xoomayo shaqada marka uu joogo, barxada wayn ee ganacsigiisa horteeda aheedna way kaamili jirtay gabi ahaanba.
Hagaag sidaa waxa uu xaalku ahaadaba faarax waxuu hab dhaqan wanaagsan kala kulmey adeerkii iyo qoyskiisa oo waxa uu xaafada ka ahaa sida curadkii cida, taasina waxa aay kaliftey is aaminaad baaxad wayn iyo isu furnaan had iyo jeer ha ka dhax dhalato faarax iyo qoyskii adeerkii Elmi.
Waa talaabo horey usoco ah adeer elmi waxa uu mararka qaar abaal marin gudoon siiyaa faarax asagoo ku dhiira galiya in aay yahiin ul iyo diirkeeda ee uusan marnaba dareemin cidlo iyo marti si uu usii laba jibaaro dadaalka uu haatan hayo.
Sidaa waxuu xaalku ahaada maalin maalmaha ka mid ah faarax waxuu kasoo qayb galay xaflad qalan jabin ah oo iskuulkiisa ka dhaceysay ka dib markii qayb ka mid ah ardaydii iskuulka qalin jabisey, faarax galabtaa waxa aay uheed baraare iyo barwaaqo, waa mide wali ma uusan arag isu imaansho ceynkaan ah iyo dhiira galinta waxbarashada hadba ardayda kii qalin jabiya, waa tan labaade faarax goobtii waxuu kula kulmey ‘Nadar’ oo aheed gabar aay kaga dhacdey kulankii ugu horeeyey iyo is aragii ugu horeeyey ee uu la kulmo.
Faarax waxuu kasoo laabtay xafladii asagoon kaamil ahayn waxuu sii jeedaaliyaa hadba sawirkii gabadha iyo muuqeeda ilaa ifku dumo gaarana meel aan la iskaga jeedin, dib ayuu u yimid xaafada oo sii abaarey halkii shaqada, mar kasta waxuu qooraansanayaa xasuus kooban iyo qaab muuqaaleedkii nadar iyo dhismaheeda.
Balse taasi waa u gaar iyo u gooni oo nadar arinkaani waa ka qabaar moog, maba ogsoono in aawadeed loo dawaqay oo inan carbon walina aan u cayaar tumin haasaawa aragtideedi koowaan is yiri ka war doon kana sal gaar halka aay kula gaadho, waxay si caafimaad qabto ugu laabatay gurigeeda isla markaana sii dhax maquurataa nolosheedii caadiga aheed, waxaa intaasi kuu dheer in nadar aaysan ka mid ahayn ardayda wax ka barada machadka oo aay soo raacdey saaxiibteed oo ka mid aheed dadka qalin jabinaayey galabtaas.
Taasi waxa aay dhabar jab ku tahay sahanka faarax oo waxuuba ku dhibtoonayaa qaabkee u baadi gooobtaa qof aadan magac iyo muuqaal garanayn, isla markaana aan iskuulka dhigan iyo waliba qofkii aay soo raacdey oo qudhiisu ka ilaadey waxbarashada qeybtii iskuulka, dhamaan su,aalahaasi waxa aay jawaab ka sugaayaan waa faarax, balse aan dooda idinla wadaagnee qaab ceynka ah ayaad aqriste isleedahay faarax wuu ku baadi goobi karaa nadar ama shaqsiyan hadii aad ahaan laheed faarax maskax nuucee ah ayaad adeegsan laheed.?
Qaybtii 1aad ee sheekada intaas ha inoo joogto inta aan axada danbe kulmi doonana waa saaxiibkii waasuge oo dhamaantiinba idin wada leh, waan idiin soo wada xiisi doonaa hadii Allaha awooda leh raali ka noqdo. !
La Soco Maalmaha Khamiista, Sabdiga iyo Tallaadada
Qalinka: Ismail Abdi Aden “WaaSuge”
Dhaxalka: Lamaane Soomaaliyeed
Shimali02@hotmail.Com

Post a Comment

0 Comments