Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Sheeko Aad U Qiiro Badan (Calaf Iyo Jacayl) !!



5:00 galabnimo ayey si kadisa u kulmeen khaalid iyo hoodo, islamarkaa waxay ku kulmeen goob hotel ah oo uu khaalid ka shaqayn jiray wuxuna ka ahaa (witer) mudalab.
 khaalid wuxu ahaa wiil aad u wanaagsan wuxuna ka mid ahaa aradayda loogu jecelyahay jaamacada, khaalid waa bulshaawi xadaari ah, khaalid waa danyar balse kama muuqato oo qalbiga ayuu qani ka yahay, khaalid galinka hore wuxu tagaa jaamacada galinka dambana wuxu ka
xoogsadaa hotelkan, hoodo marnaba kamay filayn inay halkan oo kale ku aragto, balse waxay u khushuucday siduu iskugu kalsoonyahay una ilaashanayo shaqadiisa iyo waxbarashadiisa inkastoy markii hore qalbiga iskala hadashay oo ay is tidhi khaalid muu iska kaa qariyo.
Khaalid wuxu aad ugu farxay aragtida hoodo wuxuna u arkayey inay tahay fursad dahabi ah, sababtoo ah wali qalbiga khaalid muu soo ban dhigin ujeedadiisa uu ku doonayo hoodo, khaalid wuxu isku dayey inuu hoodo u sheego inuu arin muhiima u leeyahay balse waxa jaaniskii uu quud-daraynayey ka dhicisaysay gabadh habaryar u ah hoodo oo la socotay oo uu meel uu ka maro waayey, fursadaasina halkaasay ku dayacantay.
Hoodo waa gabadh khaaligu ku manaystay qurux oo jidhkeega laga ilaaliyey xubin la noco, hoodo waa gabadh xishood badan oo hadal gaaban isla markaana waalidked ku soo koriyeen tarbiyad wacan taas oo dhalisay inay noqoto gabadh had iyo jeer asturan, waana hablaha dhifka ah ee ugu ixtiraamka badan jaamacada.
koox uu khaalid ka mid yahay waxay abaabuleen in ardaydu u baxdo dalxiis, sidaa darteed professor aadan arintaa wuu ansixiyey waanuu ka ogolaaday dalxiiskaa.
Abaaro 5 subaxnimo ayuu khaalid u kacay tabaabushe iyo is diyaarin uu isku diyaarinayo dalxiis la magac baxay (dalxiiskii caashaqa ) waa koox dhalinyaro ah isla markaana ku bahoobay jaamacad ay wada dhiganayeen, waxayna ka koobnaayeen 15 wiil iyo 10 hablood, waa dalxiis si farshaxanimo leh loo soo diyaariyey, waxa kooxda dalxiisaysa hogaaminaya professor ka mid ah macalimiinta jaamacada.
dhamaan kooxadani aad ayey u xiisaynayeen dalxiiskan, waxayna in badan sugayeen wakhtiga la baxayo oo ku beegnayd 14/6/2010 waana maalin salaasa ah, qof kasta oo ka mid ahaa dalxiisayaashu aroor horaba wuu is diyaariyey, xiisaha iyo xamaasada ay u hayaan awgeed, waxa isna diyaar ahaa gaadiidkii ay raaci lahaayeen oo kala ahaa bas iyo lankaruusar.
Wakhtigu waa gu’ dhulkuna aad ayuu u roobanyahay, goobta dalxiiska loo tagayaana waa dhul badanaa dadku u dalxiis tagaan, waxayna caan ku tahay bad, buuro, durduro iyo dhul cagaaran oo geedo leh.
saacadu markay maraysay 6 subaxnimo wuxu qof kastaa heegan ku ahaa kursiga gaadhiga, professor aadan markuu hubsaday in ardaydu dhantahay ayuu fadhiistay kursigii loogu talo galay, 6:30 subaxnimo ayey ka ambabexeen magaaladii ay joogeen.
Dhamaan dalxiisayaashu waxay sitaan sahaydoodii, aad ayey ugu faraxsanyihiin dalxiiskan, intay jidka ku sii jireen waxay gudaha baska ka bilaabeen hadalo kaftan ah, dhamaan waa dhalinyaro waxa farxadooda u dheereyd labiska quruxda badan ee ay xidhan yihiin, muddo 3 saacadood ah ayey ku qaadatay inay gaadhaan meeshay u socdeen.
Markay dhamaantood dhulka cagaha soo dhigeen waxay indhaha la raaceen muuqaalka yaabka leh ee dhulkani leeyahay iyo neecawda macaan ee ka dhacaysa, waa goor barqo ah jawiguna aad u macaan yahay, professor aadan wuxu ardayda ku war galiyey inay fasax u yihiin bilowga dalxiiska wuxuna uga digay meelaha khatarta ah, kadib ardaydii iyagoo isku qaybiyey dhawr kooxood ayey koox waliba jiho u dhaqaaqday.
Khaalid wuxu ka mid ahaa ardayda ugu mudakarsan jaamacada, isla markaana wuxu ka mid ahaa xubnihii fikrada keenay in dalxiis loo baxo, balse khaalid maalintani waxay u ahayd maalin ka duwan maalmaha kale, sababtoo ah waxa maalintan ku cusbaa dareen xiiso galiyey naftiisa, oo markuu baska ka soo dagay indhihiisu waxay si toos ah ugu dhaceen hoodo, oo intay ardaydu dhulka daawanaysay isagu wuxu ku jeeday gabadhan, falaadhaha cadceeda iyo laydha macaan, jawiga xasiloon iyo labiska qurxoon ee ay hoodo wadato iyo farxada ka muuqata, ayaa mar kaliya iskugu beegmay, waxa halkaa ka dhalatay in khaaalid uu dareemo xiiso iyo kalgacal saayid ah.
Maadaama ay hoodo tahay gabadh aad loo ilaaliyo waxa maalintana la socotay habaryarteed, waxana adkaatay siduu khaalid ula kulmi lahaa hoodo, Waxa galinkii hore la soo wareegaba waxay gaadhay duhur, islamarkaa waxa dalxiisayaashii lagu war galiyey inay dhamaantood iskugu yimaadaan geed damal ah oo aad u wayn hadhkiisuna wanaagsan yahay, si loo qadeeyo, khaalid wuxu codsaday inuu isagu qaybiyo cuntada waayo wuxu wali raadinayaa fursad uu kula hadlo hoodo, khaalid wuxu cuntadii qaybiyaba wuxu soo gaadhay bartay fadhiday hoodo wuxuna la kulmay hoodo iyo habaryarteed iyo wiil kamid ah dalxiisayaasha oo gooni u fadhiya, isagoo qalbiga ka naxay ayaa waxa dhagihiisa ku soo dhacay hadalo ay is waydaarsanayeen 3 qof oo ah (habaryar wiilkan inaad aqbasho ayaan kula jecelahay) !!!!!
Khaalid isagoo ka biyo diiday wiilkan hoodo loo sasabayo ayuu cuntadii u dhigay, marku dib u laabtay ayey la hadashay hoodo waxayna ku tidhi walaal waxba maad cunine nala fadal, khaalid intuu yidhi mahadsanid ayuu iska dhaqaaqay, markii la qadeeyey ayaa waxa la bilaabay sheekooyin iyo kaftan goos goos ah, balse khaalid kamuu qayb galin, goor ay casarkii tahay ayaa loo dareeray dhulkii lagu dalxiisayey, balse khaalid kamuu qayb galin wuxuna kaligii joogaa baabuurta agtooda, hoodo waxay dhalintii ka dhex wayday khaalid waxana loo sheegay in khaalid ku sugan yahay baska dhexdiisa, hoodo intay habaryarteed ku tidhi waan soo noqonayaaa ayey khaalid oo kaligii ah u timid.
Khaalid isagoo isla maqan ayey hoodo ku soo jeedisay cod dabacsan, khaalid wuu farxad naxay waxa madaxa ka fuqday qolof wayn tin iyo cidhibna wuu jidhidhicooday, kadib waxay hoodo su’aashay waxa dadka ka reebay, isagoon jawaabin ayey hadana waydiisay dhawr su’aalood, balse khaalid intuu qalbiga iskala hadlay ayuu go’aansaday inuu badheedhihiisa cadeeyo, wuxuna yidhi:  Walaal hoodo muddo sanad ahba waxaan rabay inaan kula hadlo balse iimay suuro galin, hayeeshee waxaan maanta kuu sheegayaa inaan aad kuu jeclahay, waan ogahay inaad wadanka ka dhoofayso, waxa kaloon ogahay in reerkiinu doonayaan inay kuu dhisaan wiilkii aad qadada wadaagayseen, hase ahaatee waxaan ahay qof kuu boholyoobay oo ilaa xad ku jecel, balae go’aanka adigaa iska leh, hoodo waxa ku duxay hadalada khaalid iyo kalgacaylka uu la hoos joogo, isla markaa hoodo kumay dagdagin go’aankee waxay khaalid usoo jeedisay inuu sheekadaa dib u dhigo oo uu ka qayb qaato dalxiiska.
Khaalid waxa qalbigiisa saaqay dareen farxadeed wuxuna ka ogolaaday inuu dalxiiska ka qayb qaato.
Khaalid iyo hoodo way wada socdaan, socod qabaw ayey ku laafyoonayaan, waxayna is waydaarsanayaan kaftan kalgacayl ka muuqdo, iftiinka cadceeda oo jihada galbeed ka xigta iyo dhulka cagaaran iyo jawiga xasiloon iyo neecawda macaan ayaa muujiyey shacnigooga, oo midba midka kale ayuu hoosta ka eegayaa, waxa kusoo lug daray koox ardaydii ka mid ah oo aad ugu khushuucay siday iskugu soo baxeen, markiiba waxa lala boobay sawiro, farxada iyo qosolka iyo raynraynta ka muuqataa waa mid saa’id ah, wiil ka mida ardayda ayaa si kaftana u yidhi dalxiiskeena waxa aad u nuuriyey khaalid iyo hoodo, inta la qoslay ayey gabadh kalana tidhi wacnaan lahaydaa haday lamaano noqdaan, waxay tamashleeyaanba waxa meel gaaban kaga soo baxday hoodo habaryarteed iyo wiilkii lala rabay, waxayna dareemeen in labadan xidhiidh ka dhexeeyo.
Wiilkii hoodo lala doonayey wuxu isku dayey inuu hoodo gaar ula baxo balse intaanuu la hadal ayey ardaydii su’aalo kala hor tageen wiilkii, waxayna waydiiyeen ka waran siday iskugu nuurayaan khaalid iyo hoodo? isagoon jawaabin ayaa arday kale ku yidhi saaxiib haday lamaane noqdaan sideed ugu hambalyeyn lahayd? wiilkii markuu arkay halkay xaaladi marayso ayuu si dhab ah u qancay, wuxuna yidhi farxadiinu waa farxadayda.
Ardaydii oo farxadoodu xadka dhaaftay, khaalid iyo hoodana dhoola cadayn isku jaleecaya, ayaa abaaro 5:30 galabnimo professor aadan dhamaantood ku war galiyey inay si dagdaga u diyaar garoobaan, isla markaana baabuurta fuulaan.
waxa goor habeenimo ah ay soo galeen magaaladii, qof waliba isagoo farxad la il daran ayuu gurigiisii tagay, khaalid laftiisuna isagoo kolba xasuusanaya farxadii dalxiiska, isla markaana is waydiinaya jawaabta kasoo bixi doonta hoodo ayuu gurigoogii tagay.
balse hoodo waxa markiiba su’aashay habaryarteed waxayna waydiisay waxa labadooda ka dhexeeya, hase ahaatee hoodo may jawaabin, markay guriga fooda galisayna waxa lagu salaamay in fiisihii usoo baxay oo 3 cisho dabadood baxayso, hoodo wax waliba kadis bay ku noqdeen, waxayna wayday wakhti ay go’aan ku gaadho.
Ardaydii markay markay maqashay in hoodo wadanka ka dhoofayso waxay abaabuleen xaflad sagootin ah, oo lagu macasalaamaynayo hoodo, khaalid wuxu ku go’aansaday inuu caawa war cad kasoo qaado hoodo, aad ayuu u labisanyahay wuxu gacanta ku sidaa ubax guduudan iyo hadiyad uu ugu talo galay hoodo.
Hotel ayaa layskugu yimid ardayduna way dhantahay hoodana kama maqna, laakiin waxa la sugayaa khaalid oo ahaa shakhsi aad loo taageero, cabaar markii la sugayey aadna loo raagsaday, ayaa lagu tashaday in xaflada la bilaabo wakhtiga oo yar awgeed, hoodo u qaadan waa ayuu ku noqday maqnaanshaha khaalid, sababtoo ah waxay doonaysay inay khaalid go’aan cad ku kala tagaan oo ay hubsato inuu caashaqu ka dhab yahay, maadaama ay bariba 10 ka subaxnimo diyaarada ku qoran tahay.
Xafladii way dhamaatay waxayna ardaydii si meeqaam sare leh ku sagootiyeen hoodo, waana lagu kala dareeray.
Wiil iyo gabadh ardayda ka mid ahaa ayaa is waydiiyey maqnaanshaha khaalid waxayna tageen gurigii khaalid balse dadkii guriga joogay waxay yidhahdeen khaalid intuu labistay ayuu fiidkii naga baxay, labadii arday waxay damceen inay baadidoonaan laakiin meel ay u dhaqaaqaan ayey garan waayeen.
khaalid cid ka warhaysaa ma jirtee qadarbaa ku dhacay, oo fiidkii isagoo xaflada ku soo socda ayuu la kulmay laba nin oo budhcad ah oo isku dayaya inay gabadh xoogaan, khaalid damiirkiisa ayaa siin waayey inuu iska dhaafo miskiintan budhcadu heshay, wuxuna ka damqaday dhawaaqa kasoo baxaya gabadhan oo ah (ala walaal iga qabo) khaalid wuxu bilaabay inuu difaaco gabadhan, aad ayey u dagaalameen, laakiin khaalid waxay madaxa kaga dhufteen dhagax, wuxuna ku dhacay dhulka waanuu miir doorsoomay, budhcadii markay aragtay in aanuu far dhaqaajinayn ayey baxsadeen iyagoo ka baqday in naftuba ka baxdo, khaalid waxa halkii ka qaaday niman ay u yeedhay gabadhani waxana la dhigay dhakhtarka.
3 habeenimo ayuu indhaha kala qaaday khaalid oo uu soo miiraabay, wuxu isku dayey inuu kaco balse kalkaaliyihii dhakhtarka ayaa ku yidhi waa saqdhexe waanad dhaawacan tahay ee intuu waagu baryayo ma bixi kartid, 5 tii subaxnimo waxa khaalid u yimid gabadhii uu daraadeed halista u galay oo ay la socdaan dad badani, markay xaaladiisa arkeen inuu nool yahay ayey gabadhii waydiisay khaalid reerkooga iyo meel lagala xidhiidho, laakiin khaalid wuxu gabadhii ka codsaday inuu fariin u dhiibo, fariintaas oo ku socota hoodo, way ka aqbashay waxayna u dhaqaaqday gurigii hoodo oo uu usoo tilmaamay.
Waxay raadisaba goor ay 8 dii aroornimo tahay ayey aragtay guri baabuur hor taagan yahay oo gaadhiga alaab lagu gurayo, waxayna waydiisay dadkii gabadh hoodo la yidhaa, waxa lagu yidhi gudaha ayey ku jirtaaye hore u soco.
gabadhii markay gudaha gashay waxay isha ku dhufatay laba hablood oo wada hadlaya, midi waxay leedahay ninkaasi waa beenaale oo way cadhaysan tahay, mida kalana waxay leedahay walaal hoodo shaydaanka iska naar, laakiin gabadhii fariinta siday ayaa tidhi idinkoo raali ah hoodo waatee, intay labadooduba soo jeedsadeen ayey hoodo tidhi waykan, gabadhii waxay tidhi isma garanaynee fariin ayaan kuu sidaa !!!!
Hoodo ayaa tidhi yaa kuu soo dhiibay???? gabadhii ayaa tidhi wiil khaalid la yidhaa ayaa iisoo dhiibay, hoodo markii horaba way cadhaysnayd markay magiciisii maqashayna waxay tidhi ma arki karo mana maqli karo ee u celi fariintiisa, balse hoodo saaxiibadeed ayaa tidhi hoodo waa ku sidee ma adoon waxba hubsan ayaad cadhoonaysaa, hoodo iyadoo cadhaysan ayey saaxiibadeed ku hor akhriday fariintii, waxana ku qornayd (walaal hoodo hadaan ku calfan waayey waa nasiibe ducaan kugu ogahay) hoodo markay kalmadaasi dhagaheega ku dhacday ayey qalbiga ka naxday, daqiiqado markii la aamusnaa ayey gabadhii fariinta siday isku dayday inay iska noqoto, laakiin intayna dhaqaaqin ayey dib usoo jeedsatay waxayna tidhi walaal hoodo khaalid iimuu sheegin gurigooga ee kiina ayuumbuu ii tilmaamay ee ma ii tilmaami kartaa, si dadkoogii uga war helaan waayo dhakhtarku wuxu sheegay in qaliin dagdaga lagu samaynayee, mar labaad ayey naxday hoodo, hadalna wuu kasoo bixi waayey oo shoog ayaa qabsaday, laakiin hoodo saaxiibadeed oo iyaduna naxsan ayaa tidhi walaal waxa dhacay maad noo sheegtid, gabadhii way u warantay siday wax u dheceen iyo xaaladuu ku suganyahay imika, iyo siduu hoodo uga warwarayo.
Hoodo jacayl oodihiisa wataa dabarka ku soo goostay, wuxu beerkeegu hayn waayey waxa la sheegayo, kalgacayl aan yaraynbaa ku habsaday, tin iyo cidhib dhidid baa qooyey, kal iyo laab jidhidhico jacaylbaa isku jabisay, indhahana ilmo aan xad lahaynbaa kasoo daadatay.
Hoodo iyadoon dhana eegin ayey dhakhtarkii gashay, waxay aragtay ardaydii jaamacada oo dhamaan wada jooga oo aad u murugaysan, waxay is tidhi malaha wuu dhintay, oo qof ay wax waydiiso ayey garan wayday, balse professor aadan ayaa si dagan ula hadlay, wuxuna u sheegay inuu noolyahay balse qolka qaliinka uu ku jiro.
Hoodo iskadaa diyaarad iyo dhoofe nafteedii ayey ilowday, habaryarteed oo ka daba timid una sida fiisihii iyo baasaboorkiina intay ka qaaday ayey halkii ku googoysay.
nasiib wanaag khaalid wuu soo kacay waxa usoo galay ardaydii oo dhan waxa ag fadhida hooyadii, hoodo farxad iyo yididiilo ayaa gashay, laakiin waxay wayday awood ay qolkii ku gasho, balse professor aadan ayaa niyada u dhisay oo ka caawiyey in mar uun indheheegu qabtaan.
ugu dambayn waxay noqdeen lamaane nolosha qaybsada isla qaybsada, waxa u bilaabantay nolol cusub, sanad walbana waxay u dalxiisi jireen goobtii la magac baxday (dalxiiskii caashaqa)
Waxa soo Tabiyey: Akram Cabdalla



Post a Comment

0 Comments