Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Si Uu Bulshadda Magaaladiisa Wax Uga Ogaado Ayuu Iskaga Dhigay Dawarsadde Bilaa Guri Ah


Nin Muslim oo ah qorayaasha internet-ka wax ku daabaca (blogger), ayaa si uu qiimayn iyo xog u helo wuxuu xidhay khamiis, kadibna waxa uu dhex fadhiistay mid ka mid ah waddooyinka ugu waaweyn magaalada London ee dalka Ingiriiska, isagoo dawarsade iska dhigaya, waxaannu uga oo baxay xog aannu filayn. Ninkan tijaabada sameeyey oo magaciisu yahay Mr. Xassan Saleemi, waxa uu iska duubay muuqaal intii uu goobtaas fadhiyey. Waxa uu is hor qabtay boodh ay ku qornayd ‘I’m Homeless’ oo macnaheedu yahay hoy ma lihi amma bilaa guri ayaan ahay.


Intii uu goobta fadhiyey waxa dhaafay oo aan xataa eegin dad badan oo jidka marayey, halka kuwo kalena inta ay istaageen xaaladdiisa ka waraysanayeen, aakhirkiina waxa u yimi u fidiyey dalab ah inuu ka aqbalo cunto. Sidoo kale, saddex hablood oo u yimmi mid ka mid ah waxa ay siisay £50 giniga Ingiriiska ah. “Waxa aan ku dhashay, kuna koray London, waligayna ma arag cid dhaqannada taban igula kacda, tana waa ta aan doonayey in aan bal wax ku baadho,” ayuu yidhi 23 jirkan qoraaga ah oo ka qallin-jebiyey Jaamacadda Middlesex University ee dalka Ingiriiska. Muuqaalkan waxa uu ku baahiyey bog ka mid degelka ballaadhan ee Youtube oo la yidhaa Channel Hstar Vlog, Jimcihii toddobaadkan oo Jamhuuriya soo xigtay, iyadoo dad aad u badan ay daawadeen muuqaalkaas tijaabada ah.

Mr. Saleemi oo qoyskiisu ka soo jeedo dalka Pakistan, waxa uu sannado badan samaynayey muuqaallo, balse tani waxa ay ahayd tii ugu horraysay ee uu isagu tijaabo isku sameeyo, waxaannu yidhi; “Waxa aan fadhiyey saacad ku dhawaad waqtigaas waxa xaaladdayda ka soo war helay 15 ilaa 20 qof oo ii yimmi. Waa muuqaalkii ugu horreeyey ee aan sameeyo ee aan fal-celin badan ka helo.” Wiilkan yar waxa uu tijaabinayey bal xaalad dadka Muslimka ah markay hannaankaas u lebbistaan helaan, waliba waqtiyada ay dhibaatayan yihiin, waxana u soo baxday in bani’aadaminimadu tahay wax aan dhammaan.



@Wiyeer-yare - Xamse Baashe 

Post a Comment

0 Comments