Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Xikmaddo Iyo Hal-kudhigyo Laga Qoray Dad Hore Oo Adduunkan Soo Maray


Qormadan waxa aynu ku eegaynaa hadallo xikmad ah oo laga soo xigtay dad taariikhda dunida caan ku ah:
– “Weligayba ujeedkayga kama aan baydhin. Waa uun dhowr tallaabo oo aan dib u faagtay, si aan bootintayda u dheereeyo” Sigmund Frued. Guuldarradaada u
aqoonso in ay tahay uun sida dib u gursashadaas aad doonayso in bootintu kuu dheeraato.
– “Si aad riyadaada run uga dhigto, waxa ugu horreeya ee ay tahay in aad samaysaa, waa in aad baraarugto” Andrew Carnegie.
– “Awood waa in aad carrabkaaga ka adkaato marka aad cadhooto” Napoleon Bonaparte.
– “Jacaylka weligaa ha hiifin, waxaa hiifka leh qofka aad u dooratay jacaylkaaga, ee jacaylku eed malaha” Nasaar Qubbaani.– “Guul waxa uun gaadha kuwa isku daygooda joogto ka dhiga, iyaga oo arrimaha dhinaca togan ka eegaya” Friedrich Wilhelm Nietzsche

– “Ninka cuskada gabadh jecel, weligii ma dhaco” Mark Twain.
– “Waxa aad kulligii xaqa u leedahay, badhkii ha ku qancin” Jubraan Khaliil Jubraan.
– “Ma jiro qalbi aan ka hooyadaa ahayn oo duruuf kasta iyo waqti kastaba kuu soo jeedaa”
– “Ha quusan, waxaa dhici karta in waxa maanta ku xanuunjiyey, uu berri sabab u noqdo xooggaaga” Suqraad.
– “Marka uu Gudcurku jiro ayuun baad garataa cidda ay yihiin xiddigaha noloshaada ilayska u noqon kara”
– “Samayso bartilmaameed iyo himilo, aanay gaadhisteeda kaa hor istaagi karin duruufaha iyo dhacdooyinka ka soo soke maraa” Aldous Huxley


Post a Comment

0 Comments