Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Xog Laga Helay Xusuusta Dumarka Iyo Waxa Ay Kaga Duwanyihiin Ragga

Maxadka waddaniga ah ee caafimaadka ee dalka Sweden ayaa isaguna caddeeyey in qofka oo hurdo ku filan qaadan waayaa ama isaga oo hurdo intii uu u baahnaa ka badan seexdaa ay saamayn ku yeelato dabeecadda qofka, isla markaana keento khataro caafimaad oo ay ka mid yihiin wadne xanuun iyo macaan. In kasta oo aanay jirin saacad go’an oo rasmi ah oo loogu sheegi karo in dadka oo dhami hurdada uga baahan yihiin, haddana waxa ay khubarada caafimaadku ku celceliyaan in ugu yaraan toddoba saac uu qofku habeenkii seexdo

Cilmibaadhis cusub oo ay samaysay jaamacadda Uppsala ee dalka Sweden ayaa lagu ogaaday in dumarku ay hurdo la’aanta badan ka qaadaan xusuus lun, ay uga nugul yihiin ragga caafimaad ahaan la xaaladda ah ee iyaguna hurdadu ku yar tahay. 
Cilmibaadhayaasha ayaa tijaabooyin ay sameeyeen ku ogaaday in dhibaatada caafimaad darro ee hurdo la’aanta ka dhasha oo xusuus lunku ka mid yahay ay dumarka kaga badan tahay ragga. Xaaladaha kale ee ay dumarku si ragga ka badan u nuglaadaan marka ya hurdo la’aan badani heshana waxaa ka mid ah fiirada iyo baraarugsanaanta maskaxda oo ka lunta iyo diiqadda iyo xaalado nafsi ah oo ku yimaadda.

Xeeldheereyaashu waxa ay caddeeyeen in hurdo yaraantu ay keeni karto dhibaatooyin badan oo dhinaca caafimaadka ah, iyada oo cilmibaadhistani intii ay socotayna ay khubaradu ogaadeen in shilalka gaadiida ee ugu badan ee dunida ka dhaca, ay sababtooda runta ahi tahay hurdo la’aan uu darawalka gaadhigu tirsanayo.
Freda Rangtel oo ka tirsan waaxda caafimaadka dareenwadayaasha ee jaamacadda Uppsala ayaa xaqiijisay in hurdo la’aantu ay ragga iyo dumarkaba dhibaatooyin caafimaad ku keento, laakiin natiijadan cusub ee ay cilmibaadhistan imiku ogaatay ay tahay in dhibaatadaas aanay ragga iyo dumarku u sinnayn oo dumarka ay ku soo culustay.



Post a Comment

0 Comments