Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Xogta Dhacado London Ka Dhacaday Sanadkii Hore Oo Loo Bixiyey “Tuugonimadii Qarniga”


Wali booliska London waxa ay ku mashquul sanyihiin baadhitaanka waxa looo yaqaanno Tuuganimadii Qarniga . Boolsika Landon ayaa sheegaya inay heleen God laga qoday gidaar laguna tilmaamay in laga fuliyay tuuganimadii ugu layaabka badnayd qarniga.


Waxaana magacaa lagu dhawaaqay markii la xaday London oo waliba kamid ah meelaha ugu ilaalinta badan Dunida, waxay tuugadu u dheceen meel lagu kaydiyo Jawharadaha qaaliga ah iyo lacagta isku dar qiimahooda lagu qiyaasayo 200-Milyan oo Gini.

Qayb kamid ah muwaadiniinta ayaa waxay dahabkooda iyo luulkooda ku kayd sadeen sanduuqyo loogu tala galay iyaga, iyadoon magacyadooda la shaacin. Raggii tuuganimadaa gaystay waxay boolisku sheegayaan inay ka baxsadeen wadanka. Tuuganimadan ayaa u muuqata in la qorshaynayay muddo dheer , iyadoo markii ugu dambaysay ay ku guulaysteen tuugadu  inay  xadaan hantidaa aadka u faraha badan ee boqolaalka milyan gaadhaysa.

Qaar kamid ah dadkii hantidooda la dhacay waxay sheegeen inay maqleen Jalaska digniinta ah ee tilmaamaya in xaalad tuuganima ahi jirto, laakiin waxba kamay soo qaadin ;sababtuna waa kalsoonidii ay ku qabeen iyo meeshaas oo ahayd meel si wayn loo ilaaliyo;sidoo kale waxaa digniinta maqlay mid kamid ah ilaaladii goobta oo laakiin isna u qaatay in digniintu ay qof gacanta kaga dhacday oo ay si iska caadi ah u dhawaaqayso. Waxaase la sheegay meeshan la yidhaahdo “Hatton Garden” in hore dhawr jeer loo xaday oo dhibaato tuuganima ahi ka dhacday.


@Wiyeer-yare

Post a Comment

0 Comments