WAXBARASHO

Friday, September 28, 2018

Ha’yadduhu Miyey Inoo Daneeyaan Mise Way Inagga Daneystaan “W/q: Mr. Hamse Wiyeer-yare”

Dhawaan filo badhitaan buuxda oo Qoraa Xamse Bashe Wiyeer-yare, ku sameeyey Ha'yaddaha Caalamiga ah ee ku sugan dalka - Faa'iidadooda iyo waxyeelada ay ku reebaan Dalka. "Waxaad qormadan ka akhriyi kartaa inta badan Warbaahinta Online-ka iyo Wargeys-yada Dalka"



RE:Mee Anshixii Wanaagsanaa, Waa Maxay Darbi jiifkan Raga iyo Haweenka Iskugu jira Ee Hargeysi la ciir-ciiraysaa???!!!! Akhri sheekooyin Xaqiiqo ah W/Q: Mr.Hamse Bashe Wiyeer

Qof kasta oo Hargeysa kunool, gaar ahaan ka ag dhow meelaha suuqyada ahi, wuxuu subax kasta iyo habeen kasta indhaha ku dhuftaa kooxo dhalinyaro darbi jiif ah oo meel ku urursan kuwaas oo iskugu jira lab iyo dhedig, ama rag iyo haween, tanni dadka aniga ila midka ahi waxay dareemaan ka

XATOOYO: 50 Milyan Oo Qof Oo Isticmaala Facebook Ayaa Xogtoodii Gacanta Lugu Dhigay

Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in "ku dhawaad 50 milyan" oo qof oo adeegsada shabakadeeda xogtooda u dayacantay cillado farsamo oo xageedka ka timid awgood.

Tuesday, September 25, 2018

39 Qodob Oo Muhiim U Ah Nolosha Dhalinyaradda Guur-doonka Ah – Ibaro Waan Kubarane W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)


Hordhac:- 39 qodob, waxaan kasoo min-guuriyey ama kasoo dheegtay mid kamid ah Muxaadarooyin uu jeediyey Sheekh Maxamuud Xasan (Abu-dalxa), Illahay isaga iyo culimadda kale ee Islaamka cimriga ha u barakeeyee.
Muxaadarada sheekha oo Muuqaal ahayd lana duubay sanado badan ka hor, waxaan raadiyey wax qoraal ah in aan laga sameynin, waxaan la xidhiidhay

Sunday, September 23, 2018

Waayaha-Nolosha: Wuxuu Ahaa Arday Waxbarashadda Ka Saaqiday Laakiin Aakhirkii Wuxuu Soobandhigay Wax Indhaha Dunidda Ka Yaabiyey


Nin u dhashay dalka Masar oo waxbarashada tooska ah ee dugsiga loogu taag waayey, isla markaana raacay hankiisa oo ahaa inuu noqdo far-shaxan (artist), ayaa muddo saddex sannadood ah ku qaatay samaynta Kitaab uu aaminsan yahay inuu yahay qoraalka Qur’aan ee ugu dheer adduunka. Farsamo-yaqaankan oo magaciisu yahay Saad Maxamed oo inta badan caan ku ah sawir-gacmeedada, ayaa sameeyey  qoraal 700 mitir isu jira oo ka kooban Aayadaha Qur’aanku ka kooban yahay, marka la kala bixiyana waxay saddex jibbaar ka dheer tahay Dhismaha ugu dheer qaaradda Afrika

Saturday, September 22, 2018

Caqli Uu Adeegsaday Ayaa U Sahalay In Uu Ku Bedbaadsado Hanti Badan - Qiso


Nin Yuhuudi-Ruush ah  ayaa ka dhoofayay  madaarka Mosco, badhaaha Kastamka ayaa dharkiisa ka soo dhex saaray sanam yar, waxaana uu weydiiyay “ Muxu ahaa waxani “ . Yuhuudiga ayaa ugu jawaabay “ Ha odhan sidaasi, Ninkani waa Lenin , waana hogaamiyihi shuuciyadda khayrka iyo barwaaqada horseeday , waxaan u sitaa inaan ka barakaysto mar kasta oo aanan weligay ilaabin”.   Baadhaha ayuu hadalkaasi dareen ku reebay waana uu sii daayay isagoo ku yidhi waa sax iska soco.

Thursday, September 20, 2018

Xogta Siyaasiyiinta Ugu Hantida Badan Caalamka Iyo Xadigga Hantidooda (Q2aad) W/q: Hamse Wiyeer-yare


Waxa inoo socoday taxanihii xogta Siyaasiyiinta ugu hantida badan caalamka iyo xadigga hantida ay haystaan, qaybtii hore waxaan kusoo qaadaney shantii ugu siyaasi ee ugu horeeyey kuwaas oo kala ahaa: Vladimir Putin – Madaxweynaha Ruushka, Boqor

Saturday, September 15, 2018

Xogta Siyaasiyiinta Ugu Hantida Badan Caalamka Iyo Xadigga Hantidooda (Q1aad) W/q: Hamse Wiyeer-yare


Hordhac: Hore waxaan idiinkusoo bandhigay Siyaasiyiintii ugu caansanaa ee naftooda ku waayey siyaasadihii ay ku jireen dartood, kuwaas oo shirqoolo qarsoodi ah lugu laayey. Qaybtan maanta waxaan idiinkusoo bandhigayaa 10ka Madaxweyne ee ugu hantida badan madaxda caalamka, iyadoo boqorada wadamada carabtu ay kaalmaha sar sare uga jiraan liiskan.

Monday, September 10, 2018

SANAD WANAAGSAN 1440 - HAPPY NEW YEAR


Sanad kasta oo dhamaada waxaan ku sabootinaa eed,
oo sanad kasta oo dhasha waxaan u dirnaa riyooyinkeena si aynu usoo dhaweeyno,
sanad kasta oo dhamaadana waxa uu inaga tagaa isaga oo inala xun,
sanad kasta oo soo socda waxaynu sugnaa farxad,
sanad kasta oo tagaa waxa uu la

Saturday, September 8, 2018

Thursday, September 6, 2018

Siyaad Barre Libaaxii Afrika Sareeye Gaas ! MUQAALO CAJIIB AH ! AABE HII KACAANKA !

Dhawaan waxaanu idinsoo gudbi doonaa Muuqaalo iyo Dhacdooyin xiiso badan oo lugu xasuusan doono Madaxweynihii

Wednesday, September 5, 2018

Dumarka Shukaansiga iyo Jaceylka ku Cusub, khaladaadka Lama Filaanka leh oo ay Galaan


Dareemaha Jaceylka ayaa qalbiga haweenka ku bilaaba in uu ku ciyaaro iyadoo rabitaankaasi xoogan oo ku aadan in ay helaan qiso jaceyl oo ay ku noolaadaan ayay gabadhu raadineysaa qof ay weydaarsato jaceylkaasi ay rajeyneyso . Marka la fiiriyo jaceylkaas waa mid si weyn uga duwan jaceylka dhabta ah ee waara , mana yaqaanaan haweenka jaceylka bilaawga uu ku yahay sirta jaceylka, hadaba qodobadan hoos ku qorani waa kuwa gabadha uu jacaylku ku cusubyahay ay tahay in ay

SAWIRO: Waxkabaro Wiilkii yaraa Ee Maqaarka Jidhkiisu Isku bedelay Dhagaxa


Ramesh Darji Waa wiil yar oo dhalasho ahaan kasoo jeeda magaalo yar oo ku taal dalka Nepal, wiilkan yar oo ay hooyadii ogaatay markii uu jiray 15 maalmood oo keliya in dubka

Monday, September 3, 2018

Siyaasiyiin Caan ah Oo Naftooda kuwaayey Siyaasadii ay ku jireen (Shirqoollo dilal ah lugu fuliyey) W/q: Hamse Wiyeer-yare


Hordhac: Nabad iyo bariido wacan, waxaan qormadan kooban kusoo qaadanayaa qaar kamid ah siyaasiyiintii caanka ahayd ee lugu khaarijiyey shirqoolo siyaasadeed kuwaas oo qaar kamid ahi wakhtigii la shirqoolaayey hayeen ama ku fadhiyeen kursigii talada wadanka looga ariminaayey
1.     Abraham Lincoln (1809 – 1865)
Abraham Lincoln waa madaxweynihii 16aad ee Dalka Maraykanka wuxuu dhashay 1809kii, waxbarasho rasmi ah muu baran laakiin wuxuu aqoon iyo khibarad u lahaa buugaagtii reer galbeedka, waxaana lugu tilmaamaa in uu yahay ninka ugu muhiimsan ee qabtay madaxtinimada dalka marykanka, waana

Saturday, September 1, 2018

Siyaasiyiin Caan ah Oo Naftooda kuwaayey Siyaasadii ay ku jireen (Shirqoollo dilal ah lugu fuliyey) Q4aad W/q: Hamse Wiyeer-yare


7. Cabdirashiid Cali Sharmaake (1919 – 1969)
Allaha U naxariistee Madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya MD. C/rashiid Cali Sharmaarke wuxuu ku dhashay degmada Xaradheere ee gobolka Mudug sanadkii 1919. Wuxuu dugsiga Quraanka iyo waxbarashadiisii dhameeyay sanadkii 1936dii, wuxuu bilaabay in uu noqdo ganacsade ka dibna shaqaale ka shaqeeya howlaha Civil servant maamulkii talyaaniga ee maxmiyadda, wuxuu noloshiisa ku qaatay wixii intaas ka

Siyaasiyiin Caan ah Oo Naftooda kuwaayey Siyaasadii ay ku jireen (Shirqoollo dilal ah lugu fuliyey) Q3aad W/q: Hamse Wiyeer-yare



Inaga oo weli ku gudo jirna qormadeenan taxanaha ah oo aan kusoo bandhigayno dadkii caanka ahaa ee siyaasada ku waayey naftooda, siyaasadu ama fikirka qofku aaminsanyahay waxay noqon kartaa mid lid ku ah qof kale ee aanay isku fikirka ahayn oo isaga kasoo horjeeda taas oo ku dhalin karta aargoosi uu kula kaco qofkaas kale.