Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

39 Qodob Oo Muhiim U Ah Nolosha Dhalinyaradda Guur-doonka Ah – Ibaro Waan Kubarane W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)


Hordhac:- 39 qodob, waxaan kasoo min-guuriyey ama kasoo dheegtay mid kamid ah Muxaadarooyin uu jeediyey Sheekh Maxamuud Xasan (Abu-dalxa), Illahay isaga iyo culimadda kale ee Islaamka cimriga ha u barakeeyee.
Muxaadarada sheekha oo Muuqaal ahayd lana duubay sanado badan ka hor, waxaan raadiyey wax qoraal ah in aan laga sameynin, waxaan la xidhiidhay
Sheekh Maxamuud Xasan (Abu-dalxa), xidhiidh kadib waxaan qoray 39 qodob oo aanan hal qodob waxba ka bedelin, waa qodobo runtii aniga iyo inta kale ee dhalinyarta ila midka ah ee guur-doonadda ah ama kujira xaalada shukaansiga Rag iyo Dumarba u jeexay jid iyo mustaqbal wanaagsan, keliya maaha dhalinyarta doobabka ah iyo gabadha gashaantimaha ah, ee waxay sidoo kale faaido u noqon kartaa qoys kasta oo dhisan oo ka faaideysta ama jecel in ay dib u saxaan noloshooda.
Waxaayaabaha igu kelifay in aan qoraal kasameeyo qodobadan ayaa wax kamid ah in qoysaskeena ama Qoysaska guud ahaan Soomaali uu kusoo badanaayo dhaqanka xun ee furiinka iyo kala taga, kaas oo aan qoyska iyo caruurta labadaba u fiicnay. Sidoo kale qodobadani waa sida heshiisyada Caalamiga ah oo kale, waana kuwa bud-dhig iyo asaas fiican u noqon kara Qoys faraxsan oo wanaagsan.
1.     Xidhiidhka aad la’a leedahay ilaahay gaar ahaan salaadu waa side?
2.     Qaabka ay kuu arkaan bulshadu waa side?
3.     Maxaa balwada kuu ah ee aad jeceshahay?
4.     Xidhiidhka aad la’a leedahay waalidkaa inteed ku qiyaasi kartaa?
5.     Markaad go’aan qaadanayso sideed u qaadataa?
6.     Wakhtiyada fasaxyada maxaad qabataa?
7.     Ma jiraan xanuuno khaas kuu ah oo aad qabtaa?
8.     Ma khuurisaa habeenkii?
9.     Cuntada Nooceed ugu jeceshahay?
10.                         Maxaa kaa xanaajiya si aan kaaga ilaaliyo?
11.                         Hadii aad xanaaqdo maxaa daawo kuu ah?
12.                         Ma tahay qof jecel nadaafada guriga, dharka ?
13.                         Kuweed ugu jeceshaya in ay guriga yimaadaan ehelka iyo saaxiibada?
14.                         Qaabkeed u jecelaan lahayd in uu arooskeenu u dhaco?
15.                         Meherkaagu waa imisa?
16.                         Yaad la socotaa oo aad saaxiibo latahay?
17.                        Waan ku jecelahay maxaa laga waddaa?
18.                         Hadii uu yimaado khilaaf sideed u xalin doontaa, goobtee, wakhtigee?
19.                         Qaabkeed u fahansantahay barbaarinta ubadka?
20.                         Dhaqaalaha qoyska sideed u qorsheyn doontaa, mustaqbalka dhow iyo ka fog labadaba?
21.                         Maxaa mustaqbal inoo ah?
22.                          Qalbiga ninkaagu/ xaaskaagu hadii uu is xidho maxaa lugu furaa?
23.                         Maxaa kobciya Jacaylka kana dhiga beer qurux badan iyo biyaha bada oo kale?
24.                         Aniga iyo adiga maxaa inaga dhexeeya, oo aaan isku darsanaa?
25.                         Reerka maamulkiisa yaa xaq u leh?
26.                         Aanu wada tashano maxaa laga wadaa?
27.                         Hadii ay dhibaato timaado sidee ayaad u maarayn lahayd?
28.                         Albaabka markaan kasoo galo sideed ii qaabili lahayd?
29.                         Marti iyo mudane sideed u maamul doontaa?
30.                         Balanta, cadaalada, xuquuqda, masuuliyada iyo runta maxaad u taqaanaa?
31.                         Ma tahay qof wixii loo geystay ilaaba?
32.                         Sirta guriga nooceed u taqaanaa?
33.                          Ma ii sharxi kartaa tiirarka uu ku taaganyahay reerka wanaagsani?
34.                         Hadaan kula guursado anigoo ku jecel maxaad samayn lahayd?
35.                         Raali maka tahay in xaaskaagu shaqaysato ama waxbarashada sii wadato?
36.                         Hadii aan kaadalbado in aad u soo guurto halka aan deganahay maxaad dalban lahayd?
37.                         Waxbarashada dhanka diinta iyo maadiga halkeed kala maraysaan?
38.                         Ma jeceshahay wax akhriska?
39.                         Maxaa u dhexeeya qabiil iyo qabaliyad, keebaad se ku dhaqantaa?

Tixraac:  Muxaadarada ciwaankeedu yahay “I baro waan ku barane”, oo uu jeediyey Sheekh Maxamuud Xasan (Abu-dalxa), waana qormo kujirta Buuga Dhalinyaradda Maanta Iyo Waayaha Nolosha
Wabilahi tawfiiq.
Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
Qoraa / Saxafi madax banaan
Hargeysa -Somaliland

Post a Comment

0 Comments