Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Dumarka Shukaansiga iyo Jaceylka ku Cusub, khaladaadka Lama Filaanka leh oo ay Galaan


Dareemaha Jaceylka ayaa qalbiga haweenka ku bilaaba in uu ku ciyaaro iyadoo rabitaankaasi xoogan oo ku aadan in ay helaan qiso jaceyl oo ay ku noolaadaan ayay gabadhu raadineysaa qof ay weydaarsato jaceylkaasi ay rajeyneyso . Marka la fiiriyo jaceylkaas waa mid si weyn uga duwan jaceylka dhabta ah ee waara , mana yaqaanaan haweenka jaceylka bilaawga uu ku yahay sirta jaceylka, hadaba qodobadan hoos ku qorani waa kuwa gabadha uu jacaylku ku cusubyahay ay tahay in ay
ogaato oo xooga saarto si jacaylka ay qofka ay calmatay u qabtaa uu usii xoogaysto.
1- Jaceylka Waa Mas`uuliyad : gabadha ayaa marka ay ku jirto bilaawga jaceylka u haysata in jaceylka yahay hub ay kula dagaalamayso qofkii cadhiidhiya xorayadeeda una haysta in weli ay yar tahay , balse gabdhaha jaceylka ku cusub waxa aysan garaneyn ayaa ah in jaceylka yahay mas`uuliyad ,ogoow jaceylka waa qadarin , sameynta jaceyl dhab ah waxaa u sal ah kalsooni iyo is fahan .
2- Jaceylka Waa Joogteyn : Jaceylka waa heshiis laba qof ku balamayaan in ay fuliyaan dhamaan sharciyadiisa tanina gabdhaha jaceylka ku cusub ayaan garaneyn una haysta kaliya in uu yahay is weydaarsi erayada jilicsan balse waa mas`uuliyad intaas ka weyn .
3- Jaceylka Waa Ixtiraam : Jaceyl aan laheyn ixtiraam waa geed aan midho laheyn , waana muhiim in gabadha jaceylku ku cusubyahay ay ogaato , ogoow sida aad dooneyso in laguu ixtiraamo in adna lagaaga baahan yahay
4- Jaceylka Waa Naf Hurid : Ogoow jaceylka hadii uusan laheyn isu tanaasulid in uusan guuleysaneyn waligii
5. Jacaylku Waa Kalsooni: Is aaminda labada qof waa tan ugu muhiimsan ee xoog iyo jiritaan siisa jacaylka dhabta ah, gabadha jacaylku ku cusubyahay hadii aanay aaminsanayn in kalsoonida jacaylka lasiiyaa aanay ahayn mid sidaas u sii waarta, waa mid u sababi karta in si degdeg ah uu jacaylkaasi u baabo.



W/Q: Hamse Wiyeer-yare

Post a Comment

0 Comments