Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

SAWIRO: Waxkabaro Wiilkii yaraa Ee Maqaarka Jidhkiisu Isku bedelay Dhagaxa


Ramesh Darji Waa wiil yar oo dhalasho ahaan kasoo jeeda magaalo yar oo ku taal dalka Nepal, wiilkan yar oo ay hooyadii ogaatay markii uu jiray 15 maalmood oo keliya in dubka
sare ama maqaarka sare ee jidhkiisu uu si aayar aayar ah isku bedelaayo isla markaana ay ku daboolmayso maqaar sare oo adag, markii uu gaadhay da’da shan sano jirka waalidkii waxay aad uga walaaceen sida uu jidhkiisu usii dhagaxoobay iyada oo ay fuushay walax adag taas oo sabab u noqotay in uu hadal iyo xitaa socod labada awoodi kari waayo, dhakhaatiirta ayaa ka daalay in ay daweeyaan wiilkan yar, sidoo kale waxaa la garan waayey nooca xanuunka haya, waxay tani ka dhigtay wiilkii mid uu keliyeysto oo ay ka iskaga fogaadaan caruurtii da’diisa ahayd ee deegaanka ku noolayad, Aabaha wiilkan yar dhalay ayaa isna ah mid aan shaqo sidaas u weyn hayni, guud ahaan qoyska Ramesh Darji-na waxay ahayeen sabool, gabadha heesaaga ah ee u dhalatay dalka ingriiska Josse esto oo uu gaadhay warka inankaas yar ayaa u uruurisay yabooh dhaqaale oo lugu daweeyo, kadib waxaa inankaas yar la geeyey dhakhtar ku yaala dalka ingiriiska iyagoo dhakhaatiirtii gacanta ku hayey ay ugu yaraan ka rideen oo ka xoqeen qolfihii adkaa ee jidhkiisa ku daboolnaa iyadoo wixii intaas kadambeeyey ay noqotay xaaladiisu tii soo hagaagaysay.







W/Q: Hamse Wiyeer-yare


Post a Comment

0 Comments