Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Siyaasiyiin Caan ah Oo Naftooda kuwaayey Siyaasadii ay ku jireen (Shirqoollo dilal ah lugu fuliyey) Q3aad W/q: Hamse Wiyeer-yare



Inaga oo weli ku gudo jirna qormadeenan taxanaha ah oo aan kusoo bandhigayno dadkii caanka ahaa ee siyaasada ku waayey naftooda, siyaasadu ama fikirka qofku aaminsanyahay waxay noqon kartaa mid lid ku ah qof kale ee aanay isku fikirka ahayn oo isaga kasoo horjeeda taas oo ku dhalin karta aargoosi uu kula kaco qofkaas kale.

5. Martin Luther King (1929 – 1968)

Waa nin siyaasi ah wuxuuna ku dhashay 1925kii gobolka Atlantic ee dalka Maraykanka waana ninka ugu yar ee lasiiyo bilada nobalka ee nabadgalyada (Noble peace prize), wuxuu kasoo jeedaa Afrika Wuxuu ahaa nin kamid ah kuwa ugu muhiimsan ee u dhaqdhaqaaqa xuquuda rayidka ee dadka afrikaan-maraykanka ah (African-American Civil Rights), dhaq-dhaqaaqan wuxuu ahaa mid lugu cidhib tiraayo takoorka lugu hayo dadka maraykanka madow ah, halka Martin king laftiisu uu ahaa madow, waxa uu jaamacada dhameeyey isaga 19 jir ah, wuxuuna jeediyey khudbad uu ku dhaliilayo labada xisbi ee maraykanka.

14 April 1968 ayey ahayd markii Martin isaga oo taagan dabaqa labaad ee dhismaha qol uu ka deganaa hotel, loo toogtay si aad u khatar ah,  markii shirqoolku dhacay waxaa 60 magaalo oo maraykanka kamid ah ka dhacay rabshado, aakhirkiina shan maalmood kadib Madaxweyne Johnson wuxuu ku dhawaaqay maalinta la aasayo, laba bilood kadib James Early Ray oo ahaa dhagar qabihii lugu eedeeyey dilka Martin King ayaa lugu aqabtay Madaarka magaalada London isagoo baxsad ah, kadibna waxaa losoo gacan geliyey maamulka Tennessee ee maraykanka, halkaas oo uu wajahay xukunkii uu ku dilay King, ninkan loo qabtay toogashada ayaa ahaa nin cadaan ah oo ka calool xumaaday dhaq-dhaqaaqii xuquuqda bulshada rayidka ah ee dadka madow.
6. Benazir bhouto (1953 – 2007)

waxay ku dhalatay Karach-pakistan 21-june 1953, waxay waxbarashadeedii sare ku qaadatay dalka maraykanka intii u dhaxaysay 1969 -1973, waxay oori u noqotay Madaxweynihii hore ee dalka Pakistaan Asif Cali Sardari 1987 iyadoo u dhashay laba gabdhood iyo hal wiil. Benazir bhouto waxay Ra’isal wasaare ka noqotay dalka Pakistan laba jeer oo kala ah intii u dhaxaysay 1988–1990 iyo markii labaad oo ahayd 1993–1996, kadibna waxay hogaamiye ka noqotay xisbi mucaarad ah oo la yidhaa Pakistan People’s Party –PPP.

27-Dec-2007, ayey ku geeriyootay shirqool losoo abaabulay kadib mar ay isku diyaarinaysa doorsho ka dhacaysay dalka Pakistan sanadka xiga, iyada oo olole ku jira oo u khudbadanaysay kumanaan taageerayaasheeda kamid ah, waxaa lala eegtay qaxyo is xig xiga, kadib Bensir ayaa isku dayday in ay meesha ka baxsato iyada oo la saaray nooca baabuurta aan xabadu Karin oo dusha sare ka banaan ,  si kedis ah laba xabadood ayaa lagaga dhufta laabta iyo luqunta sida ay sheegtay wasaarada arimaha gudaha ee dalka Pakistan, mudo yar kadib oo loola cararay dhakhtarka ayaa la cadeeyey in buuto ay u geeriyootay madax oo ay ku dhufatay gaadhigii ay sidaas ayeyna 27 Decembre 2007 ku geeriyootay bensir buuto oo ahayd hogaamiyihii xisbiga mucaaradka ah ee PPP.



Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
Qoraa / Saxafi madax banaan
Hargeysa -Somaliland

Post a Comment

0 Comments