Maxaa Cusub

6/recent/ticker-posts

Siyaasiyiin Caan ah Oo Naftooda kuwaayey Siyaasadii ay ku jireen (Shirqoollo dilal ah lugu fuliyey) W/q: Hamse Wiyeer-yare


Hordhac: Nabad iyo bariido wacan, waxaan qormadan kooban kusoo qaadanayaa qaar kamid ah siyaasiyiintii caanka ahayd ee lugu khaarijiyey shirqoolo siyaasadeed kuwaas oo qaar kamid ahi wakhtigii la shirqoolaayey hayeen ama ku fadhiyeen kursigii talada wadanka looga ariminaayey
1.     Abraham Lincoln (1809 – 1865)
Abraham Lincoln waa madaxweynihii 16aad ee Dalka Maraykanka wuxuu dhashay 1809kii, waxbarasho rasmi ah muu baran laakiin wuxuu aqoon iyo khibarad u lahaa buugaagtii reer galbeedka, waxaana lugu tilmaamaa in uu yahay ninka ugu muhiimsan ee qabtay madaxtinimada dalka marykanka, waana
madaxweynihii joojiyey adoonsigii dadka ee ka jiray dalka marynkanka , isaga oo joojiyey 1863kii, wuxuu masraxa siyaasada kusoo biiray 1854kii isaga oo iskasoo sharaxay Xisbiga Jamhuuriga, waxaa la shirqoolay 14-April 1865kii isaga oo kasoo qayb galay masrax riwaayadeed lugu qabtay gobolka Merland, mid kamid ah jilayaashii riwaayada oo magaciisa layidhaahdo Jon Wilkes ayaa baaskoolad ku toogtay isla markiina goobtii ayuu ku naf baxay Abraham link.
2.      Mohandas Karamchand Gandhi (1869 – 1948)
Hogaamiyaha ruuxiga ah Mohandas Gandhi waxa uu dhashay 14-October 1869 waxaanu ku dhashay Imaarada Boon-bandar ee kutaala gobolka Gujaraad ee Hindiya, waxaa uu ka dhashay qoys siyaasada magac dheer kuleh, aabihii waxa uu ahaa Ra’isal wasaaraha Imaarada Boon-bandar, Gandi waxa uu guursaday markii ay da’diisu ahayd 13 jir, waxa uu u safaray Dalka Ingriiska 1882kii si uu u galo waxbarasho gaar ahaan qaanuunka, kadib waxa uu kusoo noqoday Hindiya 1890kii, waxa uu hogaamiye kanoqoday Xisbiga Mu’tamarka sanadkii 1921kii wax uuna qaaday talaabooyin lugu yaraynayo faqiirnimada ragaadisay dadka iyo dalka Hindiya luguna balaadhinaayo dhaqaalaha, waxa uu ka shaqeeyey sidii ay Hindiya uga xoroobi lahayd gumaysigii Ingriiska, 4 sano oo la xidhay kadib wax ay hindiya heshay xorinmadeedii, wuxuuna isku deyey Gandi in uu mideeyo qoomiyadaha Hindiya, laakiin umay suurto gelin waayo dadkii haystay Hindowska ayaa arintaas kadiiday, waxaana la dilay 30 July 1948kii markaas oo ay da’diisu ahayd 79 jir.
3. Malcolm X (1965)
Malcolm X, sidoo kale waxaa loo yaqaanay Malcolm Little, waxa uu ahaa nin muslimka madow ee maraykanka kamid ah, wuxuuna ahaa Wasiir katirsan Xukumada Maraykanka , waana ka keliya ee ilaa maanta la aaminsanyahay in uu ka dambeeyey in Dadka madoobi awood kuyeeshaan Maraykanka, wuxuuna aasaasay urur uu u bixiyey (Black Power Movement), kasoo Maraykanka kadhex shaqaynaayey 1960kii ilaa 1970kii, wuxuu u dagaalamaayey sidii dadka afrikaanka ah ee maraykanku u helilahaayeen xoriyad lamid ah tan dadka cadaanka ah.
21-February 1965 ayey saddex nin oo baskoolado sitaa soo weerareen Malcolm X, isla markii uu isku dayey in uu ka baxsado waxaa toogtay mid kamid ah sadexdii nin, halaka ugu dambeyntiina labadii kale ay toogteen ilaa 16 jeer, inkastoo lasheegay in ragaas shirqoolka ku dilay ay kamid ahaayeen Urur la odhan jiray (Nation of Islam) oo uu markii hore kamid ahaa Malcolm laakiin uu ka baxay, ayaa hadana sababaha dilkiisa ugu waaweyn ee loo tiiriyaa ay tahay isaga oo aad dadka uga dhaliili jiray marka uu ka hadlaayo meelaha fagaarayaasha ah, wuxuuna Malcom X dhintay isagoo 39 jir ah.
4. John F. Kennedy
John F. Kennedy wuxuu ahaa Madaxweynii 35aad ee Dalka Maraykanka, wuxuu dalkaas xukumaayey 20-january 1961 ilaa laga gaadhay dhimashadiisii oo ku beegnayad 22-November 1963, Intii uu xukunka madaxweynenimada haye waxaa dhacay dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee Maraykanka, sida Tartankii hawada (The space race), dhaq-dhaqaaqii Xuquuda shacabka ee Ameerika (American Civil Rights Movement), Qalalaasihii gantaalada ee Kuuba (Cuban Missile Crisis), Dhismaha gidaarkii Baarliin (The building of the Berlin Wall) iyo Bilawgii dagaalkii Fitnaam Uu maraykanku la galay (The beginning of the Vietnam War).
Inkastoo shirqoolkii lugu dilay Kennedy ay goobjoog ahaayeen kumanaan markhaati, hadana ilaa hadda muran ayaa ka taagan sidii uu u dhacay dilkaasi, iyada oo ay jiraan shakiyo badan oo arintaas laga qabo, si kastaba aha ahaatee waxay ahayd saacada 12:00Mp-duhurnimo, markii madaxweynuhu isaga oo u socdaalaya magaalada Dallas ee gobolka Taxes, isaga oo ku jira gaadhi dusha sare ka banaan lugu toogtay saddex jeer oo qori aad u awood weyn ah, taas oo sadaxdii toogashaba ay ku dhaceen Madaxweynaha.
Kennedy wuxuu si deg deg ah ugu dhintay dhakhtarka, dilka madaxweynahana waxa lugu eedeeyey inuu geystay nin layidhaah Lee Harvey Oswald, oo aynu qaybaha dambe ee Daraasaadka Aduunka ee Wargeyskan Warsugan kusoo qaadan doono, inkastoo ninkaas si weyn looga shakiyey baadhitaano badan oo la sameeyey dilkiisa kadib waxaa qayb ka noqoday dilka madaxweynaha ciidanka FBI-da layidhaa, Dawlada Cuba, CIA-da maraykanka, iyo qolo kale oo la yidhaah USSR, si kastaba ha ahaatee waxaa la aaminsanhaya iyo Lee Harvey iyo kooxahaas aanu soosheeganay ay iska kaashadeen dilkiisa, laakiin ilaa hada lama hayo cadaymo sax ah oo si toos ah u tilmaamay dilkiisa iyo ujeedada loo dilay wallow ay jiraan arimo sir ahi.
5. Cabdirashiid Cali Sharmaake (1969)
Allaha U naxariistee Madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya MD. C/rashiid Cali Sharmaarke wuxuu ku dhashay degmada Xaradheere ee gobolka Mudug sanadkii 1919. Wuxuu dugsiga Quraanka iyo waxbarashadiisii dhameeyay sanadkii 1936dii, wuxuu bilaabay in uu noqdo ganacsade ka dibna shaqaale ka shaqeeya howlaha Civil servant maamulkii talyaaniga ee maxmiyadda, wuxuu noloshiisa ku qaatay wixii intaas ka dambeeyay magaalada Muqdisho.
Wuxuu ka mid noqday ururkii Somali Youth League waxyar ka dib markii la aasaasay sanadkii 1943dii, wuxuuna ku biirey maamulkii ingiriiska ee Soomaaliya British Administartion Civil Service. Wuxuu waxbarashadiisii dugsiga sare dhameystay 1953dii, isagoo weli ka shaqeynaya Civil service, wuxuuna helay Course Schoolership ah dalka Talyaaniga gaar ahaan Jaamacadda University of Rome “La Sapienza”, halkaas oo uu ka qalin jibiyay sanadku markuu ahaa 1958dii, wuxuuna sanad ka dib ku soo laabtay dalka Soomaaliya, ka dibna waxaa loo doortay in uu noqdo xubinka tirsan Golihii lagu magacaabi jirey Somali Legislative Assembly.
Markii ay Soomaaliya noqotay dal madaxbannaan bishii 1, July 19960kii, wuxuu noqday Ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee ay yeelato dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Wuxuu markiiba bilaabay in uu dadaal u galo sidii uu guulo uga soo hoyn lahaa dhinaca arrimaha dibedda, wuxuuna dalka Ra’iisul wsaare ka ahaa illaa 1964tii.
Ka dib doorashooyin dalka ka dhacay wuxuu mar kale noqday xubin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Sanadkii 1967dii doorashooyin la qabtay laguna dooranayay madaxweyne cidda ka noqoneysa dalka ayaa loo doortay in uu dalka Madaxweyne ka noqdo, ka dib markii doorashooyinkii dhacay uu kaga guuleystay madaxweynihii xilka kaga horreeyay ee Soomaaliya MD. Aadan Cabdulle Cusmaan “Aadan cadde”, wuxuuna xafiiska kala wareegay isla sanadkaas oo ku beegan 10kii June 1967dii.
Labo sano ka dib markii uu dalka Madaxweyne ka noqday ayaa askari ka tirsan ciidamadii ilaalada ka hayay uu toogasho ku dilay 15kii bishii oktoobar 1969kii, isagoo booqanaya gobolka Sanaag ee dalka soomaaliya halkaas oo ay abaaro ka dhaceen.
Lix maalmood ka dib markii dilku dhacay ayay ciidamadii dalka talada xoog kula wareegeen iyadii weli lagu jiro baroordiiqda madaxweynahaasi la dilay. Waxaana 21kii Oktoobar 1969kiidalka Madaxweyne ka noqday Allaha u naxariistee Sarreeye gaas Max’ed Siyaad Barre oo ahaa Taliyihii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
6. Martin Luther King (1929 – 1968)
Waa nin siyaasi ah wuxuuna ku dhashay 1925kii gobolka Atlantic ee dalka Maraykanka waana ninka ugu yar ee lasiiyo bilada nobalka ee nabadgalyada (Noble peace prize), wuxuu kasoo jeedaa Afrika Wuxuu ahaa nin kamid ah kuwa ugu muhiimsan ee u dhaqdhaqaaqa xuquuda rayidka ee dadka afrikaan-maraykanka ah (African-American Civil Rights), dhaq-dhaqaaqan wuxuu ahaa mid lugu cidhib tiraayo takoorka lugu hayo dadka maraykanka madow ah, halka Martin king laftiisu uu ahaa madow, waxa uu jaamacada dhameeyey isaga 19 jir ah, wuxuuna jeediyey khudbad uu ku dhaliilayo labada xisbi ee maraykanka.
14 April 1968 ayey ahayd markii Martin isaga oo taagan dabaqa labaad ee dhismaha qol uu ka deganaa hotel, loo toogtay si aad u khatar ah,  markii shirqoolku dhacay waxaa 60 magaalo oo maraykanka kamid ah ka dhacay rabshado, aakhirkiina shan maalmood kadib Madaxweyne Johnson wuxuu ku dhawaaqay maalinta la aasayo, laba bilood kadib James Early Ray oo ahaa dhagar qabihii lugu eedeeyey dilka Martin King ayaa lugu aqabtay Madaarka magaalada London isagoo baxsad ah, kadibna waxaa losoo gacan geliyey maamulka Tennessee ee maraykanka, halkaas oo uu wajahay xukunkii uu ku dilay King, ninkan loo qabtay toogashada ayaa ahaa nin cadaan ah oo ka calool xumaaday dhaq-dhaqaaqii xuquuqda bulshada rayidka ah ee dadka madow.
7. Benazir bhouto (1953 – 2007)
Waxay ku dhalatay Karach-pakistan 21-june 1953, waxay waxbarashadeedii sare ku qaadatay dalka maraykanka intii u dhaxaysay 1969 -1973, waxay oori u noqotay Madaxweynihii hore ee dalka Pakistaan Asif Cali Sardari 1987 iyadoo u dhashay laba gabdhood iyo hal wiil. Benazir bhouto waxay Ra’isal wasaare ka noqotay dalka Pakistan laba jeer oo kala ah intii u dhaxaysay 1988–1990 iyo markii labaad oo ahayd 1993–1996, kadibna waxay hogaamiye ka noqotay xisbi mucaarad ah oo la yidhaa Pakistan People’s Party –PPP.
27-Dec-2007, ayey ku geeriyootay shirqool losoo abaabulay kadib mar ay isku diyaarinaysa doorsho ka dhacaysay dalka Pakistan sanadka xiga, iyada oo olole ku jira oo u khudbadanaysay kumanaan taageerayaasheeda kamid ah, waxaa lala eegtay qaxyo is xig xiga, kadib Bensir ayaa isku dayday in ay meesha ka baxsato iyada oo la saaray nooca baabuurta aan xabadu Karin oo dusha sare ka banaan ,  si kedis ah laba xabadood ayaa lagaga dhufta laabta iyo luqunta sida ay sheegtay wasaarada arimaha gudaha ee dalka Pakistan, mudo yar kadib oo loola cararay dhakhtarka ayaa la cadeeyey in buuto ay u geeriyootay madax oo ay ku dhufatay gaadhigii ay sidaas ayeyna 27 Decembre 2007 ku geeriyootay bensir buuto oo ahayd hogaamiyihii xisbiga mucaaradka ah ee PPP.

Tixraac: Wikipedia Organization



Wabilahi tawfiiq.
Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
Qoraa / Saxafi madax banaan
Hargeysa -Somaliland

Post a Comment

0 Comments