WAXBARASHO

Sunday, September 23, 2018

Waayaha-Nolosha: Wuxuu Ahaa Arday Waxbarashadda Ka Saaqiday Laakiin Aakhirkii Wuxuu Soobandhigay Wax Indhaha Dunidda Ka Yaabiyey


Nin u dhashay dalka Masar oo waxbarashada tooska ah ee dugsiga loogu taag waayey, isla markaana raacay hankiisa oo ahaa inuu noqdo far-shaxan (artist), ayaa muddo saddex sannadood ah ku qaatay samaynta Kitaab uu aaminsan yahay inuu yahay qoraalka Qur’aan ee ugu dheer adduunka. Farsamo-yaqaankan oo magaciisu yahay Saad Maxamed oo inta badan caan ku ah sawir-gacmeedada, ayaa sameeyey  qoraal 700 mitir isu jira oo ka kooban Aayadaha Qur’aanku ka kooban yahay, marka la kala bixiyana waxay saddex jibbaar ka dheer tahay Dhismaha ugu dheer qaaradda Afrika
oo ku yaal dalka Koonfur Afrika, kaasoo dhererkiisu dhan yahay 223 mitir. Gurigiisa uu far-shaxameedka ku sameeyo oo ku yaala tuulada Belqina oo ku taal waqooyiga caasimadda Qaahira, waxa gidaaradiisa ku yaal muqaallo ka turjumaya Islaamka, waxa ay soo jiidataa qof kasta oo taga amma gala.
Maxamed waxa uu aaminsan yahay in dhukumantigan Qur’aanka ah ee uu isagu iskii u diyaariyey uu ku filan yahay inuu u guulaysto ka mid noqoshada dhacdooyinka adduunka ugu cajiibsan (Guinness World Records), isla markaana ma jiro rikoodh hore oo ka yaala far-shaxan qoraaleed gacanta lagu qoro oo Qur’aanka ah.
Waxa uu aad u danaynayaa in magaciisa lagu xardho dhagax taariikhda dunida gala, haddii uu awood u yeesho amma helo dakhliga uu kaga qaybgalayo tartanka dhacdooyinka cajiibka ah.
Qoraalka Qur’aanka ah dherarkiisu waa 700 mitir, waana warqadii ugu dheerayd ee qoraal lagu qoro. Anigaa mashruucan iskay u maalgeliyey oo muddo saddex sannadood ah ku hawlanaa. Anigu qof caadi ah baan ahay, mana haysto dhaqaale iyo wax kale toona,” ayuu u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo MNK kasoo xigatay. Waxa jira hal dhukumanti oo Qur’aanka ah oo buugga dhacdooyinka adduunka la geliyey, waana Kitaabka Qur’aanka ah ee ugu da’da weyn ee laga dhaxlay Cismaaniyiintii “Mushaf of Othman,” oo la qoray sannadkii 655-kii. Waqtigan waxa iska leh oo gacanta ku haya kitaabkaas Guddida Muslimka ee dalka Uzbekistan, horena waxa iska lahaan jiray Khaliif Cusmaan oo ahaa Khaliifkii saddexaad ee Islaamka u taliya. Waxa la sheegaa in kitaabkan ay ka badbaadeen 706 bog ee u horreeya, laguna hayey magaalada Tashkent ee dalka Uzbekistan.


@Waayaha-Nolosha - Wiyeeryare